Golaha Wakiillada

Wararka

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha wakiillada puntland

Muqdisho, 25 February 2026 : Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Mohamed Mahamud Esse iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Ayaa caawa ka qayb galay kulan is-xogwareysi iyo wadatashi ah oo uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, la qaatay labada heer Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Goleyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku metela Puntland

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha wakiillada puntland Read More »

Fadhiga 6-aad ee Guddiga joogta ah.

Garoowe, Feb 23, 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta waxaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Puntland, iyadoo warbixinno laga dhegeystey madax guddiyeedyada kala duwan. Warbixintaas oo la xiriirtey Amniga, siyaasadda, deegaanka, maamul daadejinta, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo xaaladda abaaraha Puntland. Guddiga Joogtada ah ayaa kulanka lagu falanqeeyey doorka Golaha Wakiilada ee u qareemidda iyo kor-joogtaynta Xaalada abaarta ka jirta deegaannada Puntland, iyo dedaaladda lagu gaarsiinayo Gurmad deg-deg ah bulshada ay abaartu saamaysay. Intii kulan uu socdey, xildhibaanno saffaro ku tagey gobollada Mudug iyo Raascasayr ayaa iyaguna soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda abaarta, Amniga, kaabayaasha dhaqalaaha, iyo baahiyaha ka jira deegaannada ay booqdeen, Sidoo kale, waxay ka warbixiyeen booqashooyin ay ku tageen xarumaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo xarumaha aqoomaha. Xildhibaannada ayaa soo jeediyey in xogta laga soo ururiyey deegaannadaas lala wadaago hay’adaha ay khusayso, si loo dar-dargeliyo ka jawaabista baahiyaha laga so ururiyey deegaannadaas. DHAMMAAD

Fadhiga 6-aad ee Guddiga joogta ah. Read More »

Guddiga Gaarka ah ee uu Golaha Wakiilladu u xilsaaray soo ururinta iyo diiwaangelinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa maanta sii waday hawlahooda shaqo.

Garowe, 16 Febraayo 2026 – Guddiga Gaarka ah ee uu Golaha Wakiilladu u xilsaaray soo ururinta iyo diiwaangelinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa maanta sii waday hawlahooda shaqo. Guddigu waxa uu kulan wadatashi ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, kaas oo diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa xog dhammeystiran oo ka tarjumaysa xaaladda dhabta ah ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha wasaaradda ee wax ka qabashada baahiyahooda. Xubnaha guddiga ayaa carrabka ku adkeeyay in helitaanka xog sax ah oo la isku halayn karo ay tahay tiir-dhexaadka diyaarinta talooyin iyo go’aanno wax ku ool ah oo mustaqbalka loo horgeyn doono Golaha Wakiillada, si loo horumariyo adeegyada loo fidiyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba. DHAMMAAD

Guddiga Gaarka ah ee uu Golaha Wakiilladu u xilsaaray soo ururinta iyo diiwaangelinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa maanta sii waday hawlahooda shaqo. Read More »

Guddoomiha ku-xigeenka 2-aad ayaa ka qayb galay kulanka golaha mustaqbalka iyo xildhibaanada Golaha federaalka Soomaliya

Muqdisho, 11 February 2026: Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Mohamed Mahamud Esse iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha ayaa caawa magaalada Muqdisho kaga qeybgalay kulan ay wada yeesheen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. DHAMMAAD

Guddoomiha ku-xigeenka 2-aad ayaa ka qayb galay kulanka golaha mustaqbalka iyo xildhibaanada Golaha federaalka Soomaliya Read More »

Fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah oo ka qabsoomay magaalada Gaalkacayo

Gaalkacyo, Feb 9, 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esseayaa shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah oo ka qabsoomay magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug oo markiii ugu horaysay lagu qabtay Fadhiga maanta waxaa looga hadlay xaaladda Guud ee Puntland, arrimaha abaaraha, dhaqaalaha, Amniga iyo arrimaha bulshada. Intaas sidoo kale waxaa warbixin looga dhegaystey Guddiyada Golaha Wakiillada ee kormeerka ku tagey xarumahaa hay’adaha dawladda, kuwaasoo kulan la qaatay mas’uuliyiinta degmada Gaalkacayo, maamulka Bangiga Gaalkacayo, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Caafimaadka, xarunta dadka baahiyaha gaarka qaba, iyo dugsiyada lagu xanaaneeyo agoomaha. Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd u kuurgelidda habsami u socodka shaqo ee hay’adaha dawladda, ururinta xogta la xiriirta dadka baahiyaha gaarka ah qaba, cabaqabadaha jira iyo qiimeynta qorsheyaasha ay hay’aduhu wadaan si loo dar-dargeliyo adeegyada ay bulshada u hayaan ee haya’da dowladdu ka fuliyaaan Gobolka Mudug. Dhinaca kale, guddigu waxay isla qaateen dar-dargelinta shaqooyinka guddiyadu ay gacanta ku hayaan ee loo xilsaaray, warbixintooda ay soo gudbiyaan fadhiga soo socda. Guddiga Joogtada ah waxay guddiga gaar ah u magaabeen la socodka nabaddeynta iyo dib u heshiisiinta beelaha Gobolka Mudug, si xal waara loogu helo colaadaha soo noq-noqday. Ugu dambayntii, Guddiga Joogtada ah waxay uga mahadcelinayaan dhammaan bulshadda Rer Galdogob oo martigeliyey kumanaan muwaadiniin Soomaliyeed oo ka kala yimid daafaha caalamaka, kuwaasoo ka soo qaybgalay munaasabadii Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali, Ugaaska Guud ee Beelaha Tanade Daarood. Sidoo kale, Guddigu waxay booqaadinayaan ammaanka, ilbaxnimada iyo kartida ay muujiyeen bulshada martigelisay, gaar ahaa sida hufan ee ay u qabsoontay munaasabadda Caano-shubka iyo martigelinta wufuudii kala duwanaa ee ka soo qeybgalay DHAMMAAD

Fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah oo ka qabsoomay magaalada Gaalkacayo Read More »

Guddoomiyaha golaha wakiillada iyo qaybka mid ah xildhibanada oo safar shaqo ku jooga Gaalkacayo

Gaalkacyo, 09 Febraayo 2026, Xubno ka mid ah Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo qeyb ka ah wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ee safarka shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo, ayaa kormeer ku tagay Xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo, Laanta Bangiga Dhexe ee Gobolka Mudug, iyo Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug. Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd u kuurgelidda iyo qiimeynta waxqabadka hay’adaha dowladda ee gobolka. Intii uu kormeerku socday, xildhibaanadu waxay indha-indheeyeen habsami u socodka shaqada, iyagoo warbixino ka dhageystay mas’uuliyiinta xarumaha. Sidoo kale, waxay u soo jeediyeen tallooyin wax-ku-ool ah oo lagu horumarin karo shaqada laguna xallin karo caqabadaha jira. DHAMMAAD

Guddoomiyaha golaha wakiillada iyo qaybka mid ah xildhibanada oo safar shaqo ku jooga Gaalkacayo Read More »

Gudiga uruurinta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa ugudbiyay Wasaaradda Caafimaadka Puntland xaalada ay ku suganyihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Galkacyo, 7 Febraayo 2026 – Guddiga Gaarka ah ee uu Golaha Wakiillada Puntland u xil-saaray soo ururinta iyo diiwaangelinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa maanta booqasho iyo kulan shaqo ku yeeshay Wasaaradda Caafimaadka, si ay u soo gudbiyaan xaaladda hadda ay ku sugan yihiin iyo horumarka hawlaha diiwaangelinta. Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb-galay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Mudug, Madaxa Hooyada iyo Dhallaanka, Agaasimayaasha Cisbitaalka Guud ee Galkacyo, Isuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Mudug, Isuduwaha Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Mudug. Guddiga ayaa warbixin ku soo bandhigay heerka ay marayaan hawlaha diiwaangelinta dadka baahiyaha gaarka ah qaba, caqabadaha jira, iyo baahiyaha taageero ee loogu baahan yahay si hawshu u socoto si hufan. Waxaa sidoo kale kulanka lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta hay’adaha dowladda, sidii loo xaqiijin lahaa in adeegyada caafimaadka iyo kuwa bulshada ay si siman ugu gaaraan dadka u nugul xaaladaha gaarka ah DHAMMAAD

Gudiga uruurinta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa ugudbiyay Wasaaradda Caafimaadka Puntland xaalada ay ku suganyihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Read More »

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland,iyo wafti uu hogaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Degmada Galdogob.

Galdogob, 07 Febraayo 2026: Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, iyo wafti uu hogaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Degmada Galdogob. Guddoomiyaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo ka kooban xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland ayaa degmada u yimid ka qeybgalka xafladda caleemo-saarka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed, taas oo la filayo inay maalinta berri ah si rasmi ah uga dhacdo Magaalada Galdogob. Caleemo-saarka Ugaaska ayaa ah munaasabad dhaqameed muhiim ah oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dawladda, isimada dhaqanka, waxgaradka iyo marti sharaf ka kala imanaya deegaanno kala duwan oo ka tirsan Puntland iyo guud ahaan Degaanada Soomaalida. Inta uu Guddoomiyuhu ku sugan yahay Galdogob, waxaa uu qorsheynayaa inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin maamulka degmada, dhalinyarada, haweenka, ganacsatada iyo odayaasha dhaqanka. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda guud ee bulshada, baahiyaha ka jira degmada, iyo heerka adeeg-bixinta hay’adaha dowladda, si Guddoomiyuhu uu si dhow ugu kuurgalo duruufaha nololeed ee bulshada iyo caqabadaha jira. Booqashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland ee Degmada Galdogob ayaa ah mid xoojinaysa xiriirka u dhexeeya Golaha Golaha Wakiillada iyo bulshada, isla markaana muujinaysa doorka Golaha Wakiillada ee la-socodka xaaladda guud ee dalka iyo taageeridda nabadda, dhaqanka iyo horumarka bulshada.

