Golaha Wakiillada

Wararka

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa maanta qaabilay Danjiraha Dawladda Denmark ee Soomaaliya.

Garoowe, September 26, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta qaabilay Danjiraha Dawladda Denmark ee Soomaaliya Amb. Steen Sonne Andersen. Guddoomiye Cabdirisaaq iyo Danjire Andersen ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo sidii loo ballaarin lahaa taageerada ay Dowladda Denmark siiso Puntland, gaar ahaan dhinacyada Horumarinta, Dib-u-heshiisiinta, Xasillinta, Dowlad-wanaagga iyo arrimaha dimuqraadiyadda. Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa uga mahadceliyey Dowladda Denmark taageerada ay la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland, isaga oo dhankiisa adkeeyey Danjire Steen Sonne Andersen in ay ka go’an tahay xoojinta taageerada Soomaaliya gaar ahaan Puntland si loo xaqiijiyo nabad iyo horumar waara. Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Madaxa Horumaarinta ee Safaaradda Jens-Peter Kamanga. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa maanta qaabilay Danjiraha Dawladda Denmark ee Soomaaliya. Read More »

Kulanka Wefdiga Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo Dadweynaha Qardho.

Kulanka Wefdiga Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo Dadweynaha Qardho Qardho, 23 Sebtembar, 2024: Wefdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa caawa kulan ballaaran la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Qardho. Kulankan ayaa daba socday kormeerkii ay sameeyeen wefdigu labada maalmood ee la soo dhaafay, kaas oo ay ku indho-indheynayeen adeegyada iyo horumarka degmada. Shirweynaha caawa ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin horumarinta adeegyada bulshada, nabadgelyada, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya bulshada iyo hay’adaha Dawladda. Wefdiga Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sidoo kale ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in dadweynuhu kaalin mug leh ka qaataan horumarka guud ee Puntland. Kulanka waxaa ka qeyb galay madaxda heer gobol iyo heer degmo, oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, Duqa Degmada Qardho, iyo xubno kale oo muhiim ah. Dadweynaha ka qeyb galay kulanka ayaa muujiyey taageeradooda ku aaddan dadaallada Dawladdu ku doonayso in la horumariyo adeegyada aasaasiga ah ee degmada, iyagoo soo jeediyey talooyin muhiim ah oo ku saabsan dardargelinta mashaariicda horumarineed. Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada ayaa dhankiisa balanqaaday in waxyaabaha laga soo jeediyey iyo baahiyaha ay bulshada u soo bandhigeen laga qaadi doono tallaabooyin cadcad, islamarkaana laga shaqeyn doono sidii loo heli lahaa xalal waara oo lagu horumarinayo degmada iyo guud ahaan Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Kulanka Wefdiga Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo Dadweynaha Qardho. Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa maanta kormeer ku tagay Saldhiga Booliska Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan.

Dhahar September, 15, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa maanta kormeer ku tagay Saldhiga Booliska Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan. Guddoomiyaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda Saldhiga iyo baahiyaha ka jira ka dhagaystay Taliyaha qaybta Gobolka Haylaan iyo Saraakiisha ciidan, waxuuna ugu mahadceliyay shaqada ay u hayaan Bulshada ee sugidda Amniga iyo nabadgelyada. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa booqday Cusbitaalka weyn Degmada Dhahar, isagoo ay weheliyaan, Xildhibaano, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Wasiiro, Guddoonka Gobolkaaya iyo Degmada iyo mas’uuliyiin kale ayaa kulan la qaatay Saraakiisha caafimaadka ee cusbitaalka iyo mas’uuliyiinta wasaaradda ujooga Degmada iyagoo ka dhagaystay warbixino la xiriira baahiyaha ka jira gobolka iyo degmada ee dhanka caafimaadka, Guddoomiyaha ayaa ugu danbeyn booqday qeybaha kala duwan ee Cisbitaalku ka kooban yahay si uu ugu kuurgalo baahiyaha ka jira. – DHAMMAAD- Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa maanta kormeer ku tagay Saldhiga Booliska Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan. Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda iyo wefti ballaaran oo ka kooban Xildhibaanno, Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta gaaray magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaaan.

Dhahar, Sep 14,2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Dowladda Puntland Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said iyo wefti ballaaran oo ka kooban Xildhibaanno, Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta gaaray magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaaan. Weftiga Gudoomiyuhu Hoggaaminayay ayaa waxaa banaanka magaalada Dhahar kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Haylaan, kan degmada Dhahar, aqoon yahanka, saraakiisha ciidanka qalabka sida, cuqaasha, Ururka Haweenka, Dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Dhinaca kale, Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey dadweynaha sida diiran ee loogu soo dhaweyeey degmada Dhahar isaga iyo weftiga uu hoggaaminayo, wuxuuna la wadaagay ujeedada safarkooda oo ku aaddan u kuurgelidda Baahida deegaanka, caqabadaha jiro iyo qorsheyaasha Dawladda Puntland. Guddoomiyaha iyo weftigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Gobolka Haylaan waxay kulamo la qaadaan doonaan maamulka Gobolka, kan degmada, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si ay u helaan xog dhammaystiran oo ku saabsan shaqooyinka ka socda gobolka, baahiyaha jira iyo sidii wax looga qaban lahaa. =DHAMMAAD= Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda iyo wefti ballaaran oo ka kooban Xildhibaanno, Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta gaaray magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaaan. Read More »

Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ayaa shir Guddoomiyey kulan looga hadlay Xoojinta Amniga Gobolka Mudug.

