Waaciye: 25 September 2022: Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada DPL ayaa ka qeyb-galay munaasibadda dhagax-dhiga Xarunta Xanaanada Xoolaha, Degmada Waaciye, Gobolka Karkaar.
Waxaa Xildhibaanada kala qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL, Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta DPL, Maamulka Gobolka Karkaar, kan Degmadda Waaciye iyo Waxgaradka Magaalada.
Xarunta la dhagax dhigay oo dhawaan dhismaheeda la bilaabayo ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horeysay oo yeelato Waaciye.
Dhanka kale, Xildhibaan Jaamac Yaasiin Jaamac ayaa isla maanta kormeer kutagay xarunta cusub ee Degmada Waaciye oo dhismaheeda uu gebo-gebo marayo, Dugsiga-sare iyo Cisbitaalka Magaalada, isagoo xog-wareysay baahiyaha jira iyo waxyaabaha u qabsoomay.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland