Golaha Wakiillada

January 2024

Guddiga Golaha Wakiilladu u xilsaaray xal u helida shaqaaqadii Deegaanka Sheerbi Ayaa ka qayb galay shirka shaacinta gogosha nabadeynta.

Carmo: January 22, 2024: Guddiga Golaha Wakiilladu u xilsaaray xal u helida shaqaaqadii Deegaanka Sheerbi ayaa maanta ka qayb galay shirka shaacinta gogosha nabadeynta beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay. Gogosha waxaa dhigay Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, iyadoo shirkaas uu ka furmi doono Magaalada Carmo 05/02/2024. Dhanka kale, kulanka maanta waxaa Guddiga kala qayb galay qaar kamid ah isimmada Puntland, Wasiiro, Mamulka Gobolka Bari, Saraakiisha Amniga iyo Nabadoonno. DHAMMAAD.

Guddiga Golaha Wakiilladu u xilsaaray xal u helida shaqaaqadii Deegaanka Sheerbi Ayaa ka qayb galay shirka shaacinta gogosha nabadeynta. Read More »

Guddomiyaha Golaha wakiillada dowlada puntland

Waxaan galabta salaan iyo booqasho gurigeeda ugu tagay Xildhibaan hore Marwo Jookha Geelle Faarax oo ka tirsaneyd Golaha Wakiillada Dawladda Puntland muddo 15 sanno ah taas oo ku xanuunsanaysa caasimadda Garoowe. Waxaan EEBBE ugu baryay Xildhibaan hore Marwo Jookha Gelle Faarax inuu caafimaad taam ah siiyo, muhiimadeyda 1aad ayaa ah inaan ka war-hayno Xildhibaannada iyo dhammaan mudanayaashii kale ee Golaha ka soo mid noqday. Booqashada aan ugu tagay Xildhibaan hore Marwo Jookha Geelle Faarax waxaa igu wehlinayey Xildhibaan federal Maxamuud Axmed Aadan (Geesood ) DHAMMAAD.

Guddomiyaha Golaha wakiillada dowlada puntland Read More »

Fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, January 20, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa fadhiga furay, iyadoo ajanduhu ahaa magacaabida xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha Wakiillada. Waxaa Golaha dhammaan la dhammeystiray soo gudbinta Xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha oo ka kooban 10 xubnood. Waxaa si rasmi ah loo dhammeystiray xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, kadib soo gudbinta Xildhibaannada. Guddiga joogtada ah ayaa ka kooban Guddoomiyaha, Labada Guddoomiye ku-xigeen iyo 10 Madax Guddiyeed, sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada qodobkiisa 11-aad. 1.Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka. 2. Guddiga Siyaasada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah. 3. Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha. 4. Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda. 5. Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada. 6. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka. 7. Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha. 8. Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta. 9. Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah. 10. Guddiga Xuquuqda Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha qoyska. Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiilada Dawladda Puntland.

Fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Goddoonka Golaha wakiillada ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Xafiisyada Aqalka Wakiillada.

Garoowe, January 17, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Mohamed Mohamoud Isse ayaa kormeeray qeybaha ay kala duwan ee Xafiisyada Aqalka Wakiillada. Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhageystay Agaasimeyaasha, Madax-qeybeedyada iyo Saraakiisha Xafiisyada Golaha Wakiillada. Telegram: https://t.me/parliamentofpl DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Goddoonka Golaha wakiillada ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Xafiisyada Aqalka Wakiillada. Read More »

𝐁𝐀𝐑𝐍𝐀𝐀𝐌𝐈𝐉 𝐒𝐈𝐘𝐀𝐀𝐒𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ( 2024 – 2029)

