Garoowe, Febraayo 08, 2024: Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntlland ee laga soo doorto Gobolka Nugaal ayaa maanta Qado sharaf u sameeyay Xubnaha Golaha Wakiillada.
Qado sharaftaan ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse iyo Xildhibaannada Golaha.
Ujeedada Qado sharafta ayaa aheyd soo dhaweyn iyo isbarasho xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada.
– DHAMMAAD –


