Golaha Wakiillada

October 2022

Guddiga Arrimaha Deegaanka Golaha Wakiillada ayaa warbixin ka dhageystay Madaxda Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ( SAWIRO)

Garoowe: 24,October,2022: Guddiga Arrimaha Deegaanka & Khayraadka Dabiiciga ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa maanta Xarunta Golaha Wakiillada kulan shaqo kula yeeshey Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dawladda Puntland oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka & mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda. Kulanka ayey Guddigu, uga dhagaysteen Wasaaradda warbixin ku saabsan waxqabadka Wasaaradda, Caqabadaha jira iyo Qoshahooda Mustaqbal ee la xiriira wajibaadkooda Dastuuriga ah. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Arrimaha Deegaanka Golaha Wakiillada ayaa warbixin ka dhageystay Madaxda Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ( SAWIRO) Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa ka qeyb-galay Munaaasabada Furitaanka Wejiga 1-aad Dekadda Garacad ( SAWIRO)

Garacad: 22 October, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Denni, Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar, Madaxweynaha Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Laftagareen, Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale, Wasiiro ka socday DFS, DDS, Puntland, Xildhibaanno ka tirsan DFS & Puntland, Isimo, Ganacsato iyo marti sharaf kale oo kala duwan ayaa maanta ka qayb galay Munaaasabada Furitaanka Wejiga 1-aad Dekadda Garacad.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa ka qeyb-galay Munaaasabada Furitaanka Wejiga 1-aad Dekadda Garacad ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Arrimaha Gudaha Golaha Wakiillada ayaa kormeer ku tegay Wasaaradda Arrimaha Gudaha (SAWIRO)

Garoowe: 22, October, 2022: Guddiga Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyadda ee Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta kormeer ku tegay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland. Guddiga ayaa kulan la qaatay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud iyo hawl-wadannada katirsan Wasaaradda, waxayna Mudaneyaashu mas’uuliyiintan ka dhegeysteen warbixin ku saabsan waxqabadka Wasaaraddu u xilsaaran tahay ee Dastuuriga ah, Qorsheyaasha iyo Caqabadaha jira. Ugu dambeyntii, guddiga ayaa bogaadiyey shaqooyinka ay gacanta ku hayso Wasaaradu, kulana dar-daarmay in la gaarsiiyo adeegyada ay bixiso Wasaaradu dhammaaan deegannada Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Arrimaha Gudaha Golaha Wakiillada ayaa kormeer ku tegay Wasaaradda Arrimaha Gudaha (SAWIRO) Read More »

Guddiga Xuquuqda Aaadanaha Golaha Wakiillada ayaa warbixin ka dhegeystay Difaacaha Xuquuqda Aadana ( SAWIRO)

Garoowe, October 22, 2022: Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqda Aaadanaha, Arrimaha Qoyska iyo horumarinta Haweenka Golaha Wakiillada DPL ayaa warbixin ka dhegeystay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadana Puntland. Guddoomiyaha, ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Xafiiska ee ku saabsan ilaalinta Xuquuqda muwaadiniinta sida uu qabo Dastuurku iyo caqabadaha jira ee la xiriira arrimaha xuquuqda Aadanaha. Kulankan ayaa qayb ka ah Kor-joogteynta Guddiyada Golaha Wakiillada, waxaana warbixinanada Guddiyada oo faah faahsan lagu soo bandhigi doona Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada ee furimidoona 25 Oktoobar 2022 haddii Alle Idmo. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Xuquuqda Aaadanaha Golaha Wakiillada ayaa warbixin ka dhegeystay Difaacaha Xuquuqda Aadana ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Arrimaha Gudaha Golaha Wakiillada ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Doorashooyinka TPEC (SAWIRO)

Garoowe: 22,October, 2022: Guddiga, Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta xarunta Golaha Wakiillada DPL ku qaabilay Guddiga KMG ee Doorashada Puntland oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga iyo ku xigeenkiisa. Guddiga ayaa warbixin ku saabsan waxqabadkoodii muddadii la soo dhaafay, caqabadaha shaqo ee jira iyo Qorshayaasha u degsan ka dhegeystay Guddiga Doorashada. Ugu dambeyntii, Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda Golaha Wakiillada ayaa Guddiga KMG ee Doorashada uga mahadceliyey shaqada baaxadda leh ee ay u hayaan shacabka reer Puntland doorashada. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Arrimaha Gudaha Golaha Wakiillada ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Doorashooyinka TPEC (SAWIRO) Read More »

Guddiga Siyaaasadda & Qorsheynta Golaha Wakiillada ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Qorsheynta ( SAWIRO)

Garoowe: 19,October, 2022: Guddiga Siyaaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo kulan xog wareysi ah la yeeshay Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland. Guddiga oo maanta kormeer ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda Qorsheynta ayaa la kulmay Wasiirka cusub ee Wasaaradda oo uu wehliyo Agaasimaga guud iyo saraakiil kale, waxayna ka dhagaysteen warbixin ballaaran oo la xidhiidha waxqabadka Wasaaradda, Qorshayaasha hortebinta leh ee Dawladda iyo caqabadaha jira. Waxay sidoo kale Wasaaraddu Guddiga la wadaagtay xogta iyo khariiradda mashariicaha kala duwan ee ka socda gobollada kala duwan ee Puntland iyo halka ay marayaan. Ugu dambeyntii xildhibaanada ayaa su’aalo la xidhiidha arrimaha shaqo ee ay u xilsaaran yihiin weydiiyey mas’uuliyiinta kala duwan. Waxayna labada dhinac muujiyeen inay diyaar u yihiin in la xoojiyo xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya Guddiga iyo Wasaaradda. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Siyaaasadda & Qorsheynta Golaha Wakiillada ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Qorsheynta ( SAWIRO) Read More »

Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulan la yeeshay Hoggaanka Dembi-baarista (CID) ( SAWIRO)

Garoowe: 18,October, 2022: Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo maanta Aqalka Wakiillada Kulan kula yeeshay Taliyaha Hoggaanka Dembi-baarista (CID). Guddiyadda oo kala ah Guddiga Shuruucda, Caddaaladda Arrimaha Diinta & Dastuurka iyo Guddiga Xaquuqul Insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska Golaha Wakiillada DPL ayaa Taliyaha Hoggaanka (CID), Ku-xigeenkiisa iyo Saraakiisha kale ka dhageystay warbixin ku saabsan waxyaabaha u qaboomay iyo caqabadaha jira, waxayna intaas kadib su’aalo ka weydiiyeen arrimahooda shaqo. Guddiyada ayaa sidoo kale, Hoggaanka Dembi-baarista wax ka weydiiyey waxyaabo uga soo baxay kormeerkii wada-jirka ahaa ee labada Guddi dhowaan ku mareen qaar kamid ah Gobolada & dhacdooyin ka dhacay qaar kamid ah deegaannada PL oo horyaalla xafiisyada Baarista & Bahda Garsoorka, una baahan Caddaalad. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland#Puntland #Somalia

Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulan la yeeshay Hoggaanka Dembi-baarista (CID) ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Shuruucda Golaha Wakiillada ayaa Hay’adda Foorensik-Sayniska ( SAWIRO)

Garoowe: 17,October, 2022: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta Aqalka Wakiillada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Foorensik-Sayniska Puntland oo ay wehliyaan xubno kale oo ka tirsan Hay’addan. Guddiga ayaa warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Hay’adda, taas oo ku saabsan waxqabadkoodii muddadii la soo dhaafay, caqabadaha shaqo ee jira iyo Qorsheyaasha u degsan, iyadoo Hay’addu ay ka shaqeyso baarista cilmiyeed ee dambiyada. Ugu dambeyntii, Guddiga ayaa hay’adda uga mahadceliyey shaqada baaxadda leh ee ay u hayaan shacabka reer Puntland iyo ummadda Soomaaliyeed, iyagoo sidoo kale ballanqaaday inay baahiyaha jira ay horgeyn doonaan Golaha Wakiillada Kalfadhiga soo socda, sidoo kalana u gudbin doonaan cid kasta oo ay khuseyso. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Shuruucda Golaha Wakiillada ayaa Hay’adda Foorensik-Sayniska ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Shuruucda Golaha Wakiillada ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ( SAWIRO)

Garoowe: 16,October, 2022: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Puntland. Guddiga ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Taliye ku xigeenka iyo Saraakiisha kale ee Taliskaasi, Waxayna warbixintani la xidhiidhaa waxqabadka Taliskan, xaaladda Xabsiyada Puntland, Maxaabiista ku xiran iyo Caqabadaha jira. Guddiga ayaa ballanqaaday inay baahiyaha Asluubta ay horgeyn doonaan Golaha Wakiillada marka uu furmo Kalfadhigu, sidoo kalana u gudbin doonaan cid kasta oo wax qaban karta. Ugu dambeyntii Xildhibaannada ayaa booqday xafiisyada kala duwan ee Taliska guud ee Ciidanka Asluubta, iyagoo warbixin ka dhagaystay saraakiishii ku sugnaa. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland#Puntland #Somalia

Guddiga Shuruucda Golaha Wakiillada ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda ayaa kormeer ku tagay Wasaaradda Caddaaladda ( SAWIRO)

Garoowe: 15,October, 2022: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta kormeer ku tagay Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta, Dhaqancelinta & Dastuurka DPL. Guddiga ayaa ugu horeyn la kulmay Wasiirka Wasaaradda, Wasiiru-dawlaha & Agaasimaha Guud, Waxayna Mudaneyaashu mas’uuliyiintan ka dhagaysteen warbixin ballaaran oo ku saabsan waxqabadka Wasaaradda, Qorsheyaasha iyo Caqabadaha jira. Ugu dambeyntii Xildhibaanada ayaa booqday xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda, iyagoo u kuurgalay hab shaqadu u socoto iyo qorsheyaasha degsan. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda ayaa kormeer ku tagay Wasaaradda Caddaaladda ( SAWIRO) Read More »

Scroll to Top