Golaha Wakiillada

March 2024

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ayaa maanta Madaxtooyadda Dowladda Puntland kaga qaybgalay Shir looga wadahadlayo marxladda uu dalku uu marayo oo maanta furmay.

Garoowe, March 24, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha wakiiladda Dowladda Puntland, ayaa maanta Madaxtooyadda Dowladda Puntland kaga qaybgalay Shir looga wadahadlayo marxladda uu dalku uu marayo oo maanta furmay. Waxa shirka qeyb ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxwaynihii hore ee JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxwaynihii hore ee JFA Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Xildhabannada Baarlamaanka JFS ee Soomaaliya iyo Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Dawladda Puntland. – DHAMMAAD –

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ayaa maanta Madaxtooyadda Dowladda Puntland kaga qaybgalay Shir looga wadahadlayo marxladda uu dalku uu marayo oo maanta furmay. Read More »

Fadhiga 1-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: March 17, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid Faarax oo uu weheliyo ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamed Baari shire ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 1-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta waxaa xubnaha Guddiga joogtada ah lala wadaagay waajibaadka Guddiga Joogtada ah, si waafaqsan xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, waxqabadka Golaha, qorshayaasha hortabinta leh ee lagu dar-dargeliyo laguna hormarinayo shaqada Golaha Wakiillada. Intaas kadib, Madax guddiyeedka Golaha Wakiillada ayaa ka warbixiyey Arrimaha Amniga Puntland, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo hirgelinta qorsheyaasha shaqo ee guddiyada u degsan, caqabaha jira iyo sidii wax looga qaban lahaa. Ugu dambeyn, Guddiga Joogtada ah waxay isla qaateen in ay galaan fasax muddo bil ah inta lagu gudajiro Bisha Ramadaan ee Barakaysan, lana isu soo noqdo bacda Ramadaan haddii Alle idmo si loo dar-dargeliyo hawlaha shaqo ee Guddiga Joogtada ah. -DHAMMAAD-

Fadhiga 1-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland yaa ka qayb galay kulan afur ah oo Madaxweynaha DPL u sameeyey Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL.

Garoowe, March 13, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa caawa ka qayb galay kulan afur ah oo Madaxweynaha DPL Siciid Cabdulaahi Deni u sameeyey Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL. Kulanka oo ka qabsoomay madaxtooyada Garoowe ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiilada Mudane, Maxamed Baari Shire, Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo xubno kale oo goobta lagu casuumay. DHAMMAAD.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland yaa ka qayb galay kulan afur ah oo Madaxweynaha DPL u sameeyey Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL. Read More »

Fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, March 11, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta waxaa goob-joog ahaa 54 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah Ansixinta Barnaamjika Xukuumadda iyo mas’uulyiinta u baahan xasaanada-siinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, kuwaa soo Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Golaha horkeeneen. Madaxweynaha ayaa Golaha Wakiillada la wadaagay, Xubnaha Golaha Wasiirada ee cusub iyo Barnaamij Siyaasadeedka Xukuumadda, wuxuuna Golaha la wadaagay qorsheyaasha xukuumadda ee dhinaca Amniga, Garsoorka, Arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda , wuxuuna ka codsaday Xildhibaanada Golaha Wakiillada in ay ansixiyaan xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada oo lagu soo xulay aqoontooda iyo waaya-aragnimadooda. Inta kadib, waxaa Golaha Taariikhdooda waxbarasho iyo shaqo ka jeediyay Golaha Wasiirada ee cusub. Xildhibannada Golaha Wakiillada ayaa si waafaqsan Dastuurka Dawladda Qodobkiisa 64-aad Cod aqlabiyad ku ansixyey Barnaamjika Xukuumadda iyo Xubnaha Golaha Wasiiradda cusub. Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa kulan dar-daarmay inay Wasiiradda la siiyey Xasaannada in ay xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, islamarkaan u adeegaan shacabka Puntland. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland,ayaa maanta soo xiray kulamo Aqoon-is-waydaarsi ah oo maalmahan ka soconayey Xarunta Golaha Wakiillada.

