Xildhibaan Maxamuud Dhakuul Xirsi oo ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Maxamed Cabdulaahi Libaaxe, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland iyo xubno kale ayaa deegaanka Ceelaadhir ka dhagax dhigay xarunta Xanaanada Xoolaha, taas oo markii ugu horeysay halkaas laga hirgalinayo, islmarkaana qaabilsan caafimaadka & daaweynta Xoolaha.
Sidoo kale mas’uuliyiintan ayaa dhagax dhigay dayactir iyo qaybo cusub oo lagu soo korhdinayo saldhiga Booliska ee Deegaanka Ceeldaahir ee Gobolka Bari.
Ugu dambeyn, weftiga ka socda Dawladda Puntland xariga ka jaray xarunta cusub ee loo dhisay xanaanada Xoolaha Degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar.
-DHAMMAAD