Golaha Wakiillada

Booqasho D. Doorasho

Guddiga Siyaaasadda & Qorsheynta Golaha Wakiillada ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Qorsheynta ( SAWIRO)

Garoowe: 19,October, 2022: Guddiga Siyaaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo kulan xog wareysi ah la yeeshay Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland. Guddiga oo maanta kormeer ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda Qorsheynta ayaa la kulmay Wasiirka cusub ee Wasaaradda oo uu wehliyo Agaasimaga guud iyo saraakiil kale, waxayna ka dhagaysteen warbixin ballaaran oo la xidhiidha waxqabadka Wasaaradda, Qorshayaasha hortebinta leh ee Dawladda iyo caqabadaha jira. Waxay sidoo kale Wasaaraddu Guddiga la wadaagtay xogta iyo khariiradda mashariicaha kala duwan ee ka socda gobollada kala duwan ee Puntland iyo halka ay marayaan. Ugu dambeyntii xildhibaanada ayaa su’aalo la xidhiidha arrimaha shaqo ee ay u xilsaaran yihiin weydiiyey mas’uuliyiinta kala duwan. Waxayna labada dhinac muujiyeen inay diyaar u yihiin in la xoojiyo xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya Guddiga iyo Wasaaradda. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Siyaaasadda & Qorsheynta Golaha Wakiillada ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Qorsheynta ( SAWIRO) Read More »

Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulan la yeeshay Hoggaanka Dembi-baarista (CID) ( SAWIRO)

Garoowe: 18,October, 2022: Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo maanta Aqalka Wakiillada Kulan kula yeeshay Taliyaha Hoggaanka Dembi-baarista (CID). Guddiyadda oo kala ah Guddiga Shuruucda, Caddaaladda Arrimaha Diinta & Dastuurka iyo Guddiga Xaquuqul Insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska Golaha Wakiillada DPL ayaa Taliyaha Hoggaanka (CID), Ku-xigeenkiisa iyo Saraakiisha kale ka dhageystay warbixin ku saabsan waxyaabaha u qaboomay iyo caqabadaha jira, waxayna intaas kadib su’aalo ka weydiiyeen arrimahooda shaqo. Guddiyada ayaa sidoo kale, Hoggaanka Dembi-baarista wax ka weydiiyey waxyaabo uga soo baxay kormeerkii wada-jirka ahaa ee labada Guddi dhowaan ku mareen qaar kamid ah Gobolada & dhacdooyin ka dhacay qaar kamid ah deegaannada PL oo horyaalla xafiisyada Baarista & Bahda Garsoorka, una baahan Caddaalad. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland#Puntland #Somalia

Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulan la yeeshay Hoggaanka Dembi-baarista (CID) ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Shuruucda Golaha Wakiillada ayaa Hay’adda Foorensik-Sayniska ( SAWIRO)

Garoowe: 17,October, 2022: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta Aqalka Wakiillada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Foorensik-Sayniska Puntland oo ay wehliyaan xubno kale oo ka tirsan Hay’addan. Guddiga ayaa warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Hay’adda, taas oo ku saabsan waxqabadkoodii muddadii la soo dhaafay, caqabadaha shaqo ee jira iyo Qorsheyaasha u degsan, iyadoo Hay’addu ay ka shaqeyso baarista cilmiyeed ee dambiyada. Ugu dambeyntii, Guddiga ayaa hay’adda uga mahadceliyey shaqada baaxadda leh ee ay u hayaan shacabka reer Puntland iyo ummadda Soomaaliyeed, iyagoo sidoo kale ballanqaaday inay baahiyaha jira ay horgeyn doonaan Golaha Wakiillada Kalfadhiga soo socda, sidoo kalana u gudbin doonaan cid kasta oo ay khuseyso. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Shuruucda Golaha Wakiillada ayaa Hay’adda Foorensik-Sayniska ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Shuruucda Golaha Wakiillada ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ( SAWIRO)

Garoowe: 16,October, 2022: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Puntland. Guddiga ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Taliye ku xigeenka iyo Saraakiisha kale ee Taliskaasi, Waxayna warbixintani la xidhiidhaa waxqabadka Taliskan, xaaladda Xabsiyada Puntland, Maxaabiista ku xiran iyo Caqabadaha jira. Guddiga ayaa ballanqaaday inay baahiyaha Asluubta ay horgeyn doonaan Golaha Wakiillada marka uu furmo Kalfadhigu, sidoo kalana u gudbin doonaan cid kasta oo wax qaban karta. Ugu dambeyntii Xildhibaannada ayaa booqday xafiisyada kala duwan ee Taliska guud ee Ciidanka Asluubta, iyagoo warbixin ka dhagaystay saraakiishii ku sugnaa. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland#Puntland #Somalia