Garoowe, March 09, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta soo xiray kulamo Aqoon-is-waydaarsi ah oo maalmahan ka soconayey Xarunta Golaha Wakiillada, kuwaas oo loo qabanayey Guddiyada Baarlamaanka 6-aad. Guddiyada maanta aqoon kororsiga ka faa’ideystay waxaa kamid ah Guddiga Maaliyadda, Guddiga Qosheynta, Guddiga Howlaha guud & Guddiga Anshaha ee Golaha, Waxaana intii kulanku socday ay Mudaneyaashu is dhaafsadeen doodo ku saabsan doorka & waajibaadka Guddiyada Golaha. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa uga mahadceliyey dhammaan xildhibaannada ka qeybgalay Aqoon-is-waydaarsigan, isagoo tilmaamay in aqoon kororsigan maanta la soo gaba-gabeeyey uu qayb ka yahay qorshe Guddi kasta loogu qaban doonno tababar u gaar ah oo ku aadan howlaha uu u xilsaaran yahay. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Hay’adda Max Planck Foundation iyo khubaradii bixineysay tababarka. -DHAMMAAD-

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland,ayaa maanta soo xiray kulamo Aqoon-is-waydaarsi ah oo maalmahan ka soconayey Xarunta Golaha Wakiillada. Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta ka qayb galay kulamada Aqoon-is-waydaarsi ah ee ka soconaya Xarunta Golaha Wakiillada.

Garoowe, March 07, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta ka qayb galay kulamada Aqoon-is-waydaarsi ah ee ka soconaya Xarunta Golaha Wakiillada, kuwaas oo loo qabanayo Guddiyada Baarlamaanka 6-aad. Guddiyada maanta aqoon kororsiga ka faa’ideystay waxaa kamid ah Guddiga Arrimaha bulshada, Guddiga Deegaanka, Guddiga Arrimaha Gudaha & Guddiga Anshaha ee Golaha, Waxaana intii kulanku socday ay Mudaneyaashu is dhaafsadeen doodo ku saabsan doorka & waajibaadka Guddiyada Golaha. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo kulanka maanta soo xiray ayaa uga mahadceliyey dhammaan xildhibaannada ka qeybgalay Aqoon-is-waydaarsigan, wuxuuna xusay in Guddi walba la siin doonno tababar u gaar ah oo ku saabsan arrimaha u xilsaaran yahay. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Hay’adda Max Planck Foundation iyo khubaradii bixineysay tababarka. -DHAMMAAD

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta ka qayb galay kulamada Aqoon-is-waydaarsi ah ee ka soconaya Xarunta Golaha Wakiillada. Read More »

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada ayaa maanta daah-furay Aqoon-s-waydaarsi ku saabsan Doorka & Waajibaadka qaar ka mid ah Guddiyada Golaha wakillada.

Garoowe, March 06, 2024: Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta daah-furay Aqoon-s-waydaarsi ku saabsan Doorka & Waajibaadka qaar ka mid ah Guddiyada Golaha Wakiillada ee Barlamaanka 6-aad ee Puntland. Aqoon-is-waydaarsigan oo ay maanta ka qeyb galeen xubnaha Guddiyada Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurk, Amniga iyo Nabadgelyada, Xuquuqda Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Qoyska & Anshaxa iyo Arrimaha Golaha Puntland ayuu ujeedkiisu ahaa doorka iyo Waajibaadka Guddiyada, waxaana uu noqon doonaa mid wax badan ka tari doona tayada, fahamka guud iyo nidaamka shaqo ee Guddiyada, ayadoo loo tixraacayo Dastuurka Dawladda Puntland & Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Guddoomiye Maxamed Maxamuud Ciise ayaa u mahadceliyey dhammaan xildhibaannada ka qeybgalay Aqoon-is-waydaarsigan, wuxuuna xusay in Guddi walba la siin doonno tababar u gaar ah oo ku saabsan arrimaha guddigu u xilsaaran yahay. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Hay’adda Max Planck Foundation iyo khubaradii bixineysay tababarka. Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamed ayaa si rasmi ah u furay Aqoon-is-waydaarsiga, wuxuuna carabka ku dhuftay in la joogteyn doonno Aqoon-Is-Waydaarsiyan la siinayo Guddiyada Golaha Wakiillada. -DHAMMAAD-

