Golaha Wakiillada

October 2025

Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada.

Garoowe, 4 Oktoobar 2025 — Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo lagaga hadlayay xal u helidda arrimaha deegaanka iyo maraynta dhulka. Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada. Kulanka waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah guddiyada golaha sida, Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyada, Amniga iyo Nabadgeliyada Golaha Wakiillada iyo Masuuliyiinta Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha ,Beeraha iyo Waraabka, Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada, Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyadda, Amniga iyo DDR-ta. Guddoomiyaha Golaha oo si rasmi ah u furay kulanka ayaa sheegay in loo bahaan yahay xal deg-deg ah oo loo helo ilaalinta degaanka iyo mareynta dhulka, isagoo sheegay in goluhu horay u samayey xerar badan, balse loo baahan yahay in si rasmi ah loo fuliyo, iyadoo ay ka wada shaqaynayaan bah-wadaagta khayraadka Puntland. Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah, oo uu hoggaaminayo Xildhibaaan Yaasiin Jaamac Cumar Guddoomiyaha Guddiga, ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan xeerarka kala duwan ee Golaha horay u ansixiyey kuwaasoo khuseeya ilaalinta iyo horumarinta deegaanka. Xildhibaan Mursal Maxamed Cabdi, oo isna ka hadlay kulanka, ayaa muujiyey in xal u helidda arrimaha deegaanka dhulka ay tahay arrin degdeg ah oo mudan in si wadajir ah loo wajahdo. Dhinaca kale, Wasiirada iyo hay’adaha kala duwan ee kulanka ka qayb galay ayaa adkeeyey baahida loo qabo iskaashi dhow oo dhexmara hay’adaha dowladda, si xal waara loogu helo caqabadaha deegaanka iyo maraynta dhulka Puntland iyagoo soo jeediyey aragti iyo talooyin khibrado farsamo. Kulanka waxaa ka soo baxay arrimahan hoos ku qoran:- 1. In la sameeyo wacyigelin bulsho oo ballaran kuna saabsan ilaalinta deeganka iyo dhulka Puntland. 2. In wasaraadaha sare ku xusan la yimaadaan siyaasad midaysan oo lagu ilaalinaayo degaanka laguna maraynayo dhulka. 3. Fulinta iyo dhaqan-gelinta xeerarka Sahminta Saameynta Deegaanka iyo bulshada Puntland iyo xeerarka kale ee muhiimka ah. 4. Mideynta iyo dhaqan-gelinta xeerarka golaayshu meel mariyeen. 5. In la sameeyo kala saaridda dhulka iyo siyaasadda maamulka dhulka. 6. In la helo doorka degmooyinka ee ilaalinta degaanka Puntland. 7. In la sameeyo Ciidanka Boolis oo u gaar ah ilaalinta deegaanka. Ugu dambayntii guddoomiyaha Golaha ayaa mas’uuliyiinta kula dar-daramay fulinta qodobada ka soo baxay shirka, islamarkaana ballan qaaday in goluhu qaadanayo doorka kor-joogteynta hay’adaha dawladda ee ku aaddan ilaalinta deegaanka iyo maraynta dhulka. DHAMMAAD –

Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada. Read More »

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚, 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚, 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐠𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝.

Garoowe, 1, Oktober 2025— 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚, 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚, 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐠𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay maamulka 𝑱𝒂𝒂𝒎𝒂𝒄𝒂𝒅𝒅𝒂 𝑼𝑼𝑺𝑬𝑻 iyo 𝑮𝒖𝒅𝒅𝒊𝒈𝒂 𝑺𝒂𝒓𝒆 𝒆𝒆 𝑿𝒂𝒓𝒖𝒎𝒂𝒉𝒂 𝑭𝒂𝒓𝒔𝒂𝒎𝒂𝒅𝒂 𝑮𝒂𝒄𝒂𝒏𝒕𝒂 𝒆𝒆 𝑷𝒖𝒏𝒕𝒍𝒂𝒏𝒅. Kulanka oo uu shir guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Xildhibaan Axmed Bile Siciid, ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray caqabadaha hortaagan xarumahaas iyo sidii xal waara loogu heli lahaa. Intii uu socday kulanka, guddigu waxa uu si toos ah u dhagaystay warbixino laga soo jeediyey maamulka xarumaha, kuwaas oo iftiimiyey duruufaha, baahiyaha iyo fursadaha jira. Ugu dambayn, dhinacyadu waxay isla qaateen in la xoojiyo wada-shaqeynta, la-tashiyada joogtada ah iyo in la abuuro hannaan cusub oo lagu dardar gelin karo horumarinta adeegyada tacliinta farsamada iyo xirfadaha ee Puntland.

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚, 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚, 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐠𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝. Read More »

Scroll to Top