Golaha Wakiillada

๐๐€๐‘๐๐€๐€๐Œ๐ˆ๐‰ ๐’๐ˆ๐˜๐€๐€๐’๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ( 2024 – 2029)

Anniga oo ka duulaya Qorshayaasha hortabinta leh ee aan rabno in aan ku hoggaamiyo Golaha Wakiillada 2024 – 2029 haddii Alle idmo.

Waxaan ballan qaadayaa hoggaaminta Golle haybad leh. Sida ku cad Dastuurka Dawladda Puntland Qodobka 64-aad. Waxaa i hagi doona oo aan ku shaqayn doonaa dhammaan Awoodaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Waxaan ka shaqayn doonaa in aanay laamaha kala duwan ee Dawladda isku milmin oo Laan waliba shaqadeeda u gudato si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u yaal.

Waxaan ku shaqayn doonaa siyaasad, fur-furan oo ku dhisan wada-tashi annigoo ixtiraami doona talooyinka ay Golaha wakiilladu ii soo jeediyaan.

  1. ๐‘ฐ๐‘ณ๐‘จ๐‘จ๐‘ณ๐‘ฐ๐‘ต๐‘ป๐‘จ ๐‘ฟ๐‘จ๐‘บ๐‘จ๐‘จ๐‘ต๐‘จ๐‘ซ๐‘ซ๐‘จ, ๐‘บ๐‘ฏ๐‘จ๐‘น๐‘จ๐‘ญ๐‘ฒ๐‘จ ๐‘ฐ๐’€๐‘ถ ๐‘ฒ๐‘จ๐‘น๐‘จ๐‘จ๐‘ด๐‘จ๐‘ซ๐‘จ ๐‘ด๐‘ผ๐‘ซ๐‘จ๐‘ต๐‘จ๐’€๐‘จ๐‘จ๐‘บ๐‘ฏ๐‘จ ๐‘ฉ๐‘จ๐‘น๐‘ณ๐‘จ๐‘ด๐‘จ๐‘จ๐‘ต๐‘ฒ๐‘จ.

Sida ku cad Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 131-aad, waxaan ahmiyadda iyo mudnaanta koowaad siin doonaa ilaalinta Xasaanadda, xurmada iyo maqaamka Mudanaayaasha Golaha Wakiillada si mudanayaashu u gutaan Wajibaadkooda shaqo ee Dastuuriga ah.

  1. KORDHINTA MIISAANIYADDA BAARLAMAANKA

Annigoo garwaaqsan duruufaha adag ee dhaqaale ee ay ku shaqeeyaan mudanayaasha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo hawl-wadeennada Golaha, waxaan ka shaqayn doonaa kor u qaadista gunnooyinka iyo xaqsiinta Baarlamaanka iyo hawl-wadeennada.

  1. ๐‘ช๐‘ผ๐‘น๐‘ฐ๐‘ต๐‘ป๐‘จ ๐‘ฟ๐‘ฌ๐‘ฌ๐‘น๐‘จ๐‘น ๐‘ฐ๐’€๐‘ถ ๐‘บ๐‘ฏ๐‘ผ๐‘น๐‘ผ๐‘ผ๐‘ช ๐‘พ๐‘จ๐‘ฟ-๐‘ป๐‘จ๐‘น ๐‘ผ ๐‘ณ๐‘ฌ๐‘ฏ ๐‘ฉ๐‘ผ๐‘ณ๐‘บ๐‘ฏ๐‘จ๐‘ซ๐‘จ ๐‘ท๐‘ผ๐‘ต๐‘ป๐‘ณ๐‘จ๐‘ต๐‘ซ.

Waxaannu curin doonnaa xeerarka iyo xeer-nidaamiyayaasha aynu bulsho ahaan u baahannahay, sida: horumarinta amniga iyo xasiloonida shacabka, arrimaha horumarinta xoolaha, kalluumaysiga, Beeraha, Shaqo abuurka dhallinyarada iyo dhiirigelinta maalgashiga.

Si loo gaaro Dawladnimada aan hiigsanayno oo la-jaanqaadda Dawladaha horumaray, waxaan si dhammaystiran uga shaqayn doonnaa curinta, kaabista, tayeynta iyo kor u qaadista Shuruucda iyo Xeerarka dalka kuwaas oo waafaqsan Dhaqankeena iyo Diinteenna suubban ee islaamka.

Waxaannu, sidoo kale dib u eegis ku samayndoonnaa heshiisyadii xukumadihii hore galeen annagoo ka eegi-doonna danta shacabka iyo horumarinta Puntland.