Anniga oo ka duulaya Qorshayaasha hortabinta leh ee aan rabno in aan ku hoggaamiyo Golaha Wakiillada 2024 – 2029 haddii Alle idmo. Waxaan ballan qaadayaa hoggaaminta Golle haybad leh. Sida ku cad Dastuurka Dawladda Puntland Qodobka 64-aad. Waxaa i hagi doona oo aan ku shaqayn doonaa dhammaan Awoodaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Waxaan ka shaqayn doonaa in aanay laamaha kala duwan ee Dawladda isku milmin oo Laan waliba shaqadeeda u gudato si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u yaal. Waxaan ku shaqayn doonaa siyaasad, fur-furan oo ku dhisan wada-tashi annigoo ixtiraami doona talooyinka ay Golaha wakiilladu ii soo jeediyaan. Sida ku cad Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 131-aad, waxaan ahmiyadda iyo mudnaanta koowaad siin doonaa ilaalinta Xasaanadda, xurmada iyo maqaamka Mudanaayaasha Golaha Wakiillada si mudanayaashu u gutaan Wajibaadkooda shaqo ee Dastuuriga ah. Annigoo garwaaqsan duruufaha adag ee dhaqaale ee ay ku shaqeeyaan mudanayaasha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo hawl-wadeennada Golaha, waxaan ka shaqayn doonaa kor u qaadista gunnooyinka iyo xaqsiinta Baarlamaanka iyo hawl-wadeennada. Waxaannu curin doonnaa xeerarka iyo xeer-nidaamiyayaasha aynu bulsho ahaan u baahannahay, sida: horumarinta amniga iyo xasiloonida shacabka, arrimaha horumarinta xoolaha, kalluumaysiga, Beeraha, Shaqo abuurka dhallinyarada iyo dhiirigelinta maalgashiga. Si loo gaaro Dawladnimada aan hiigsanayno oo la-jaanqaadda Dawladaha horumaray, waxaan si dhammaystiran uga shaqayn doonnaa curinta, kaabista, tayeynta iyo kor u qaadista Shuruucda iyo Xeerarka dalka kuwaas oo waafaqsan Dhaqankeena iyo Diinteenna suubban ee islaamka. Waxaannu, sidoo kale dib u eegis ku samayndoonnaa heshiisyadii xukumadihii hore galeen annagoo ka eegi-doonna danta shacabka iyo horumarinta Puntland. Hawsha ugu horraysa iyo midda ugu muhiimsan ee laga rabo Guddoomiyaha cusub waa in uu hal abuuro qorshe hawleedka shanta sano iyo sidoo kale, hiigsiga ama hiiraalka fog ee Baarlamaanka, lana wadaago mudanayaasha Baarlamaanka uu hoggaamiyo. Waxaan hoggaamin doonaa dejinta qorsha-howleedka shanta sanno ee soo socota (2024-2029) Hadii Alle idmo. Qorshahaasi waxaa uu ka tarjumayaa hiraalka iyo hiigsigeenna horumarineed ee wakhtiga dhaw, dhexe, iyo wakhtiga fog, iyada oo laga duulayo: ● Xagee ka nimi?● Xagee joognaa?● Xagee se u soconnaa? Yoolkuna yahay in la gaaro Baarlamaan Haybad leh, hanna-qaad ah oo gaarsiisan filashada bulshadeenna. Waxaan ballan-qaadayaa Hadii Alle idmo. aad in aan dhiso xarun Baarlamaan oo ku qalabaysan farsamooyinka casriga ah, kaafisana dhammaan baahiyaha baarlamaanka sida; hoolalkii shirarka, Xafiisyada Guddi hoosaadyada, hawl-wadeennada Golaha iyo Guddoonka. Sidoo kale leh deegaan iyo guriga martida. Waxay xaruntaas yeelan doontaa Machadka horumarinta iyo hiraalka Baarlamaanka taasoo leh Xarun cilmi baaris iyo Maktabad dhammaystiran. Annigoo garowsan kala irdhowgii iyo kala durugsanaantii u dhaxaysay Golihii Wakiilada ee Dawladda Puntland iyo dadweynahii ay matalayeen, waxaan markii ugu horraysay yagleeli doonaa Xafiiska xiriirka dadweynaha si loo helo xogo dhammaystiran iyo atragtida dadweynaha ee la xiriira baahiyahooda. Wuxuu xafiiskani fududayn doonaa ka shaqaynta xallinta khilaafaadka, nabadaynta beelaha, yaraynta xasaradaha iyo khataraha colaadaha. Sida ku cad Dastuurka Dawladda Puntland qodobbadiisa 59-aad iyo 46-aad, wada shaqaynta iyo iskaashiga saddexda Hay’adood ee Dawladdu waa waajib dastuuri ah. Waxaannu si dhab ah u xoojin doonnaa isla xisaabtanka iyo kor-joogtaynta Hay’adaha kala duwan ee Dawladda, si loo helo Dawladnimo daah-furan kuna shaqaysa u adeegidda danta Shacabka. Waxaan muhiimad gaar ah siin doonnaa horumarinta iyo tayeynta Golaha annagoo xoojin doonna aqoonta iyo xirfadaha mudanayaasha Golaha Wakiillada iyo hawl-wadeennada Golaha. Waxaan dib-u-habayn iyo casriyeyn ku samayn doonnaa qaab-dhismeedka Waaxyaha xarunta Baarlamaanka, Guddiyada Joogtada ah iyo guud ahaanba shaqooyinka kala duwan ee ay qabtaan hawl-wadeennada Golaha Wakiiladu, si Barlamaankeennu ula jaan qaado kuwa dunida casriga ah. Annigoo tixraacayga koowaad ee sharcigu yahay Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Barlamaanka, waxaan wada shaqayn dhow oo ku dhisan, is-faham, isu-tanaasul, is-ixtiraam iyo is-qadarin la yeelan doonaa dhammaan Guddiyada Golaha si shaqada Barlamaanku u noqoto mid leh hanaqaad una socota si habsami leh. Waxaan ku ixtiraami doonaa gudashada masuuliyaddooda si badax-bannaan. Annigoo garowsan doorkii shariifka ahaa ee Puntland ku lahayd Dawlada dhiska Soomaliya waxaan abuuri doonaa xiriir wadashaqayn oo ku dhisan horumarinta danaha iyo masaaliixda shacabka iyo Dawladda Puntland. Waxaan dhisi doonaa xiriir ku dhisan Iskaashi, is-ixtiraam, wadajir iyo saaxiibtinnimo aan la yeelan doono baarlamaanka labada Aqal ee Dawladda Fadaraalka ah, Baarlamaannada Dawlad Goboleedyada iyo kuwa Caalamka. Sida aan wada ogsoonnahay Dawladda Puntland waxay hormuud u ahayd xorraynta iyo difaaca gobollada SSC-Khaatumo, sidaas darteed, waxaan tixgelin doonaa go’aanka iyo rabitaanka shacabka SSC-Khaatumo, Issimmada iyo maammulka ku-meel-gaadhka ah. Waxaan hormuud u noqon doonnaa ka shaqaynta xeerarkii iyo shuruucdii lagu hagi lahaa masiirka dadka deegannadaas. Nidaamka dimuqraadiyaddu waa riyada kaliya ee dadka reer Puntland ay hiigsanayeen oo ay ku taamayeen tan iyo asaaskii Puntland 1998. Sidaas darteed, annigoo dalka iyo dadka uga faa’iidaynaya aqoontayda durugsan iyo waayo-aragnimadayda la xiriirta Doorashooyinka Qof iyo cod, waxaan ka shaqayn doonaa Golahana ku hooggamin doonaa dhammaystirka hannaanka iyo shuruucda doorashooyinka DPL si loo helo doorasho dadweyne oo xor iyo xalaal ah laguna kalsoonaan karo. Waxaa cad in Goluhu u baahnaa Guddoomiye ka gadmi kara bulshada reer Puntland oo ku dhex leh sumcad, sharaf iyo ixtiraam. Sidoo kale, wuxuu Goluhu u baahnaa hoggaan hormuud u noqda dhawrista, ilaalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka Dawladda Puntland iyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Wuxuu Goluhu u baahnaa Guddoomiye leh aqoonta maamul wanaagga, xiriirka caalamiga ah, leh saaxiibbo caalami ah, sida: safiirro iyo wakiilada deeq-bixiyayaasha Soomaaliya, Wuxuu Goluhu u baahan yahay Guddoomiye Indheer-garad iyo curiye figradeed ah, dabci wanaagsan iyo qiyam toosan leh. Waxaan aammin-sanahay in aan buuxiyey oo aan leeyahay dhammaan sifooyinka aan kor ku soo xusay ee looga baahan-yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Waxaan aammin sanahay in aan xog-ogaal u ahay, khibradna u leeyahay hawlaha shaqo ee looga baahanyahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Waxaanna idiin balan-qaadayaa ilaalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka DPL, sarraynta sharciga iyo dhawrista xeer hoosaadka Golaha Wakiilada Dawladda Puntland. Mudane, Abdirisak Ahmed SaidGuddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

