Golaha Wakiillada

November 2022

Guddiga Arrimaha, Bulshada oo kulan la qaatay Agaasimeyaasha Guud ( MUQAAL/SAWIRO)

Garoowe: November, 27,2022: Guddoomiyaha Guddiga arrimaha, bulshada, dhaqanka warfaafinta & isgaarsiinta Golaha Wakiillada DPL Xild. Cabdicasiis Axmed Dhahar ayaa shir guddoomiyey kulan la tashi ah oo Guddigu maanta Aqalka Wakiillada kula yeesheen Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dawladda Puntland. Guddiga ayaa gacanta ku haya, akhriska 2-aad-na ku samaynaya labo xeer oo kala ah wax-ka-bedelka xeerka howlgabka & liiltirka shaqaalaha rayidka iyo wax-ka-badelka xeerka Shaqaalaha rayidka ah, waxaana agaasimayaasha guud ka dhageysteen aragtidooda ku aadan wax-ka-bedelada xeerarkan. Xeerarkan oo hada horyaala Golaha Wakiillada ayaa muhiim u ah shaqaalaha Dawladda, waxaana ku cad xuquuqaadkooda, waajibaadkooda iyo marka howl-gabaan xuquuqda ay heli doonaan. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Arrimaha, Bulshada oo kulan la qaatay Agaasimeyaasha Guud ( MUQAAL/SAWIRO) Read More »

Xidhibaan Aways Sardheeye ayaa kormeer shaqo ku tagay Degsiimadda Xudun ( SAWIRO)

Xudun, November 27, 2022: Guddoomiyaha Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Xildhibaan Aways Axmed Sardheye oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Deegaanka & Isbedelka Cimiladda Dawladda Puntland, Axmed Yuusuf Qahar (Labayk) ayaa kormeer shaqo ku tagay Degsiimadda Xudun oo ka tirsan degmada Godob-jiraan ee Gobolka Nugaal. Xildhibaanka iyo Wasiirka ayaa Degsiimadda Xudun ka dhagax-dhigay Xarunta Bulshada iyo Ceel-biyood dadka degaanka si isku-tashi ah u qodayaan. Dhinaca kalena, masuulyiinta Dawladda ayaa furay Mashruuc Dayactir lagu samaynayo Boholo ka dilaacay Dhul-daaqsimeedyada Degsiimadda. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Xidhibaan Aways Sardheeye ayaa kormeer shaqo ku tagay Degsiimadda Xudun ( SAWIRO) Read More »

Golaha Wakiillada ayaa ansixiyey Miisaaniyadda sannadka 2023 ( MUUQAAL/SAWIRO)

Garoowe, November 26, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 40 Xildhibaan, ayaa Goluhu warbixin ka dhegeysteen Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo gacanta ku hayey Miisaaniyadda sannadka 2023 oo Guddigu akhrinta 2aad ku sameeyey sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland, Qodobada 135aad, 136aad iyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobada 58aad Iyo 63aad Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 37 Xildhibaan, Diidmo 0, Aamus 3, sidaas ayeyna ansax ku noqotay Miisaaniyadda Dawladda sannadka 2023 taasoo dhan $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan, lix boqol sagaashan iyo sagaal kun, sideed boqol labaatan iyo shan dollar). Dhakhliga gudaha sannadkaan ayaa noqonayaa $97,212,528 oo bishii ku qoondaysan 8,101,044, dhakhligaan oo ka soo xaroonaya saddex iyo toban madax oo ka kala imanaya dhammaan gobollada Puntland. Miisaaniyadda Dawladda 2023 waxaa ku jira kab miisaaniyadeed oo wadar ahaan dhan $22,275,432 oo bishii ku qoondaysan $1,856,286 oo la la filayo in laga helo beesha caalamka, kabkaas oo loo qorsheeyey in lagu daboolo farqiaga u dhexeeya dhakhliga iyo kharashka gudaha. Wadarta guud ee dhakhliga gudaha iyo kabka dhakhliga ayaa noqonaya dakhli dhan $119,487,960 taas oo bishii ku qoondeysan $9,957,330 Dhinaca kale, ku talo-galka kharashka gudaha ee sannadkaan waxa uu noqonayaa $119,487,960 oo bishii noqonaysa $9,957,330, kharashkaas oo u kala qoondaysan Hay’adaha Dawladda ee kala ah; Hay’adaha Adeegga maamulka, amniga , cadaaladda, dhaqaalaha iyo Hay’adaha adeegga Bulshada. DHAMMAAD  Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta  Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Golaha Wakiillada ayaa ansixiyey Miisaaniyadda sannadka 2023 ( MUUQAAL/SAWIRO) Read More »

