Xidhibaan Aways Sardheeye ayaa kormeer shaqo ku tagay Degsiimadda Xudun ( SAWIRO)

Xudun, November 27, 2022: Guddoomiyaha Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Xildhibaan Aways Axmed Sardheye oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Deegaanka & Isbedelka Cimiladda Dawladda Puntland, Axmed Yuusuf Qahar (Labayk) ayaa kormeer shaqo ku tagay Degsiimadda Xudun oo ka tirsan degmada Godob-jiraan ee Gobolka Nugaal.

Xildhibaanka iyo Wasiirka ayaa Degsiimadda Xudun ka dhagax-dhigay Xarunta Bulshada iyo Ceel-biyood dadka degaanka si isku-tashi ah u qodayaan.

Dhinaca kalena, masuulyiinta Dawladda ayaa furay Mashruuc Dayactir lagu samaynayo Boholo ka dilaacay Dhul-daaqsimeedyada Degsiimadda.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland