Golaha Wakiillada

Xildhibaano tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa Aqoon is-waydarsi uga furmay magaalada Nairobi.

Nairobi, October 14, 2024: Xildhibaano tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa Aqoon is-waydarsi uga furmay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Aqoon is-waydarsigan ayaa diirradda lagu saaraya habraaca Xeer-dejinta, Kor u qaadidda Qoonda Miisaaniyadeed ee Arrimaha Bulshada iyo Xuquuqda Aadanaha, waxaana ka qeybagalaya xubnaha Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka iyo xubno kale oo tirsan Guddiyada Qorsheynta, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Arrimaha Golaha.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Axmed Xaaji Maxamuud oo ka hadlay furitaanka kulanka ayaa uga mahadceliyey hay’adda Save the Children oo gacan ka gaysatay fududeynta Aqoon is-waydarsigan.

Aqoon is-waydaarsigaan ayaa ka mid ah qorshayaasha cusub ee kor loogu qaadayo aqoonta xildhibaanada iyo hawl-wadeenada Golaha Wakiillada.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top