Golaha Wakiillada

August 2022

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna G/ K/ Xigeenka 2aad oo ka qeyb-galay soo dhaweynta Madaxweynaha JFS ( SAWIRO)

Garoowe, Agoosto 25, 2022: Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweynaha DPL Mudane, Siciid Cabdullahi Deni, Madaxweyne ku xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cusmaan Karaash, qaar ka mid ah Goleyaasha Dawladda ayaa ka qeyb galay soo dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya Mudane, Xassan Sheikh Maxamuud oo maanta soo gaaray Caasimadda Garoowe. Socdaalka Madaxweynaha JFS waxaa qeyb ka ahaa xubno ka mid ah Goleyaasha JFS. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna G/ K/ Xigeenka 2aad oo ka qeyb-galay soo dhaweynta Madaxweynaha JFS ( SAWIRO) Read More »

Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna G/K/X 2-aad oo la kulmay Wefdi ka socda UNSOM ( SAWIRO)

Garoowe, Agoosto 24, 2022: Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta Aqalka Wakiillada ku qaabilay Wefti uu hoggaaminayo Madaxa Siyaasadda u qaabilsan Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Xafiiska Puntland, Galetshajwe Rebagamang. Kulanka ayaa looga hadlay xaalada Abaaraha, dhammeystirka dar-dar gelinta hannaanka doorashooyinka Qof iyo Cod ee Puntland. Madaxa Siyaasadda UNSOM ee Puntland ayaa boggaadiyey shaqada wanaagsan ee Dawladda Puntland qabtay. Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ayaa uga mahadceliyey wefdiga UNSOM wada-shaqeynta wanaagsan ay la leeyihii Dawladda Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna G/K/X 2-aad oo la kulmay Wefdi ka socda UNSOM ( SAWIRO) Read More »

Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna G/K/X 2-aad ayaa soo Xiray Aqoon-kororsi ku saabsan Mabaa’dida Xuquuqda Aadanaha ( SAWIRO)

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa si rasmi ah u soo xiray Aqoon-kororsi ku saabsan Mabaa’dida Xuquuqda Aadanaha ee heer Qaran iyo Heer Caalami oo ay ka mid yihiin heshiisyadda iyo axdiyadda, kaas oo ay soo qaban-qaabiyey Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada ayaa sheegay in Aqoon-kororsiga uu muhiimad weyn u yahay xoojinta Xuquuqda Aadanaha. Dhinaca kalena, Mudayaasha Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey difaaca xuquuqda Aadanaha dhammaan dhacdooyinkii ka dhacay, iyadda oo arrimaha intooda badan la isla qaatay. Aqoon-kororsiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xoghayaha Guud ee Golaha Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame, Agaasimeyaal iyo Hawl-wadeeno ka tirsan Golaha Wakiillada. Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Mudane, Saciid Cabdi Muumin ayaa uga mahadceliyey Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 2aad, Xildhibaanada iyo dhammaan Hawl-wadeena Golaha sida wanaagsan oo ay uga qeyb-galayeen aqoon-kororsiga. Inta uu socday Aqoon-kororsiga ayaa loogu soo bandhigay isbar-bardhiga Dastuurka JFS iyo Dastuurka Dawladda Puntland ee Xuquuqda Aadanaha, xeerarka dalka, xeerarka caalamiga ah dhammaan shuruucdaha la xiriira Xuquuqda Aadanaha. Halkaan ka daawo Muuqaal & Sawiro DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna G/K/X 2-aad ayaa soo Xiray Aqoon-kororsi ku saabsan Mabaa’dida Xuquuqda Aadanaha ( SAWIRO) Read More »

Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna G/K/X 2-aad ayaa furay Aqoon-kororsi ku saabsan Mabaa’dida Xuquuqda Aadanaha ( SAWIRO)

Garoowe, Agoosto 21, 2022: Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa furay Aqoon-is-weydaarsi ku saabsan Mabaa’dida Xuquuqda Aadanaha ee heer Qaran iyo Heer Caalami oo ay ka mid yihiin Heshiisyadda iyo Axdiyadda, kaas oo ay soo qaban-qaabiyey Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Ku-Simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada ayaa ugu horeyn ka hadlay muhiimmada uu aqoon-is-weydaarsiga u leeyahay Xildhibaano ka socda Golaha Wakiillada, Xoghayaha Guud ee Golaha Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame, Agaasimeyaal iyo Hawl-wadeeno. Dhinac kale, Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Mudane, Saciid Cabdi Muumin ayaa ka hadlay muhiimada aqoon -kororsigu iyo doorka ay ka qaadan karaan Mudanayaasha Golaha Wakiillada arrimaha Mabaa’dida Xuquuqda Aadanaha ee Qaran iyo Heer Caalami. Bashiir Jaamac oo ka socday Hay’adda Diakonia ayaa ka hadlay arrimaha Xuquuqda Aaadanaha, isaga oo uga mahadceliyey dhammaan ka soo qeyb-galayaasha Aqoon-kororsiga. Muddada uu socdo aqoon-isweydaarsigu ayaa iyana looga doodi-doonaa Dhammaan arrimaha ku saabsan, Isbar-bardhiga Xuquuqda Dastuurka KMG ah JFS iyo Dastuurka Dawladda Puntland ee Xuquuqda Aadanaha, masuuliyadaha Dawladda, Guud mar axdiyadda, heshiisyadda caalamiga ah, waxaana lagu wadda in muddo 3 cishe ah u socdo, kaas oo taageero ka geysteen Hay’adaha Diakonia iyo SIDA. Hoos ka Daawo Muuqaal & Sawiro DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna G/K/X 2-aad ayaa furay Aqoon-kororsi ku saabsan Mabaa’dida Xuquuqda Aadanaha ( SAWIRO) Read More »

