Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kormeer ku tagay deegaanada Laag & Galgala oo ka tirsan Gobolka Bari.
Xildhibaan Axmed Bashiir Askar, Xildhibaan Cabdirashid Maxamuud Yuusuf iyo Xildhibaan Cali Cabdiwaaxid Xuseen ayaa booqday goobaha loo qorsheyay diiwaan-gelinta Codbixiyaha Doorashooyinka hal qof hal cod ee Goleyaasha deegaanka iyagga oo kulamo la qaatay qeybaha kala duwan bulshada.
Xildhibaannada ayaa ku dhiira-geliyey guud ahaan shacabka deegaanada ay booqdeen inay is diiwaan-geliyaan si ay u helaan xaqooda codbixinta.
Dhinaca kalena, Xildhibaannada ayaa booqday goobaha adeega Bulshadda ee waxbarashada, caafimaadka deegaanka Galgala.









DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland