Golaha Wakiillada

October 2022

Guddiga Maaliyadda, Guddiga Amniga iyo Guddiga Howlaha Guud ayaa gaaray Garacad ( SAWIRO)

Garacad: 10 October, 2022: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka, Guddiga Amniga & Nabadgalyada iyo Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay Xarumaha Dawladda ee Garacad iyo Deegaanka Kulub. Guddiyada ka socda Baarlamanka DPL, ayaa ugu horeyn booqday Deegaanka Kulub oo hoos-yimaada Garacad, halkaas oo uu ku habsaday bacaad aasay dhismayaashii Tuulada, iyadoo Mudanayaashu u kuur-galeen xaaladda iyo sida loo samayn karo qorshe bacaad celin ah. Sidoo kale, Guddiyada ayaa kormeer shaqo ku sameeyey Xarumaha Dawladda ee Magaalada Garacad sida Dekada Cusub, Saldhiga Booliska iyo Xarunta Dawladda Hoose, iyagoo ka xog wareystay Saraakiisha Xarumahaasi Shaqooyinka socda, waxyaabaha qabsoomay iyo caqabadaha jira. Kormeerada ayaa kamid ah shaqooyinka Dastuuriga ee Golaha Wakiillada, sida uu qabo Dastuurka DPL iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddiga Maaliyadda, Guddiga Amniga iyo Guddiga Howlaha Guud ayaa gaaray Garacad ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Arrimaha Gudaha, Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Guddiga Anshaxa & Arrimaha Golaha ayaa gaaray Buurtinle ( SAWIRO)

Burtinle: 09,October 2022: Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose & Dimuqraadiyenta Golaha Wakiillada iyo Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta iyo Guddiga Anshaxa & Arrimaha Golaha ayaa maanta u Kuur-galay Xaaladda guud Degmada Burtinle, Gobolka Nugaal. Guddiyada ka socda Golaha Wakiillada DPL, ayaa ugu horeyn booqday Xarunta Degmada, iyagoo la kulmay Guddoomiyaha Magaalada iyo Golaha Degaanka, iyagoo ka xog wareystay Xaalada guud ee Degmada sida Nabad-galyada, Mashaariicda socda, waxyaabaha qabsoomay iyo caqabadaha jira. Sidoo kale Guddiyada ayaa booqday Goobaha Waxbarashada Degmada sida Dugsiyadda dhexe iyo sare, Cisbitaalka Degmada oo dib-u-dhis uu ku socdo iyo meelo kale, iyagoo xog wareystay caqabadaha jira iyo waxyaabaha u qabsoomay. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Arrimaha Gudaha, Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Guddiga Anshaxa & Arrimaha Golaha ayaa gaaray Buurtinle ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Guddiga Qorshaynta ayaa gaaray Bosaso ( SAWIRO)

Boosaaso: 09,October 2022: Guddiga Arrimaha Deegaanka & khayraadka Dabiiciga ah iyo Guddiga Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay Xarunta Gobolka Bari iyo iskaashatada Kalluumaysiga Boosaaso. Guddiyada ayaa ugu horeyn kormeer u kuur-galid iyo xog-waran guud ku tagay Xarunta Maamulka Gobolka Bari, Waxaana kulan ay kula qaateen Guddoomiyaha Gobolka Bari, Ku-xigeenadiisa iyo Iskuduwayaasha Wasaaradaha Qorshaynta, Xanaananada Xoolaha, Degaanka iyo Biyaha ee Gobolka, iyagoo ka dhagaystay warbixin ku saabsan Xaaladda Amni, Horumar, mashaariic iyo weliba caqabadaha jira. Dhinaca kale, Guddiga ayaa kormeeray Xarunta iskaashatada Kalluumaysiga Boosaaso iyo Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda, iyagoo ka dhageystay waxyaabaha u qabsoomay iyo qorsheyaasha degsan. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Guddiga Qorshaynta ayaa gaaray Bosaso ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda iyo Guddiga Xaquuqul Insaanka ayaa gaaray Dhahar ( SAWIRO)

Dhahar: 08,October 2022: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka iyo Guddiga Xaquuqul Insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta Kormeer ku tagay Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan. Guddiyada ayaa booqday qaybaha kala duwan ee xarumaha Dawladda oo ay ugu horreyso Degmada, Gobolka, Saldhiga Booliska iyo xarunta Garsoorka. Waxay Guddiyadu waxbixin mugleh ka dhagaysteen dhagaysteen Mas’uuliyiinta kala duwan ee heer Gobol, heer Degmo, bahda Garsoorka, Isku-duwayaashaWasaaradaha ee Gobolka, Ururka Haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxayna Guddiyada usoo gudbiyeen hawlaha kala duwan ee ka socda Gobolka Haylaan iyo sidoo kale caqabadaha jira, iyagoo Mudanayaasha uga mahadceliyey kormeerka ay ku yimaadeen Gobolka si ay ugu kuurgalaan xaalada Gobolka iyo baahiyaha jira. Ugu dambeyntii Guddiyada Baarlamaaanka ayaa ballanqaaday in warbixinta ay la wadaagi doonaan cid kasta oo ay khusayso, kana jeedin doonaan Kalfadhiga soo socda, ayna ku dadaali doonaan sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan ee Degmada iyo guud ahaanba Gobolka Haylaan. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda iyo Guddiga Xaquuqul Insaanka ayaa gaaray Dhahar ( SAWIRO) Read More »

Guddoomiye ku xigeenka 1aad oo qaabilay Maamulka sare ee Jaamacadda Green-Hope

Garoowe, October 04 2022: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan, ayaa maanta aqalka Wakiillada ku qaabilay Maamulka sare ee Jaamacadda Green-Hope oo kasoo kicitimay Muqdisho, dhawaana xarun ka furtay Garoowe. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiye ku xigeenka 1aad oo qaabilay Maamulka sare ee Jaamacadda Green-Hope Read More »

Guddoomiye K/X/ 1aad oo ka qeyb-galay daah-furka Jaamacadda Green Hope

Garoowe, October 03 2022: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada DPL Mudane, Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman ayaa caawa ka qayb-galay munaasabad lagu daahfurayey Jaamacadda Green Hope faraceeda Garoowe. Gudddoomiye ku-xigeenka 1aad ayaa u hambalyeeyey bahda Jaamacadda xarunta cusub oo ay ka hirgaliyeen Garoowe, waxaana uu ku amaanay inay Ardayda u keenen Kulliyado baahi loo qabay sida Culluumta baarista-dambiyadda, Deegaanka iyo kuwo kale oo dalka muhiim u-ah. Munaasabada ayaa sidoo kale waxaa qayb-galay Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland, Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilladda, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuummada, Aqoonyahano, Saraakiil, Xubno ka socday Jaamacadda la daah-furay iyo marti sharaf kale oo goobta oo lagu casuumay. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiilada Dawladda Puntland

Guddoomiye K/X/ 1aad oo ka qeyb-galay daah-furka Jaamacadda Green Hope Read More »

Shirka Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada ( SAWIRO)

Garoowe: October 03, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga todobaadla ah ee Guddiga joogtada ah. Fadhiga maanta waxaa diirada lagu saaray qorshaha kormeerka guddiyada Golaha wakiillada ay dhawaan ugu kuur-galayaan xaaladaha Amniga iyo Nabadgelyada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Deegaanka, Arrimaha Bulshada, Xuquuqada Insaanka iyo Mashaariicda, waxaana la isla qaatay in guddiyadu ay bilaabaan kormeerada ay ku tagayaan Gobollada Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Shirka Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada ( SAWIRO) Read More »

Scroll to Top