Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna G/K/X 2-aad ayaa furay Aqoon-kororsi ku saabsan Mabaa’dida Xuquuqda Aadanaha ( SAWIRO)

Garoowe, Agoosto 21, 2022: Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa furay Aqoon-is-weydaarsi ku saabsan Mabaa’dida Xuquuqda Aadanaha ee heer Qaran iyo Heer Caalami oo ay ka mid yihiin Heshiisyadda iyo Axdiyadda, kaas oo ay soo qaban-qaabiyey Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland.

Ku-Simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada ayaa ugu horeyn ka hadlay muhiimmada uu aqoon-is-weydaarsiga u leeyahay Xildhibaano ka socda Golaha Wakiillada, Xoghayaha Guud ee Golaha Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame, Agaasimeyaal iyo Hawl-wadeeno.

Dhinac kale, Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Mudane, Saciid Cabdi Muumin ayaa ka hadlay muhiimada aqoon -kororsigu iyo doorka ay ka qaadan karaan Mudanayaasha Golaha Wakiillada arrimaha Mabaa’dida Xuquuqda Aadanaha ee Qaran iyo Heer Caalami.

Bashiir Jaamac oo ka socday Hay’adda Diakonia ayaa ka hadlay arrimaha Xuquuqda Aaadanaha, isaga oo uga mahadceliyey dhammaan ka soo qeyb-galayaasha Aqoon-kororsiga.

Muddada uu socdo aqoon-isweydaarsigu ayaa iyana looga doodi-doonaa Dhammaan arrimaha ku saabsan, Isbar-bardhiga Xuquuqda Dastuurka KMG ah JFS iyo Dastuurka Dawladda Puntland ee Xuquuqda Aadanaha, masuuliyadaha Dawladda, Guud mar axdiyadda, heshiisyadda caalamiga ah, waxaana lagu wadda in muddo 3 cishe ah u socdo, kaas oo taageero ka geysteen Hay’adaha Diakonia iyo SIDA.

Hoos ka Daawo Muuqaal & Sawiro

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland