Boosaaso, May 27, 2024: Xubno ka tirsan Guddiyada Golaha Wakiillada ayaa maalintii labaad kormeer shaqo ku maraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Xubnahan ayaa kormeerooda shaqo ee maanta ka bilaabay Xabsiga Weyn ee magaalda boosaaso, waxayna halkaas kula kulmeen taliska xabsiga iyagoo warbixino ka siiyeen Xaaladda guud xabsiga, sidoo kale waxay kormeereen xaalada maxaabista ku xiran.
Sidoo kale, waxay Xildhibaannada ka socda Baarlamaanku kormeereen qayba kamida Saldhigyada Magaaladda Boosaaso si ay ugu kuurgalaan xaaladda Saldhigyada .
Ugu dambayn Guddiyada ayaa kormeer ku tegey Maxkamadda derajada 1aad ee Degmadda Boosaaso iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Beri, iyagoo kula kulmay guddoomiyaha Maxakmada darajada 1-aad iyo Guddoomiyaha Maxakmada Racfaanka iyagoo u kuurgalay xaalada Garsoorka Gobolka Bari.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntlan