Golaha Wakiillada

March 2023

Fadhiga 10-aad ee Guddiga joogtada

Garoowe: March 20, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Abdirashid Yusuf Jibril oo uu wehliyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Guddiga j oogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta waxaa Guddiga Joogtada ah hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dawladda Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaarada iyo La-taliyaha dhinaca Xeerarka ee Wasaaradda. Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyey arrinta ku saabsan Hirgelinta Khidmadaha Shatiyada iyo Jaangoynta Canshuuraha Ku-meel gaarka ah ee Khayraadka Macdenta, taas oo lagu soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 14 ee 8-da March 2023. Guddiga ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha jaangoynta Cashuurta, intaa kadib, Guddiga joogtada ah ayaa isla qaatay in Talo-soojeedinta Khidmadaha Shatiyada iyo Jaangoynta Canshuuraha Ku-meel gaarka ah ee Khayraadka Macdenta in qoraal loogu gudbiyo Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Dawladda Puntland iyaddoo loo marayo habraacyadda curinta Xeerarka sida uu qabo Qodobka 68-aad xarfaha B, T, iyo J, Qodobka 54-aad farqadiisa 4-aad iyo Qodobka 76-aad xarafka ee Dastuurka Dawladda Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 10-aad ee Guddiga joogtada Read More »

Guddoomiyaha ayaa iska Diiwaan-geliyey Deg. Garoowe ( Sawiro)

Garoowe: March 15, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Abdirashid Yusuf Jibril ayaa galabta iska diiwaan-geliyey xaafada Mubaarak ee degmada Garoowe, noqdayna qofkii ugu danbeeyey ee isdiiwaangeliya, iyadoo halkaas lagusoo gebagebeeyey isdiiwaangelintii codbixiyeyaasha Puntland. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa u mahadceliyay Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC, iyo guud ahaan Howlwadeenada diiwaan-gelinta, iyo maamulka Degmadda Garoowe. Guddoomiyaha ayaa boggaadiyey tilaabadda awooda shacabka loogu dhaweyay si ay u doortaan madaxdooda. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha ayaa iska Diiwaan-geliyey Deg. Garoowe ( Sawiro) Read More »

Fadhiga 9-aad ee Guddiga joogtada Golaha Wakiillada

Garoowe: March 15, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Abdirashid Yusuf Jibril, oo uu wehliyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa Guddiga Joogtada uga hadleen Amniga Caasimadda Puntland ee Garoowe iyagoo tix-raacaya Fadhigii 6-aad ee Guddiga Joogtada ahi yeesheen ee March 08, 2023, kaas oo ay la yeesheen Wasaaradda Amniga, Taliyaha Ciidanka Booliska, Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Garoowe. Dood iyo falanqayn kadib Guddiga joogtada ah ayaa isla qaatay talo-soojeedin ku addaan wax ka qabashada Amniga Caasimadda Puntland ee Garoowe iyo cabashada ka jirta maxkamadaha Darajada 1-aad, Maxkamadda Rafaanka iyo Xeer-ilaaliyeyaasha Gobollada Puntland, islamarkaana talo-soojeedintaas loogu gudbiyo qoraal Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka iyo Madaxtooyada Puntland, si arrimahaasi wax looga qabto. Dhinaca kale, Guddiga Joogtada ah ayaa waxay go`aamiyeen in loo yeero Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, si wax looga weydiiyo arrinta la xiriirta Khidmadda Shatiyada iyo Jaangoynta Canshuuraha ku meel gaarka ah ee khayraadka Macdanta. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 9-aad ee Guddiga joogtada Golaha Wakiillada Read More »

Guddiga joogtada Golaha Wakiillada oo dood ka yeeshay Xaaladda Laascaanood

GUDDIGA JOOGTADA AH OO MAANTA DOOD KA YEESHAY XAALADA LAASCAANOOD. Garoowe: March 13, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta waxay mudanayaashu ku falanqeeyeen xaaladda Bani’aadanimo ee Gobolka Sool iyo doorka Golaha Wakiillada ee ka qeyb galka arrimaha Bani’adanimino ee dadka ku waxyeeloobey weererada arxandarada ah ee maamulka labaxay Somaliland uu geystay magaalada Laascaanood. Dood iyo falanqayn kadib Guddiga Joogtada ah ayaa waxay go’aamiyeen in Golaha Wakiilladu qaaran lacageed kaga qeyb gaato Gurmadka Bani’aadanimo ee Laascaanood. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddiga joogtada Golaha Wakiillada oo dood ka yeeshay Xaaladda Laascaanood Read More »