𝐁𝐀𝐑𝐍𝐀𝐀𝐌𝐈𝐉 𝐒𝐈𝐘𝐀𝐀𝐒𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ( 2024 – 2029) Read More »

Fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, January 13, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Axmad Sicid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamad Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Maxamad Maxamud Ciise ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa fadhiga furay, iyadoo ajanduhu ahaa akhrinta iyo ansixinta xeer-hoosaadka Golaha wakiilladda iyo dhismaha Guddiga joogtada ah Golaha Wakaiillada si waafaqsan qodobka 63-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Ugu horeyn, waxaa Goluhu si aqlabiyad ah isula qaatay in lagu sii shaqeeyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada ee horey u jiray inta laga dib u-eegis rasmi ah lagu sameynayo Xeer-hoosaadk. Ansixinta ka dibna waxaa Goluhu ku sameeyey dulmar guud. Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Wkaiillada ayaa la wadaagay Xubnaha Golaha dhismaha Guddiga Joogtada ah oo ka kooban 10 madax Guddi, iyadoo Gobol kasta uu ka codsaday inay soo gudbiyaan xubnaha uga mid noqonaya Guddiga joogtada ah, hadii ay isku soo raaci waayaana Goluhu uu kala dooran doono xubnahaas. Ugu, Dambeyn Goluhu wuxuu isla qaatay inay dib isagu soo laabtaan Sabtida soo socota taariikhduna tahay 20-ka bisha Janaayo si loo dhammaystiro Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada oo laf-dhabar u ah hawl-socodsiinta Golaha Wakiillada. DHAMMAAD

Fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Guddoonka Golaha Wakillada Ayaa Salaan Sharaf ugu Tagey Qaar kamid ah Isimada Dp.

Garoowe, January 10, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Ahmad Siciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamad Baarri Shire Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Maxamad Maxamuud Ciise ayaa maanta salaan sharaf iyo is xog wareysi ugu tagay Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil. Sidoo kale kulanka waxaa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Amniga DPL, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Dekadaha Soomaaliya, qaar kamid ah Taliyeyaasha Ciidamada, Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland iyo masuuliin kale. DHAMMAAD.

Guddoonka Golaha Wakillada Ayaa Salaan Sharaf ugu Tagey Qaar kamid ah Isimada Dp. Read More »

Culimada ayaa Guddoonka Golaha wakiillada cusub ugu yimid hambalyo ku saabsan xilalka dhawaan loo doortay.

Garoowe, January 10, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa maanta Aqalka Wakiillada ku qaabilay qaar kamid ah Culimada Puntland. Culimada ayaa Guddoonka cusub ugu yimid hambalyo ku saabsan xilalka dhawaan loo doortay. DHAMMAAD.

Culimada ayaa Guddoonka Golaha wakiillada cusub ugu yimid hambalyo ku saabsan xilalka dhawaan loo doortay. Read More »

Fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, January 08, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa shirka furay, iyadoo ajanduhu ahaa Doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland. Intaa kadib, waxaa la gudo galay Doorashada oo ay ku tartamayeen 11 Musharax Madaxweyne iyo 11 Musharax Madaxweyne ku xigeen, waxaana wareeggii ugu dambeeyey ee 3-aad isugu yimaadeen Madaxweynaha dib loo doortay ee Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo helay 45 cod, halka Mudane Dr. Guuleed Saalax Barre helay 21 cod. Waxaana sidoo kale Madaxweyne ku-xigeen loo doortay Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa shacabka Puntland, siyaasiyiinta, culimada iyo ciidamada qalabka sida ku booriyey inay isku duubnaadaan oo ka wadashaqeeyaan dowladnimada iyo horumarka Puntland. DHAMMAAD

Fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Scroll to Top