Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ayaa maanta Madaxtooyadda Dowladda Puntland kaga qaybgalay Shir looga wadahadlayo marxladda uu dalku uu marayo oo maanta furmay.

Garoowe, March 24, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha wakiiladda Dowladda Puntland, ayaa maanta Madaxtooyadda Dowladda Puntland kaga qaybgalay Shir looga wadahadlayo marxladda uu dalku uu marayo oo maanta furmay.

Waxa shirka qeyb ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxwaynihii hore ee JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxwaynihii hore ee JFA Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Xildhabannada Baarlamaanka JFS ee Soomaaliya iyo Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Dawladda Puntland.

– DHAMMAAD –