Dhahar, May 26, 2024: Xildhibaannada oo uu hogaamianyey Xasan Ducaale Dhagaxtuur ayaa kormeer ku tagay degmada Dhahar ee Xarunta Gobolka Haylaan, iyagoo ugu horeyn kormeeray imtixaanka shahaadiga ee Dawladda Puntland, kaas oo u socda ee Ardayda.
Xildhibaannada ayaa sidoo kale booqday Xafiisyada kala duwan ee dawladda sida xarunta degmada, Taliska Qeybta Booliiska, Cisbitaalka guud ee magaalada iyo Xarunta Maxkamadda degmada.
Waxay Guddiyadu warbixino ballaaran oo dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaysteen dhammaan mas’uuliyiinta kala duwan iyo isu duweyaasha Gobolka, iyagoo uga warbixiyey xaladda degmada iyo guud ahaanba Gobolka, hawlaha qabsoomay iyo caqabadaha, iyagoo mudanayaasha uga mahadceliyey kormeerka ay ku yimadeen gobolka si ay ugu kuurgalaan baahiyaha jira.
Dhinaca kale, Xildhibaannada ayaa kulan la qaatay Guddiga ilaalinta Deegaanka ee Gobolka Haylaan, kuwaas oo ka warbixiyey waxqabadkooda iyo caqabadaha haysta.
Ugu dambeyntii Guddiyada ayaa ballanqaaday in ay warbixinta la wadaagi doonaaan cid kasta oo ay khuseyso, si looga jawaabo baahiyaha jira.
-DHAMMAAD.