Fadhiga 24-aad ee Kalfadhiga 56-aad Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeed 𝟮𝟬𝟮𝟰.
Garoowe, 29 Luulyo 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 24-𝒂𝒂𝒅 𝒆𝒆 𝑲𝒂𝒍𝒇𝒂𝒅𝒉𝒊𝒈𝒂 56-𝒂𝒂𝒅 Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku sii wadista ka shaqeynta Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2024 ee Puntland. Ugu horrayn waxaa Golaha laga hor akhriyey Warbixinta Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada ee 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯-𝘅𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗦𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱-𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝗱𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 𝟮𝟬𝟮𝟰. Intaas ka dib, Goluhu wuxuu cod aqlabiyad leh ku Meelmariyeen ansixiyey Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2024 si waafaqsan Qodobada 64(13) iyo 137(1) ee Dastuurka DPL iyo qodobka 64 ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL, Waxaa Oggol ugu codeeyey 38 Mudane, Diidmo 2 Mudane, halka aysan jirin cid ka aamustay. Ugu dambayn, Mudanayaasha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa cod gacan-taag ah ku oggolaaday in maanta si rasmi ah loo soo xiro Kalfadhiga 56-aad ee Golaha. DHAMMAAD –
Fadhiga 24-aad ee Kalfadhiga 56-aad Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeed 𝟮𝟬𝟮𝟰. Read More »