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland,iyo wafti uu hogaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Degmada Galdogob. Read More »

Guddiga gaarka ah ee golaha wakiillada oo kormeer ku sameeyay Xarumaha,Naafada,Agoomaha iyo dhimirka ee Magaalada Gaalkacayo

Galkacyo, 7 Febraayo 2026 – Guddiga Gaarka ah ee uu Golaha Wakiilladu u xilsaaray soo ururinta iyo diiwaangelinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa safar shaqo ku tegey Magaalada Galkacyo, xarunta Gobolka Mudug. Guddiga ayaa maanta kormeer shaqo ku sameeyey Xarunta Naafada, Xarunta Agoomaha, iyo Xarunta Dhimirka Haweenka ee magaalada Galkacyo. Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa xog dhammeystiran oo ka tarjumaysa xaaladda dhabta ah ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba, caqabadaha jira, iyo adeegyada kala duwan ee xarumahan ay u fidiyaan bulshada baahiyaha gaarka ah qaba. Xubnaha Guddiga ayaa carrabka ku adkeeyey in helitaanka xog sax ah oo la isku halayn karo ay tahay tiir-dhexaadka diyaarinidda talooyin iyo go’aanno wax ku ool ah oo mustaqbalka loo gudbin doono Golaha Wakiillada, si loo horumariyo loona xoojiyo adeegyada loo fidiyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba. DHAMMAAD

Guddiga gaarka ah ee golaha wakiillada oo kormeer ku sameeyay Xarumaha,Naafada,Agoomaha iyo dhimirka ee Magaalada Gaalkacayo Read More »

Fadhiga 4-aad ee Guddiga Joogtada ah

Garoowe, Feb 2, 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Puntland, waxaana warbixinno laga dhegeystay Madax-Guddiyeedyada guddiyada Golaha, taasoo ku saabsanayd arrimaha Amniga, siyaasadda, xaaladda abaaraha ee ka jirta deegaannada Puntland iyo isku dayga sharcidarra ah ee wax-ka-baddelka Dastuurka Ku meel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa warbixin looga dhegeystey guddiyo gaar ah ee Guddiga Joogtada ah u xilsaaray shaqooyinka kala duwan. Warbixinnada guddiyadda kadib, Guddiga Joogtada ah waxay isla qaateen Qodobadan soo socda: 1. In guddiyada gaarka ah ee golahu u xilsaaray shaqooyinka kala duwan ay warbixinnadooda oo dhammaystiran ku soo gudbiyaan fadhiga dambe. 2. In warqad talo-soo-jeedin ah lala wadaago Xukuumadda Puntland, taasoo taabanaysa Amniga gudaha Puntland,Tayeynta hay’adaha dawladda, Arrimaha Garsoorka iyo Caddaaladda, Gurmadka abaaraha, Hannaanka xisbiyada badan, Iyo arrimaha Federaalka Soomaaliya 3. Guddigu wuxuu isla qaatay in Golaha Wakiilladu door muuqda ka qaato gurmadka abaaraha, iyadoo guddiga gaarka ah ee arrimaha abaaruhu si joogto ah ula soconayo xaaladda abaaraha, abaabulka gurmadka, iyo ka jawaabista saamaynta ay abaaruhu ku yeesheen bulshada. 4. Guddiga joogtada ah wuxuu cambaaraynaya isku day kasta oo wax-ka-beddelka sharci-darradda ah lagu sameeyo ee Dastuurka KMG ah, kaasoo aan marna loo marin hannaanka sharci dejineedkii uu Dastuurku sheegayo, islamarkaana aan laga qayb gelin shacabka iyo golayaasha dowladda Puntland, sida ku cad Qodobada 132 iyo 137 ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya. 5. Annagoo wakiil ka ah shacabka Puntland waxaan caddaynaynaa in natiijo kasta oo ka soo baxda wax-ka-beddel lagu sameeyo Dastuurka KMG ee 2012, iyadoo aan Hay’adaha Puntland si buuxda uga qayb-qaadan si waafaqan Qodobka 4-aad ee Dastuurka Puntland, ay tahay mid waxba kama jiraan ah laguna dhaqikarin Puntland, islamarkaana aan yeelanayn samayn sharciyeed. 6. Waxaan bogaadinaynaa xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ah ee ka horyimid isku dayga wax-ka-beddelka sharci-darrada ah ee Dastuurka KMG ah, kuwaasoo la kulmay caadaadis Amni iyo ka hor-istaag shaqadoodii Dastuuriga ahayd, taasoo muujinaysa khatarta ay ku jiraan hay’adihii Dawladda Federalka Soomaliyeed 7. Ugu dambayn, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan midnimada, wadajirka, iyo badbaadinta dalka, gaar ahaan ilaalinta Dastuurka heshiiska lagu yahay ee la ansixiyay sannadkii 2012. DHAMMAAD

Fadhiga 4-aad ee Guddiga Joogtada ah Read More »

Scroll to Top