Golaha Wakiillada

Xildhibaanno ka socda guddiyada golaha wakiillada oo maanta u kuurgalay xaalada guud ee qardho.

Qardho May 25, 2024: Xildhibaannada oo maanta kormeer ku tagay degmada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ayaa ugu horeyn daah furay imtixaanka shahaadiga ee Dawladda Puntland, kaas oo ka qabsoomay Dugsiga sare ee Shiikh Cisman.

Guddiyada ayaa booqday bartamaha magaalada, halkaas oo ay ka socoto baneynta dhulkii biyo mareenka ahaa, Xafiisyada kala duwan ee dawladda sida Maamulka Gobolka, xarunta degmada, Taliska Qeybta Booliiska Gobolka, Cisbitaalka guud ee magaalada, Xabsiga dhexe iyo Xarunta Wasaaradda Maaliyadda.

Waxay Guddiyadu warbixino ballaaran oo dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaysteen dhammaan mas’uuliyiinta kala duwan, iyagoo Guddiyada uga warbixiyey xaladda degmada iyo guud ahaanba Gobolka, hawlaha qabsoomay iyo caqabadaha, iyagoo mudanayaasha uga mahadceliyey kormeerka ay ku yimadeen gobolka si ay ugu kuurgalaan baahiyaha jira.

Intii ay ku guda-jireen booqashadooda, waxay sidoo kale Guddiyadu wareysteen maxaabiista ku xiran xabsiyada iyagoo ka dhagaystey warbixino la xiriira xaaladdooda nololeed, baahiyahooda iyo tabashooyinka ay qabaan.

Ugu dambeyntii Guddiyada ayaa ballanqaaday in ay warbixinta la wadaagi doonaaan cid kasta oo ay khuseyso.

-DHAMMAAD-

Scroll to Top