GUDDIGA JOOGTADA AH OO MAANTA DOOD KA YEESHAY XAALADA LAASCAANOOD.
Garoowe: March 13, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada DPL.
Fadhiga maanta waxay mudanayaashu ku falanqeeyeen xaaladda Baniβaadanimo ee Gobolka Sool iyo doorka Golaha Wakiillada ee ka qeyb galka arrimaha Baniβadanimino ee dadka ku waxyeeloobey weererada arxandarada ah ee maamulka labaxay Somaliland uu geystay magaalada Laascaanood.
Dood iyo falanqayn kadib Guddiga Joogtada ah ayaa waxay goβaamiyeen in Golaha Wakiilladu qaaran lacageed kaga qeyb gaato Gurmadka Baniβaadanimo ee Laascaanood.












DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.