Guddiga Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dimuqraadiyadda ee Golaha wakiillada ayaa kulan la tashi ah oo ku saabsan wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Dowladaha Hoose kala yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Duqa Caasimadda, ku-xigeenkiisa iyo hawl-wadeenno ka tirsan Dowladda Hoose ee Garoowe.
Garoowe, 2 Luulyo 2026 – 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚, 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta kulan la-tashi ah oo ku saabsan wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Dowladaha Hoose la yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Duqa Caasimadda Garoowe, ku-xigeenkiisa iyo hawl-wadeenno ka tirsan Dowladda Hoose ee Garoowe. Kulanka, oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda, Mudane Xildhibaan Cabdirisaaq Jaamac Aadan, ayaa ujeeddadiisu ahayd in la helo talooyin iyo aragtiyo ku saabsan geeddi-socodka wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Dowladaha Hoose. Xeerkan oo maraya akhriskiisa labaad, si waafaqsan Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Intii uu kulanku socday, guddigu waxa uu mas’uuliyiinta weydiiyey su’aalo la xiriira qodobbada xeerka, si loo helo aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu tayeeyo xeerka, isla markaana loo fududeeyo hirgelintiisa iyo dhaqangelintiisa. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ururinta talooyinka iyo fikradaha la xiriira dib-u-eegista xeerka, si loo diyaariyo xeer waafaqsan baahiyaha maamulka iyo horumarinta nidaamka dowladaha hoose. Mas’uuliyiinta Dowladda Hoose ee Garoowe ayaa ka jawaabay su’aalihii la weydiiyey, iyagoo sidoo kale soo jeediyey talooyin iyo aragtiyo ku saabsan qodobbada wax laga weydiiyey, si xeerku u noqdo mid ka jawaabaya baahiyaha jira isla markaana fududeeya hannaanka maamulka dowladaha hoose. DHAMMAAD








