Garoowe, February 20, 2020: Agaasimaha Warfaafinta Golaha Wakiillada Abdiwali Gooni ayaa Xarunta Wakiillada ku soo dhaweeyay suxufiyiin tababar ku qaatay habka tebinta wararka Golaha.
Agaasime Abdiwali Gooni ayaa ku amaanaynaa Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP oo 15 wariye oo reer Puntland tababar u siiyay habka tebinta wararka la xiriira Baarlamaanka.
Waa Markii ugu horaysay oo tababar sidaan oo kale ah lagu qabto dalka. Waxaanu rajo badan ka qabnaa in sare loo qaado aqoonta wariyeyaasha ee la xiriirta habka tebinta wararka, baahinta xogaha iyo weliba wada-shaqeynta Wariyeyaasha & Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Warfaafinta Golaha