  1. ๐‘ช๐‘ผ๐‘น๐‘ฐ๐‘ต๐‘ป๐‘จ ๐‘ฟ๐‘ฌ๐‘ฌ๐‘น๐‘จ๐‘น ๐‘ฐ๐’€๐‘ถ ๐‘บ๐‘ฏ๐‘ผ๐‘น๐‘ผ๐‘ผ๐‘ช ๐‘พ๐‘จ๐‘ฟ-๐‘ป๐‘จ๐‘น ๐‘ผ ๐‘ณ๐‘ฌ๐‘ฏ ๐‘ฉ๐‘ผ๐‘ณ๐‘บ๐‘ฏ๐‘จ๐‘ซ๐‘จ ๐‘ท๐‘ผ๐‘ต๐‘ป๐‘ณ๐‘จ๐‘ต๐‘ซ

Hawsha ugu horraysa iyo midda ugu muhiimsan ee laga rabo Guddoomiyaha cusub waa in uu hal abuuro qorshe hawleedka shanta sano iyo sidoo kale, hiigsiga ama hiiraalka fog ee Baarlamaanka, lana wadaago mudanayaasha Baarlamaanka uu hoggaamiyo.

Waxaan hoggaamin doonaa dejinta qorsha-howleedka shanta sanno ee soo socota (2024-2029) Hadii Alle idmo.

Qorshahaasi waxaa uu ka tarjumayaa hiraalka iyo hiigsigeenna horumarineed ee wakhtiga dhaw, dhexe, iyo wakhtiga fog, iyada oo laga duulayo:

โ— Xagee ka nimi?
โ— Xagee joognaa?
โ— Xagee se u soconnaa?

Yoolkuna yahay in la gaaro Baarlamaan Haybad leh, hanna-qaad ah oo gaarsiisan filashada bulshadeenna.

  1. ๐‘ซ๐‘ฏ๐‘ฐ๐‘บ๐‘ด๐‘จ๐‘ฏ๐‘จ ๐‘ฟ๐‘จ๐‘น๐‘ผ๐‘ต ๐‘ช๐‘ผ๐‘บ๐‘ผ๐‘ฉ ๐‘ถ๐‘ถ ๐‘ช๐‘จ๐‘บ๐‘น๐‘ฐ ๐‘จ๐‘ฏ

Waxaan ballan-qaadayaa Hadii Alle idmo. aad in aan dhiso xarun Baarlamaan oo ku qalabaysan farsamooyinka casriga ah, kaafisana dhammaan baahiyaha baarlamaanka sida; hoolalkii shirarka, Xafiisyada Guddi hoosaadyada, hawl-wadeennada Golaha iyo Guddoonka.

Sidoo kale leh deegaan iyo guriga martida.

Waxay xaruntaas yeelan doontaa Machadka horumarinta iyo hiraalka Baarlamaanka taasoo leh Xarun cilmi baaris iyo Maktabad dhammaystiran.

  1. ๐‘ฏ๐‘ฐ๐‘น๐‘ฎ๐‘จ๐‘ณ๐‘ฐ๐‘ต๐‘ป๐‘จ ๐‘ฟ๐‘จ๐‘ญ๐‘ฐ๐‘ฐ๐‘บ๐‘ฒ๐‘จ ๐‘ซ๐‘จ๐‘ซ๐‘พ๐‘จ๐’€๐‘ต๐‘จ๐‘ฏ๐‘จ ๐‘ฌ๐‘ฌ ๐‘ฎ๐‘ถ๐‘ฉ๐‘ถ๐‘ณ๐‘จ๐‘ซ๐‘จ ๐‘ท๐‘ผ๐‘ต๐‘ป๐‘ณ๐‘จ๐‘ต๐‘ซ

Annigoo garowsan kala irdhowgii iyo kala durugsanaantii u dhaxaysay Golihii Wakiilada ee Dawladda Puntland iyo dadweynahii ay matalayeen, waxaan markii ugu horraysay yagleeli doonaa Xafiiska xiriirka dadweynaha si loo helo xogo dhammaystiran iyo atragtida dadweynaha ee la xiriira baahiyahooda.

Wuxuu xafiiskani fududayn doonaa ka shaqaynta xallinta khilaafaadka, nabadaynta beelaha, yaraynta xasaradaha iyo khataraha colaadaha.

  1. ๐‘พ๐‘จ๐‘ซ๐‘จ๐‘บ๐‘ฏ๐‘จ๐‘ธ๐’€๐‘ต๐‘ป๐‘จ, ๐‘ฐ๐‘บ๐‘ณ๐‘จ ๐‘ฟ๐‘ฐ๐‘บ๐‘จ๐‘จ๐‘ฉ๐‘ป๐‘จ๐‘ต๐‘ฒ๐‘จ ๐‘ฐ๐’€๐‘ถ ๐‘ซ๐‘จ๐‘จ๐‘ฏ๐‘ญ๐‘ผ๐‘น๐‘ต๐‘จ๐‘จ๐‘ต๐‘ป๐‘จ

Sida ku cad Dastuurka Dawladda Puntland qodobbadiisa 59-aad iyo 46-aad, wada shaqaynta iyo iskaashiga saddexda Hayโ€™adood ee Dawladdu waa waajib dastuuri ah. Waxaannu si dhab ah u xoojin doonnaa isla xisaabtanka iyo kor-joogtaynta Hayโ€™adaha kala duwan ee Dawladda, si loo helo Dawladnimo daah-furan kuna shaqaysa u adeegidda danta Shacabka.

  1. ๐‘ป๐‘จ๐’€๐‘จ๐’€๐‘ต๐‘ป๐‘จ ๐‘ฐ๐’€๐‘ถ ๐‘ฒ๐‘ถ๐‘น-๐‘ผ-๐‘ธ๐‘จ๐‘จ๐‘ซ๐‘ฐ๐‘บ๐‘ป๐‘จ ๐‘จ๐‘ธ๐‘ถ๐‘ถ๐‘ต๐‘ป๐‘จ ๐‘ฎ๐‘ถ๐‘ณ๐‘จ๐‘ฏ๐‘จ ๐‘ฉ๐‘จ๐‘น๐‘ณ๐‘จ๐‘ด๐‘จ๐‘จ๐‘ต๐‘ฒ๐‘จ

Waxaan muhiimad gaar ah siin doonnaa horumarinta iyo tayeynta Golaha annagoo xoojin doonna aqoonta iyo xirfadaha mudanayaasha Golaha Wakiillada iyo hawl-wadeennada Golaha.

Waxaan dib-u-habayn iyo casriyeyn ku samayn doonnaa qaab-dhismeedka Waaxyaha xarunta Baarlamaanka, Guddiyada Joogtada ah iyo guud ahaanba shaqooyinka kala duwan ee ay qabtaan hawl-wadeennada Golaha Wakiiladu, si Barlamaankeennu ula jaan qaado kuwa dunida casriga ah.

  1. ๐‘พ๐‘จ๐‘ซ๐‘จ-๐‘บ๐‘ฏ๐‘จ๐‘ธ๐‘จ๐’€๐‘ต๐‘ป๐‘จ ๐‘ฎ๐‘ผ๐‘ซ๐‘ซ๐‘ถ๐‘ถ๐‘ต๐‘ฒ๐‘จ ๐‘ฐ๐’€๐‘ถ ๐‘ฎ๐‘ผ๐‘ซ๐‘ซ๐‘ฐ๐’€๐‘จ๐‘ซ๐‘จ ๐‘ฑ๐‘ถ๐‘ถ๐‘ฎ๐‘ป๐‘จ๐‘ซ๐‘จ ๐‘จ๐‘ฏ

Annigoo tixraacayga koowaad ee sharcigu yahay Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Barlamaanka, waxaan wada shaqayn dhow oo ku dhisan, is-faham, isu-tanaasul, is-ixtiraam iyo is-qadarin la yeelan doonaa dhammaan Guddiyada Golaha si shaqada Barlamaanku u noqoto mid leh hanaqaad una socota si habsami leh. Waxaan ku ixtiraami doonaa gudashada masuuliyaddooda si badax-bannaan.

  1. ๐‘บ๐‘ถ๐‘ถ ๐‘ช๐‘ฌ๐‘ณ๐‘ฐ๐‘ต๐‘ป๐‘จ ๐‘ฐ๐’€๐‘ถ ๐‘ฟ๐‘ถ๐‘ถ๐‘ฑ๐‘ฐ๐‘ต๐‘ป๐‘จ ๐‘ฟ๐‘ฐ๐‘น๐‘ฐ๐‘ฐ๐‘น๐‘ฒ๐‘จ ๐‘พ๐‘จ๐‘ซ๐‘จ๐‘บ๐‘ฏ๐‘จ๐‘ธ๐‘จ๐’€๐‘ต๐‘ฌ๐‘ฌ๐‘ซ ๐‘ฌ๐‘ฌ ๐‘ฉ๐‘จ๐‘น๐‘ณ๐‘จ๐‘ด๐‘จ๐‘จ๐‘ต๐‘ฒ๐‘จ ๐‘ญ๐‘ฌ๐‘ซ๐‘ฌ๐‘น๐‘จ๐‘จ๐‘ณ๐‘ฒ๐‘จ ๐‘บ๐‘ถ๐‘ถ๐‘ด๐‘จ๐‘ณ๐‘ฐ๐’€๐‘จ, ๐‘ซ๐‘จ๐‘พ๐‘ณ๐‘จ๐‘ซ ๐‘ฎ๐‘ถ๐‘ฉ๐‘ถ๐‘ณ๐‘ฌ๐‘ฌ๐‘ซ๐’€๐‘จ๐‘ซ๐‘จ ๐‘ซ๐‘จ๐‘ณ๐‘ฒ๐‘จ ๐‘ฐ๐’€๐‘ถ ๐‘ฉ๐‘จ๐‘จ๐‘น๐‘ณ๐‘จ๐‘ด๐‘จ๐‘จ๐‘ต๐‘ต๐‘จ๐‘ซ๐‘จ ๐‘ช๐‘จ๐‘จ๐‘ณ๐‘จ๐‘ด๐‘ฒ๐‘จ

