𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚, 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝.
Garowe, 20 Oktoobar 2025- 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚, 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay Xarunta Golaha, kulankaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee arrimaha gudaha dalka. Kulanka, oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan CabdirisaaqJaamac Aadan, ayaa lagu falanqeeyey warbixino laga soo ururiyey gobollada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo la xiriira xaaladda amni, maamul, iyo horumarka adeegyada dadweynaha. Warbixinahaasi waxay xambaarsanaayeen xogo dhabta ah oo laga keenay shacabka iyo mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo, taas oo qeyb ka ah dadaallada Guddigu ugu jiro la socodka iyo korjoogtaynta xaaladaha dhabta ah ee ka jira gudaha . Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah loogu lafa-guray diyaarinta qorshaha shaqo ee Guddiga ee Kalfadhiga 57-aad ee soo socda, iyadoo la isla meel dhigay arrimaha mudnaanta leh ee u baahan in si gaar ah loo eego mudada kalfadhigaasi. Guddigu waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo ka go’naanshiyaha Golaha Wakiillada in si hufan loo fuliyo waajibaadka dastuuriga ah ee saaran Guddiga Arrimaha Gudaha. Gabagabadii kulanka ayaa Guddigu ku balamay in la sii wado shaqada iyadoo kulamo lala yeelanayo Hay,adaha Kala duwan ee uu guddigu kor joogtaynta ku leeyahay. DHAMMAAD –