Guddiga Shuruucda Golaha Wakiillada ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda ayaa kormeer ku tagay Wasaaradda Caddaaladda ( SAWIRO)

Garoowe: 15,October, 2022: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta kormeer ku tagay Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta, Dhaqancelinta & Dastuurka DPL. Guddiga ayaa ugu horeyn la kulmay Wasiirka Wasaaradda, Wasiiru-dawlaha & Agaasimaha Guud, Waxayna Mudaneyaashu mas’uuliyiintan ka dhagaysteen warbixin ballaaran oo ku saabsan waxqabadka Wasaaradda, Qorsheyaasha iyo Caqabadaha jira. Ugu dambeyntii Xildhibaanada ayaa booqday xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda, iyagoo u kuurgalay hab shaqadu u socoto iyo qorsheyaasha degsan. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda ayaa kormeer ku tagay Wasaaradda Caddaaladda ( SAWIRO) Read More »

Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada oo maanta Booqday Galdogob iyo Bursaalax ( SAWIRO)

Bursaalax: 14,October, 2022: Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada DPL oo maanta Booqday Degmooyinka Galdogob iyo Bursaalax ee Gobolka Mudug. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka, Guddiga Amniga & Nabadgalyada iyo Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha, ayaa ugu horeyn booqday mashruuca Wadada isku xira Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Bursaalax oo dhisme uu ku socdo, ayna iskaashanaayan Dadka Deegaanka & Dawladda Puntland. Guddiyada ayaa warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Degmada iyo Engneerada gacanta ku haya mashruucan oo wax ka badan ka tari doona isku socodka Degmada Bursaalax iyo guud ahaan Gobolka Mudug. Sidoo kale Guddiyada ayaa kormeeray Xarunta Caafimaadka ee Galdogob, iyagoo Maamulka xarunta ka dhageystay habka shaqadu u socota, Taageerada ay Wasaaradda Caafimaadka ka helaan iyo baahiyaha jira. Guddiyadu ayaa u ballan-qaaday Shacabka & Maamulka Degmada in warbixintooda ay u geyn doonaan Hay’addaha ay khuseyso, si looga jawaabo baahiyahooda ayna ka jeedin doonaan Kalfadhiga soo socda ee Baarlamanka. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada oo maanta Booqday Galdogob iyo Bursaalax ( SAWIRO) Read More »

Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada DPL oo maanta u kuurgalay Xaalada guud ee Degmada Goldogob iyo Bar Xuduudeedka Tuur-dibi ( SAWIRO)

Goldogob: 13,October, 2022: Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada DPL oo maanta u kuurgalay Xaalada guud ee Degmada Goldogob iyo Bar Xuduudeedka Tuur-dibi. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka, Guddiga Amniga & Nabadgalyada iyo Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha, ayaa ugu horeyn waxay kormeer ku sameeyen Xarunta Degmada Goldogob, Saldhiga Booliska, Garoonka Diyaaradaha iyo Cisbitaalka Magaalada, iyagoo warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta kala duwan habka shaqadu u socoto, Amniga, Horumarka, Caqabadaha iyo Baahiyaha jira. Waxaana Guddiyadu ay ballan-qaadeen in warbixinta guud ee Degmada ay u geyn doonaan Hay’addaha ay khuseyso, ayna ka jeedin doonaan Kalfadhiga soo socda ee Baarlamanka. Sidoo kale, Guddiyada ayaa booqday bar Xuduudeedka Tuur-dibi, iyagoo Saraakiisha Laanta Socdaalka iyo kuwa Kastamka ka dhageystay habka shaqada u socoto, kulana dardaarmay in Bulshada loogu adeego si hufnaan leh. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada DPL oo maanta u kuurgalay Xaalada guud ee Degmada Goldogob iyo Bar Xuduudeedka Tuur-dibi ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Arrimaha Deegaanka, Guddiga Siyaasadda iyo Guddiga Arrimaha Golaha ayaa gaaray Degmada Badhan ( SAWIRO)