Gaalkacyo, Agoosto 20, 2024: Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shir Guddoomiyey kulan looga hadlayey Xoojinta Amniga Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo. Shirka oo ka qabsoomay madaxtooyada Gaalkacyo ayaa waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Guddoomiyaha Gobolka, Duqa Gaalkacyo iyo Saraakiisha heer Gobol. Mas’uuliyiinta kala duwan ee Dawladda ayaa maalmihii Magaalada Gaalkacyo ka wada shaqooyin dib-u-eegis Howlaha Gobolka Mudug. DHAMMAAD

Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ayaa shir Guddoomiyey kulan looga hadlay Xoojinta Amniga Gobolka Mudug. Read More »

Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada.

Gaalkacyo: Agoosto 17, 2024: Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shir Guddoomiyey kulan ka qabsoomay madaxtooyada Gaalkacyo oo ay ka qayb galeen Xildhibaanno, Wasiiro, Badhasaabka Gobolka Mudug, Duqa Gaalkacyo iyo xubno kale. Kulanka ayaana looga hadlayey dar-dargelinta Amniga Gobolka Mudug iyo waxyaabahabaha ka qabsoomay intii Gobolka yimaadeen weftiga Madaxweynaha. DHAMMAAD

Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada. Read More »

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada iyo xildhibaano katirsan Golaha wakiillada ayaa kulan la yeeshay bulshada Gaalkacayo

Gaalkacyo, Agoosto 12, 2024: Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Hon Mohamed Mohamoud Isse oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, ayaa caawa kulan muhiim ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaaladda Gaalkacyo. Kulankan oo ahaa mid furan oo ujeedadiisu tahay in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya shacabka iyo Golaha Wakiillada, ayaa suurtageliyay in shacabka ay si toos ah u weydiiyaan Xildhibaannada iyo xubnaha Xukuumadda su’aalaha ay ka qabaan arrimaha muhiimka ah ee horyaalla bulshada, gaar ahaan kuwa la xiriira amniga, horumarinta adeegyada bulshada, iyo arrimaha kale ee muhiimka ah ee saameeya nolol maalmeedka dadka reer Gaalkacyo. Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay dareen wadajir ah oo ah in loo baahan yahay isku xirnaan dheeri ah si loo gaaro hadafyada wadajirka ah ee Dawladda iyo shacabka Puntland. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada iyo xildhibaano katirsan Golaha wakiillada ayaa kulan la yeeshay bulshada Gaalkacayo Read More »

Guddoonka Golaha Wakiillada oo kormoor shaqo ku tegey mudug.

Gaalkacyo, Agoost 12 2024: Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada oo ay hogaaminayan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baari Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Maxamed Maxamuud Ciise islamarkaana maalmihii lasoo dhaafay Kormeer iyo xog waran guud ku sameynayey xaalada Gobolka Mudug sida Amniga, adeegyada Dawladda iyo arrimaha bulshada ayaa maanta soo gaba-gabeeyey. Waxaana weftiga Golaha Wakiillada loo soo bandhigay warbixin ku saabsan horumarka, caqabadaha iyo cabashooyinka haysta dadweynaha Gobolka Mudug, iyadoo Xildhibaannadu ay balan qaadeen inay la wadaagi doonaan hay’addaha iyo cidkasta ay khusayso si wax looga qabto baahiyaha ka jira Gobolka Mudug. DHAMMAAD

Guddoonka Golaha Wakiillada oo kormoor shaqo ku tegey mudug. Read More »

Fadhiga 19-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Luuliyo 31, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 19-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta waxaa Golaha hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenada, Wasiiru-dowlaha iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda, iyadoo Wasiirku uu Golaha la wadaagay la xiriirta hindise-xeereedka Maamulka dakhliga Puntland, taas oo taabanaysa ujeeddooyinka xeerka, baahida keentay iyo saamaynta dhaaqaale ee Xeerka, kaas oo Goluhu ku samaynayey akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey Wasiirka Hindise-xeereedkan Golaha horyaal. Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa Goluhu ku wareejiyey Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka si ay ugu sameeyaan akhriska labaad, Golahana ay hor keenaan kalfadhiga soo socda ee 55-aad. Dhinaca kale, waxaa fadhiga maanta Golaha hor-yimi Guddoomiyaha Bankiga oo ay wehliyaan Guddoomiye-kuxigeenka iyo Agaasimaha guud ee Baanka dhexe, kuwaas oo Golaha la wadaagay warbixin la xiriirta Hindise-Xeereedka Bangiga Dawladda Puntland ee hay’daha Maaliyadda. Waxaana ay Golaha la wadaageen warbixin taabanaysa ujeeddooyinka hindise-xeereedka, geedi socodka uu soo maray, baahida keentay iyo saamaynta dhaaqaale ee ka dhalanaysa, kasoo Goluhu ku samaynayey akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey Madaxda Bankiga Hindise-xeereedkan, Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa Goluhu ku wareejiyey Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka. -DHAMMAAD-

Fadhiga 19-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Garoowe: Luuliyo 28, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo uu wehliyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-badelka Xeerka Warbaahinta Puntland. Xeerkan ayaa si faah-faahnsan uga hadlaya dejinta mabaadida lagu hayo warbaahinta, horumarinta warbaahinta gaarka ah ah iyo ta Dawladda, ku wacyigelinta bulshada ee ku dhaqanka diinta islaamka iyo xakameynta been abuurka baraha bulshada. iyadoo Goluhu qodob-qodob uga dooday, kadibna u ansixiyey wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerkan, Waxayna maanta Goluhu ka shaqeeyeen ilaa qodobka 40-aad, iyadoo inta ka harsana maalinka berri la sii amba qaadi doono. DHAMMAAD

Fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Read More »

Scroll to Top