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada ayaa maanta daah-furay Aqoon-s-waydaarsi ku saabsan Doorka & Waajibaadka qaar ka mid ah Guddiyada Golaha wakillada. Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ayaa Golaha Wakiillada ku qaabilay Madaxweynaha Hay’adda Interpeace Iyo wafti uu hoggaaminayo.

Garoowe, Maarso, 05, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa Xarunta Golaha Wakiillada ku qaabilay Madaxweynaha Hay’adda Interpeace Mudane Itonde Abraham Kakoma iyo wafdi uu hoggaaminayo. Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid iyo Mudane Itonde Abraham Kakoma ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Puntland iyo sidii wada shaqeyn dhow ay u yeelan lahaayeen hay’adda Interpeace iyo Golaha Wakiillada Puntland. Madaxweynaha hey’adda Interpeace ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada uga mahadceliyay qaabilaadda iyo soo dhaweynta uu u sameeyey, wuxuuna balanqaaday in uu si dhow ula shaqeyn doonaan Golaha Wakiillada Puntland. Xubnaha Wafdiga waxaa kamid ahaa sidoo kale Ms. Renee Lariviere; Madaxa Mashaariicda, Ahmed Abdirahman Baadiyow wakiilka Hay’adda ee Somalia, AU iyo IGAD iyo Wakiilka Interpeace ee Puntland Mr. Abdirahman Bihi, sidoo kale kulanka waxaa ka qayb galay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Md. Cabdirisaaq Xiddig Warsame. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa Mudane Itonde Abraham Kakoma iyo hay’adda uu madaxda ka yahay uga mahadceliyay shaqooyinka kala duwan ee ka hayaan dalka, wuxuuna ku booriyey in ay sii laba jibaaraan. -DHAMMAAD.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ayaa Golaha Wakiillada ku qaabilay Madaxweynaha Hay’adda Interpeace Iyo wafti uu hoggaaminayo. Read More »

GOLAHA WAKIILLADA DPL OO KULAN SHARAF KU MAAMUUSAY SHIIKH MAXAMED IDIRIS.

Garoowe March 04, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta ka qayb galay Hadhimo sharafeed uu Golaha Wakiilladu ku maamuusey Shiikh Maxamed Idiris. Kulanka waxaa ka qayb galay qaar kamid ah culimaa’udiinka Puntland, waxaana Siikh Maxamed Idiris uu Mudaneyaasha u soo jeediyey muxaadaro diini ah oo la xiriirta mas’uuliyadd iyo horumarinta Bulshada. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in markasta albaabka Baarlamaanku uu u furan yahay Culimada, islamarkaana ay sii xoojin doonaan wada shaqeyn Golaha Wakiillada iyo Culimada’udiinka Puntland. -DHAMMAAD

GOLAHA WAKIILLADA DPL OO KULAN SHARAF KU MAAMUUSAY SHIIKH MAXAMED IDIRIS. Read More »

Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada DPL.

Garoowe, March 04, 2024: Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta yeeshay kulankoodii 1-aad. Kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd is-barasho iyo diyaarinta qorshayaasha hortebinta leh ee Guddiga. Falanqeyn dheer ka dib, waxay guddigu isla qaateen qorshayaaha hortebinta leh ee Guddigu ku hawlgalayo muddada dhow. Guddoomiyaha Guddiga Xild. Yaasiin Jaamac Cumar oo soo xiray kulanka, ayaa xubnaha Guddigu ku booriyey in loo diyaar garoobo fulinta qorshe hawleedka Guddiga. -DHAMMAAD

Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada DPL. Read More »

Scroll to Top