Garoowe, 21 April 2025: Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa maanta ka qayb galay shirweynaha Maalgashiga Caafimaadka Puntland, kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland.
Furitaanka Shirka waxaa ka soo qaybgalay Madaxweyne ku-xigeenka DPL, xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, qaar ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adaha madaxa bannaan, Khuburo ka socota bahda caafimaadka, qeybo ka mid ah Maamulada Degmooyinka Puntland, Hay’adaha caalamiga ah ee taageera dhanka caafimaadka, ururada bulshada iyo marti sharaf kale.
Sida ku cad qodobka 33-aad ee Dastuurka, Dowladda Puntland waxaa mas’uuliyad ka saran tahay in ay daryeesho caafimaadka guud ee dadweynaha gaar ahaan carruurta iyo haweenka, iyadoo Dastuurku uu ogolyahay furashada rugo caafimaad iyo cusbitaalo, waxaana ka kormeeraya xukuumadda, iyadoo shirkani uu ku soo beegmay xilligii loo baahnaa in dib loo eego guulaha la gaarey iyo caqabadaha jira ee ku geedaaman adeegga caafimaadka.
Golaha Wakiillada waxaa shirka ku metelayey, isla markaasna qeyb ka ah Xildhibaan Cabdicasiis Axmed Saalax- Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Golaha Wakillada, Xasan Yuusuf Majabe- Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Ee Golaha Wakillada DPL iyo Cabdirisaaq Xiddig Warsame -Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakillada DPL, waxayna xildhibaanada oo hadal ka jeediyey kulank ay si weyn u soo dhaweeyeen shirweynaha maalgashiga Caafimaad, iyadoo xusay in ay diyaar u yihiin in ay door muhiim ah ka qaatay dhaqangelinta go’aamada ka soo baxa shirka.
Golaha Wakiillada wuxuu ahmiyad gaar ah siinayaa helitaanka adeeg caafimaad oo tayo leh, isla markaasna jaban, iyagoo soo saaray xeerar lagu nidaanimayo arrimaha caafimaadka iyo dhiirigelinta maalgashiga. Dhan kale, isagoo ka duulaya cabashada dadweynaha waxaa qorshaysan in dib u habeyn lagu sameeyo xeerarka hadda jira oo qaarkood aysan la jaanqaadi Karin waqtigan, lana sameeyo xeerar cusub iyo kaabista kuwii jiray. Sidoo kale, waxaa qorshaysan in kor loo qaado qoondada miisaaniyadeed ee caafimaadka si adeegga caafimaad loo gaarsiiyo dadweynaha, xalnal loogu helo daboolidda caafimaad ee jirta.
Shirka oo socon doona muddo laba beri waxay xubnaha Baarlamaanku ka qeyb gelin doonaan doodaha iyo aragti wadaagga maalgashiga Caafimaadka.
-DHAMMAAD-
Wixii faah-faahin ah kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda.



