Rako-Raaxo, 25 September 2022: Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada DPL ayaa ka qeyb-galay munaasibadda dhagax-dhiga Xarunta Xanaanada Xoolaha degmada iyo qorshaha naqshadda cusub ee Degmadda Rako-Raaxo ee Gobolka Karkaar.
Waxaa Xildhibaanada kala qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL, Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta DPL, Maamulka Gobolka Karkaar, kan Degmadda Raxo-raaxo iyo waxgaradka Magaalada.





Dhagax-dhiga xarunta Xannaanada Xoolaha Xoolaha iyo qorshaha naqshadda cusub ee Degmadda Rako-raaxo ayaa qeyb ka ah Barnaamijyadda Horumarinta ee ka socda Degmadda Rako-raaxo.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland