Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa ka qeyb-galay Munaaasabada Furitaanka Wejiga 1-aad Dekadda Garacad ( SAWIRO)

Garacad: 22 October, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Denni, Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar, Madaxweynaha Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Laftagareen, Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale, Wasiiro ka socday DFS, DDS, Puntland, Xildhibaanno ka tirsan DFS & Puntland, Isimo, Ganacsato iyo marti sharaf kale oo kala duwan ayaa maanta ka qayb galay Munaaasabada Furitaanka Wejiga 1-aad Dekadda Garacad.