Fadhiga 7aad ee Guddiga Joogtadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ( Sawiro)

Garoowe: March 11, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir Guddoomiyey Fadhiga 7-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga manta, waxay Mudanayaashu ku falan-qeeyeen talo-soojeedin ku saabsan arrimaha diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha Goleyaasha Deegaannada Puntland, taas oo qoraal ahaan loogu gudbinayo Guddiga ku-meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ee (TPEC). DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 7aad ee Guddiga Joogtadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ( Sawiro) Read More »

Guddiga joogta oo dhageystay warbixin ku saabsan amniga dalka gaar ahaan Caasimadda Garoowe

GUDDIGA JOOGTADA AH OO MAANTA DHAGEYSTAY WARBIXIN KU SAABSAN AMNIGA CAASIMADDA GAROOWE. Garoowe: March 08, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa shir Guddoomiyey Fadhiga 6-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta waxaa Guddiga Joogtada ah horyimi Wasiirka Wasaaradda Amniga & DDRta Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Taliyaha la-dagaalanka argagixisadda, Taliyaha qeybta Gobolka Nugaal, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Duqa Degmada Garoowe, iyagoo Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyey amniga caasimadda Puntland ee Garoowe. Dhinaca kale, Guddiga joogtada ah ayaa su’aalo ka waydiiyey mas’uuliyiinta sare ku xasan warbixinta ay la wadaageen, caqabadaha jira iyo qorshaha horumarinta amniga caasimadda Puntland ee Garoowe. Ugu dambeyn, Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilladu waxay mas’uuliyiinta sare ku xusan ku booriyeen in ay dar-dargelinyaan wax ka qabashada amniga caasimadda iyo la dagaallanka maandooriyaha oo dhibaato weyn ku haya amaanka magaalada Garoowe. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga joogta oo dhageystay warbixin ku saabsan amniga dalka gaar ahaan Caasimadda Garoowe Read More »

Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada ayaa kulan la qaatay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland – TPEC ( Sawiro)

Garoowe: March,06, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta shir-Guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo ka qabsoomay hoolka shirarka Guddiga Joogtada ah ee xarunta Golaha Wakiillada. Fadhiga maanta waxaa Guddiga Joogtada ah horyimi Guddiga KMG ah ee Doorashada Puntland, iyagoo warbixin ka siiyey shaqooyinka socda ee la xiriira diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha Goleyaasha Deegaanka Puntland, qorshahahooda shaqo iyo caqabadaha jira. Sidoo kale, Guddiga Joogtada ah ayaa su’aalo ka waydiiyey Guddiga ku-meel-gaarka ah Doorashada Puntland warbixinta ay la wadaageen iyo hawlaha socda ee diiwaangelinta la xiriira. Dood iyo falaqayn dheer kadib, Guddiga joogtada ahi waxay go’aamiyeen in tala bixintooda ku aaddan diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha Puntland ee hadda socota loogu gudbiyo qoraal Guddiga KMG ah ee doorashada Puntland, kadib marka Gudiga joogtada ahi dib uga doodo maalinta Sabtida taariikhduna tahay 11.03.2023, iyadoo loo marayo Dastuurka Dawladda Puntland qodobadiisa 112-aad, 113-aad, 114-aad, 115-aad iyo xeerka Doorashada Goleyaasha Deegaannada iyo xeerka Diiwaan gelinta Cod-bixiyeyaasha Dawladda Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada ayaa kulan la qaatay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland – TPEC ( Sawiro) Read More »

Guddiga Joogtada oo ka hadlay cashooyinka Mushaarka Shaqaalaha & Amniga ( SAWIRO)

Garoowe: March 4, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa manta shir-Guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo ka qabsoomay aqalka Wakiillada. Kulanka maanta waxay Mudanayaashu uga hadleen xaaladda guud ee dalka, Xeerarka Goluhu ansixiyey kalfadigii 51-aad, cabasho la xiriirta musharka shaqaalaha & ciidamada Puntland iyo Amniga Caasimadda Garoowe. Dood iyo falaqayn dheer kadib, waxay Guddiga joogtada ahi go’aamiyeen qodobada soo socda: DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Joogtada oo ka hadlay cashooyinka Mushaarka Shaqaalaha & Amniga ( SAWIRO) Read More »

Scroll to Top