Wareejinta Qodaalka iyo qalabeynta ceelka Qalwo ee Xil. Sharmarke Cali

Xildhibaan Sharmarke Cali Cilmi oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ka qeyb-galay munaasibadda wareejinta Qodaalka iyo qalabeynta ceelka Qalwo, Degmadda Qardho ee Gobolka Karkaar. Waxaa Xildhibaanka kala qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan Xukumadda, maamulka Gobolka Karkaar, kan Degmadda Qardho, maamulka degaanka Qalwo, iyo qaar ka mid ah odayaasha degaanka. Ceel biyood laga hirgeliyay deegaanka Qalwo ee Degmada Qardho ayaa waxaa ka faa’ideysan doona In ka badan 20 kun oo qoys oo ku nool deegaankaas iyo deegaanada hoos yimaada ee miyiga ah, waxaa hirgelisay Dawladda Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Wareejinta Qodaalka iyo qalabeynta ceelka Qalwo ee Xil. Sharmarke Cali Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa kormeer ku tegay Taliska Booliska Puntland ( SAWIRO)

Garoowe, Agoosto 17, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Garoowe. Guddoomiyaha ayaa kormeeray dhammaan qeybaha kala duman ee xafiisyada Hoggaamada Ciidanka Booliska sida Taliska Hoggaanka Ciidanka, Isgaarsiinta, Dambi-baarista, Xiriirka Dadweynaha, Taliska Qeybta, Gaadiidka Booliska, Ciidanka SPU, Taliska BOL-Birmad iyo Xarunta guud ee Taliska Booliska Puntland halkaas oo ay ku soo dhaweeyn Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska S/Guuto Maxamed Cali Xaashi, Taliye ku-xigeenka S/Guuto Caydiid Ahmed Nuur iyo Taliyaha Hoggaanka Ciidanka Booliska Puntland G/Sare Cabdifitaax Cabdiqaadir Axmed (Aftaag). Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa mid mid u wareystay dhammaan saraakiisha Xafiisyada uu booqday, isaga oo balan-qaaday dayactirka iyo Qalabeynta Taliska Hoggaanka Xiriirka Dadweynaha iyo Xuquuqa Aaadanaha Booliska Puntland, kadib codsi ay u soo gudbiyeen saraakiisha Hoggaankaas intii uu kormeerka ku jiray. Guddoomiyaha ayaa kulamo gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska, waxaana uu ka dhegaystay warbixino la xiriirta dhammaan shaqooyinka socda, qorshayaasha iyo caqabadaha jira, Saraakiisha ayaa Guddoomiyaha uga warbixisay Amniga dalka, shaqada socota iyo qorsheyaasha horumarineed ee Booliska. Guddoomiyaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan oo ay hayaan Booliska ee sugida Amniga, isaga oo kula dar-daarmay gudashada waajibaadkooda shaqo ee ilaalinta sugida amniga. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa kormeer ku tegay Taliska Booliska Puntland ( SAWIRO) Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiyada gaarka..

Garoowe, Agoosto 14, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiyada gaarka ah ee Goluhu u-xil-saaray arrimaha Garsoorka iyo Ururinta iyo tallo-bixinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kal-fadhiga 50-aad Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhagaystay Guddiyada, taas oo ku saabsan shaqadii loo xil-saaray iyo halka wax u marayaan, wuxuuna uga mahadceliyey sida ay isaga xil-saareen hawshaas baaxadda leh iyo wixii uga qabsoomay. Guddiyada ay soo jeediyey in Kal-fadhiga 50-aad ee Golaha uu sii shaqeeyo inta ay kasoo geba-geboobayaan hawlaha loo xil-saaray sidii awelba Goluhu uu isula qaatay, intaas kadib shir Guddoonka ayaa laqaatay soo-jeedintii Guddiyada. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiyada gaarka.. Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Ururinta natiijada..

Garoowe, Agoosto 03, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aad. Guddoomiyaha ayaa warbixin uga dhageystay Guddiga, taas oo ku saabsan shaqada Guddiga kadib magacaabistii 25 Luulyo, 2022 taas oo Guddoomiyaha ku magacaabay Xeer Lr. 53 sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobka 64-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobka 8-aad farqadda 11-aad. Guddiga ayaa maalmaha soo socda lagu waddaa inay soo dhammeystiraan Xog-ururinta Natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aad. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Ururinta natiijada.. Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabada 1-da Agoosto ( SAWIRO)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabada 1-da Agoosto oo ku beegnayd sannad-guuradii 24-aad ee ka soo wareegtay xilligii la aas-aasay Dawladda Puntland. Xafladda oo ka qabsoontay Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweynaha DPL Mudane Siciid Cabdulaahi Deni, Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan, Guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee GW DPL, Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Wasiiro, qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay. Xuska Sannadkaan ayaa ahaa mid ka duwan sannadkii hore, waxaana dhaqaale loogu ururiyey dadka ay abaaraha saameynta ku yeesheen ee nool Puntland, waxaana hadalo ka jeediyey Madaxweynaha iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabada 1-da Agoosto ( SAWIRO) Read More »

Scroll to Top