Badhan: 12,October, 2022: Guddiga Arrimaha Deegaanka & khayraadka Dabiiciga ah, Guddiga Siyaasadda, Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ah iyo Guddiga Arrimaha Golaha oo safar shaqo ku tagay Degmada Badhan ee Xarunta Gobolka Sanaag ayaa Kulan la qaatay Maamulka Gobolka, kan Degmada Badhan, Xubno kamid ah Golaha Deegaanka, isuduwayaasha Wasaaradaha, Taliyayaasha Ciidanka iyo Mas’uuliyiin kale. Guddigu waxa ay ka dhegaysteen Mas’uuliyiinta kala duwan warbixin ku saabsan Xaaladda Guud ee Gobolka sida Amniga, Abaarta, Shaqooyinka socda iyo Caqabadaha. Sidoo Kale Guddiga iyo Maamulka Gobolku waxa ay si wada jira ah u kormeereen Xarumaha Dawladda ee kala ah Gobolka, Degmada, Saldhiga Booliska iyo Xarumaha kale ee Adeega Bulshada, iyagoo ka xog wareystay Saraakiisha Xarumahaasi Shaqooyinka socda & waxyaabaha qabsoomay. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddiga Arrimaha Deegaanka, Guddiga Siyaasadda iyo Guddiga Arrimaha Golaha ayaa gaaray Degmada Badhan ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Maaliyadda, Guddiga Amniga iyo Guddiga Howlaha Guud ayaa gaaray Gaalkacyo ( SAWIRO)

Gaalkacyo: 12,October, 2022: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka, Guddiga Amniga & Nabadgalyada iyo Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ayaa maanta u kuurgalay Xaalada guud Magaalada Gaalkacyo, Gobolka Mudug. Guddiyada ayaa ugu horeyn kormeer ku sameeyey Xarumaha Dawladda Gaalkacyo sida Xarunta Gobolka, Taliska Qaybta Booliska iyo Xarunta Wasaaradda Howlaha guud, iyagoo Xog wareystay Xaalada Gobolka sida Amniga, Abaaraha, Shaqooyinka socda, Horumarka Magaalada iyo Caqabadaha jira. Sidoo kale, Guddiyada ayaa kormeer shaqo ku sameeyey Xarumaha adeega Bulshada sida Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug, Airport-ka Cabdullaahi Yuusuf iyo goobo kale, iyagoo Saraakiisha Xarumahaasi ka dhageystay hab sami u-socodka shaqada, habka dakhliga loo uruuriyo iyo caqabadaha jira. Kormeerada ayaa kamid ah shaqooyinka Dastuuriga ee Golaha Wakiillada, sida uu qabo Dastuurka DPL iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddiga Maaliyadda, Guddiga Amniga iyo Guddiga Howlaha Guud ayaa gaaray Gaalkacyo ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Arrimaha Deegaanka, Guddiga Siyaasadda iyo Guddiga Arrimaha Golaha ayaa booqday Maxjarka Boosaaso ( SAWIRO)

Boosaaso: 11,October,2022: Guddiga Arrimaha Deegaanka & khayraadka Dabiiciga ah, Guddiga Siyaasadda, Qorshaynta Iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo Guddiga Arrimaha Golaha oo maalmahan safar shaqo ku Joogay Xarunta Gobolka Bari ee Boosaaso ayaa Kulan la qaatay Agaasimaha Maxjarrada Puntland oo ay weheliyaan qaar kamid ah dhakhaatiirta ka howlgala Maxjarrada iyo Xubno kale. Kulanka ayaa Guddigu waxay uga dhegaysteen Agaasimaha Maxjarrada, Dhakhaatiirta iyo Masuuliyiinta kaleba Warbixin la xiriirta Xaaladda Guud ee Maxjarrada, Dhoofka Xoolaha iyo caqabadaha jira. Sidoo kale Guddigu waxa ay Kormeer ku tageen Maxjarka Al-Waddani iyagoo u kuur galay habsami usocodka shaqada Maxjarka iyo xaaladda Xoolaha kala duwan ee ku jira. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddiga Arrimaha Deegaanka, Guddiga Siyaasadda iyo Guddiga Arrimaha Golaha ayaa booqday Maxjarka Boosaaso ( SAWIRO) Read More »

Scroll to Top