Akhriska 2-aad miisaaniyadda Dawladda sannadka 2023 ( SAWIRO)

Garoowe, November 23, 2022: Guddiga maaliyadda, dhaqaalaha & xisaabaadka Golaha Wakiilladda DPL ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda. Guddiga oo akhriskii 2-aad ku sameynayey miisaaniyadda 2023 ee Golaha hortaala ayaa su’aalo ka waydiiyey Wasiirka, Xisaabiyaha guud iyo saraakiisha kale ee Wasaaradda si ay u helaan xog-dheeri ah oo la xiriirta miisaaniyadda Dawladda ee 2023. Miisaaniyadda sannadkaan 2023 ayaa dhan $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan, lix boqol sagaashan iyo sagaal kun, sideed boqol labaatan iyo shan dollar).  Kororka Miisaaniyadda ayaa ah 6% marka la bar-bar dhigo sannadkii hore, waxayna ka kooban tahay dhakhli lagu maamulayo khasnadda Dawladda iyo dhakhli ka baxsan khasnadda Dawladda. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo mas’uuliyiinta kale ayaa ka jawaabay dhammaan su’aalihii Guddigu waydiiyeen. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Akhriska 2-aad miisaaniyadda Dawladda sannadka 2023 ( SAWIRO) Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa ka qeyb-galay Janaasada maydka Garaad Saleebaan ( SAWIRO/MUUQAAL)

Garoowe: November 21, 2022: Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Madaxweyne ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan iyo wefti ka yimid Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa ka qayb galay Salaada Janaasada maydka Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo saaka Garoowe lagu tukaday. Sidoo kale Salaada waxaa ka qayb galay isimmo kaladuwan oo ka yimid geyiga Soomaalida, kuwaas oo ay kamid yihiin Boqor Burhaan Boqor Muuse, Boqor Cismaan Maxamuud (buur-madow), Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Jaamac Garaad Cali, Madaxweynihii hore ee Puntland senatar Faroole, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuummada Puntland, Xildhibaanno ka mid ah Golaha Wakiillada, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Culimaa’udiin iyo marti sharaf kale Gudoomiyaha isimmada iyo madaxda kale ayaa salaatul Jinaasada kadib u duceeyey Marxuum Garaad Saleebaan oo ka mid ahaa hormuudka Golaha  dhaqanka Puntland, kana shaqeyn jiray nabadeynta iyo xallinta khilaafadka bulshooyinka. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa ka qeyb-galay Janaasada maydka Garaad Saleebaan ( SAWIRO/MUUQAAL) Read More »

Soo gudbinta Miisaaniyadda Dawladda Sannadka 2023 ( SAWIRO /MUUQAAL)

Garoowe, November 20, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 13-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajandaha fadhigaa ayaa ahaa soo gudbinta Miisaaniyadda Dawladda ee sannadka 2023 taas oo Wasaaradda Maaliyadda Golaha u soo gudbisay. Miisaaniyada Dawladda ee Sannadka 2023 ayaa dhan $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan lix boqol sagaashan iyo sagaal kun sideed boqol labaatan iyo shan dollar) kororka Miisaaniyadda ayaa ah 6% marka la bar-bar dhigo sannadkii hore. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa khudbad uu ka jeediyey Aqalka Wakiillada waxa uu ku faah-faahiye Miisaaniyadda Dawladda Sannadka 2023, taas oo bilaabneysa dhaqan-galkeeda January 1, 2023 kuna eg December 31, 2023 si waafaqsan Qodobka 135-aad farqadiisa 4-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Wasiirka ayaa ku sheegay ku talo-galka dhakhliga gudaha sannadkaan waxa uu noqonayaa $97,212,528 oo bishii ku qoondaysan 8,101,044, dhakhligaan oo ku xaroonaya saddex iyo toban madax oo ka kala imanaya dhammaan gobollada Puntland. Warbixinta Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Ansixiyey kororka Miisaaniyadda Mashruuca Biyoole kaas oo dhan $1,922,040. Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa loo qeybiyey Miisaaniyadda, si ay ugu soo sameeyaan akhriska 2aad, waxaana dib Golaha loogu soo celinayaa maalinta Sabtida, November 26, 2022. Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa Golaha ka codsaday in la ansixiyo kororka Miisaaniyadda ee dhaqaalaha laga filayo Mashruuca Biyoole kaas oo dhan $1,922,040 Intaa kadib, Fadhiga oo ay goob-joog ahaayeen 42 Xildhibaan, ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 41 Xildhibaan, Diidmo 1, Aamus ma jirin, sidaas ayeyna ansax ku noqotay codsigii Wasaaradda. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Soo gudbinta Miisaaniyadda Dawladda Sannadka 2023 ( SAWIRO /MUUQAAL) Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa soo gaaray caasimadda Garoowe ( SAWIRO)

