Dhaxan, February 09, 2024: Xildhibaan Axmed Bille Siciid oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa gaaray deegaanada Dhaxan iyo Misir oo ka tirsan Degmadda Qardho ee Gobolla Karkaar.
Xildhibaan Axmed Bille ayaa deegaanka Misir ka dhagax-dhigay dhismaha Dugsi hoose/dhexe.
Dhinaca kalena, wuxuu deegaanka dhaxan ka furay xafiis ay dadka deegaanka kala xiriiri doonaa.
Socdaalka Xildhibaanka waxaa ku wehlinayey Taliye ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Cismaan Maxamuud Maxamed ( Cigge)
– DHAMMAAD