Annigoo garowsan doorkii shariifka ahaa ee Puntland ku lahayd Dawlada dhiska Soomaliya waxaan abuuri doonaa xiriir wadashaqayn oo ku dhisan horumarinta danaha iyo masaaliixda shacabka iyo Dawladda Puntland. Waxaan dhisi doonaa xiriir ku dhisan Iskaashi, is-ixtiraam, wadajir iyo saaxiibtinnimo aan la yeelan doono baarlamaanka labada Aqal ee Dawladda Fadaraalka ah, Baarlamaannada Dawlad Goboleedyada iyo kuwa Caalamka.

  1. ๐‘ด๐‘จ๐‘บ๐‘ฐ๐‘ฐ๐‘น๐‘ฒ๐‘จ ๐‘ฉ๐‘ผ๐‘ณ๐‘บ๐‘ฏ๐‘จ๐‘ซ๐‘จ ๐‘บ๐‘บ๐‘ช-๐‘ฒ๐‘ฏ๐‘จ๐‘จ๐‘ป๐‘ผ๐‘ด๐‘ถ

Sida aan wada ogsoonnahay Dawladda Puntland waxay hormuud u ahayd xorraynta iyo difaaca gobollada SSC-Khaatumo, sidaas darteed, waxaan tixgelin doonaa goโ€™aanka iyo rabitaanka shacabka SSC-Khaatumo, Issimmada iyo maammulka ku-meel-gaadhka ah. Waxaan hormuud u noqon doonnaa ka shaqaynta xeerarkii iyo shuruucdii lagu hagi lahaa masiirka dadka deegannadaas.

  1. ๐‘ฏ๐‘จ๐‘ต๐‘ต๐‘จ๐‘จ๐‘ต๐‘ฒ๐‘จ ๐‘ซ๐‘ถ๐‘ถ๐‘น๐‘จ๐‘บ๐‘ฏ๐‘ถ๐‘ถ๐’€๐‘ฐ๐‘ต๐‘ฒ๐‘จ ๐‘ธ๐‘ถ๐‘ญ ๐‘ฐ๐’€๐‘ถ ๐‘ช๐‘ถ๐‘ซ

Nidaamka dimuqraadiyaddu waa riyada kaliya ee dadka reer Puntland ay hiigsanayeen oo ay ku taamayeen tan iyo asaaskii Puntland 1998.

Sidaas darteed, annigoo dalka iyo dadka uga faaโ€™iidaynaya aqoontayda durugsan iyo waayo-aragnimadayda la xiriirta Doorashooyinka Qof iyo cod, waxaan ka shaqayn doonaa Golahana ku hooggamin doonaa dhammaystirka hannaanka iyo shuruucda doorashooyinka DPL si loo helo doorasho dadweyne oo xor iyo xalaal ah laguna kalsoonaan karo.

Waxaa cad in Goluhu u baahnaa Guddoomiye ka gadmi kara bulshada reer Puntland oo ku dhex leh sumcad, sharaf iyo ixtiraam. Sidoo kale, wuxuu Goluhu u baahnaa hoggaan hormuud u noqda dhawrista, ilaalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka Dawladda Puntland iyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Wuxuu Goluhu u baahnaa Guddoomiye leh aqoonta maamul wanaagga, xiriirka caalamiga ah, leh saaxiibbo caalami ah, sida: safiirro iyo wakiilada deeq-bixiyayaasha Soomaaliya, Wuxuu Goluhu u baahan yahay Guddoomiye Indheer-garad iyo curiye figradeed ah, dabci wanaagsan iyo qiyam toosan leh.

Waxaan aammin-sanahay in aan buuxiyey oo aan leeyahay dhammaan sifooyinka aan kor ku soo xusay ee looga baahan-yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Waxaan aammin sanahay in aan xog-ogaal u ahay, khibradna u leeyahay hawlaha shaqo ee looga baahanyahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Waxaanna idiin balan-qaadayaa ilaalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka DPL, sarraynta sharciga iyo dhawrista xeer hoosaadka Golaha Wakiilada Dawladda Puntland.

Mudane, Abdirisak Ahmed Said
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top