Garoowe: November 19, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay Garoowe. Weftiga Guddoomiyaha waxaa Garoonka Aadan Cade kasoo sagootiyey Xildhibaanno ka tirsan DFS iyo saraakiil kale, kuwaas oo ay kamid yihiin Xild. Cabdiladiif Muuse (Sanyare) & Xild. Sahra Cabdullaahi Cigaal. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo Muqdisho kaga qayb galay furitaankii labada aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa sidoo kale kulamo la qaatay madaxda sare ee Qaranka sida Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo mas’uuliyiin kale. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa soo gaaray caasimadda Garoowe ( SAWIRO) Read More »

Gudddiga xuquuqul insaanka oo kulan la qaatay Hay’adda Max Planck Foundation ( SAWIRO)

Garoowe, November 19, 2022: Guddoomiyaha gudddiga xuquuqul insaanka, haweenka & arrimaha qoyska Xild. Nimco Cabdi Caarshe ayaa shir Guddoomisay shir Xildhibaannada haweenka ah ee ka tirsan Golaha Wakiillada ay la yeesheen wefti ka socday Hay’adda Max Planck Foundation oo ka shaqeysa nabadda iyo horumarinta sharciyadda. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo Hay’adda Max Planck Foundation. Kulanka waxaa ka qayb galay Xild. Maryan Cismaan Fangase iyo xubno kale oo tirsan hay’adda. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Gudddiga xuquuqul insaanka oo kulan la qaatay Hay’adda Max Planck Foundation ( SAWIRO) Read More »

Fadhiga 12-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( SAWIRO/MUUQAAL)

Garoowe, November 19, 2022: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 12-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta waxaa ugu horeyn warbixin ka soo jeediyey Guddiga Arrimaha bulshada dhaqanka warfaafinta & isgaarsiinta taas oo ku saabsan wax kabedelka xeerka howlgabka & liiltirka shaqaalaha rayidka ah,  waxaana Guddigu ay codsadeen in maalmo dheeri ah loogu daro. Soojeedinta Guddiga oo cod loo qaaday waxaa ogolaatay 23 Mudane, 7 Mudane ayaa diiday halka ay ka aamuseen 6 xildhibaan, sidaasna ayey ku dhaqan gashay. Sidoo kale Golaha ayaa waxaa loo qaybiyey wax kabadelka xeerka shaqaalaha rayidka ah, kaas oo lagu wareejiyey Guddiga Arrimaha Bulshada, waxaana Goluhu isku raacay in muddo 10-maalin ah Guddigu ay ku soo gaba-gabeeyaan labada xeer. Ugu dambeyn, Golaha Wakiillada DPL ayaa isku raacay in la soo hormariyo qodobka 13-aad ee ajandaha oo ah Ansixinta Miisaaniyadda Dawladda 2023 islamarkaana berri la hor keeno Golaha Wakiillada, si loo mariyo habraacyada kala duwan ee ku cad xeer hoosaadka iyo dastuurka DPL. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 12-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( SAWIRO/MUUQAAL) Read More »

Guddoomiyaha ayaa ka qeyb-galay casho sharaf uu Madaxweynaha Soomaaliya ( SAWIRO)

Muqdisho: November 18,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa xalay ka qayb galay casho sharaf uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xassan Shiikh Maxamuud Villa Somalia ugu sameeyey Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Dawladda Xubanaha ka ah DFS. Guddoomiyeyaasha iyo weftiyo ay hoggaaminayaan ayaa dhawaan Muqdisho u yimid fuitaanka kalfadhigii 2-aad ee wadajirka ahaa ahaa Baarlamaanka labadiisa aqal DFS. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Qaranka casho sharafta uu ku maamusaay weftiga Dawladdaha Xubnaha ka ah DFS. Kulanka, waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha aqalka sare, ku-xigeenkiisa 2-aad, Guddoomiye ku-xigeennada 1-aad & 2-aad ee Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Guddoomiyaasha Baarlamaanka Jubbaland, Hirshabeele, Galmudug, Koofur-Galbeed, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya & Baarlamaanada Dowladda Xubnaha ka ah DFS. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha ayaa ka qeyb-galay casho sharaf uu Madaxweynaha Soomaaliya ( SAWIRO) Read More »

Scroll to Top