Guddoomiye K/X/ 1aad oo ka qeyb-galay daah-furka Jaamacadda Green Hope

Garoowe, October 03 2022: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada DPL Mudane, Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman ayaa caawa ka qayb-galay munaasabad lagu daahfurayey Jaamacadda Green Hope faraceeda Garoowe.

Gudddoomiye ku-xigeenka 1aad ayaa u hambalyeeyey bahda Jaamacadda xarunta cusub oo ay ka hirgaliyeen Garoowe, waxaana uu ku amaanay inay Ardayda u keenen Kulliyado baahi loo qabay sida Culluumta baarista-dambiyadda, Deegaanka iyo kuwo kale oo dalka muhiim u-ah.

Munaasabada ayaa sidoo kale waxaa qayb-galay Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland, Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilladda, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuummada, Aqoonyahano, Saraakiil, Xubno ka socday Jaamacadda la daah-furay iyo marti sharaf kale oo goobta oo lagu casuumay.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiilada Dawladda Puntland