Golaha Wakiillada

Wararka

Hanad Cali jamc Xikmaawi

Garoowe , 3-da june, 2025 Madaxa Waaxda Production ee Xafiiska Warfaafinta Baarlamaanka Puntland, Mudane Hanad Cali Jaamac Xikmaawi, ayaa maanta ka qeybgalay kulan heer sare ah oo diiradda lagu saarayey xoojinta horumarinta tiknoolajiyadda iyo hal-abuurka dijitaalka ah ee Puntland. Kulanka ayaa waxaa isugu yimid mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, khubaro ku xeel dheer tiknoolajiyadda, wakiillo ka socda shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo bahda horumarinta. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la isla eego istaraatiijiyado lagu horumarinayo kaabeyaasha dijitaalka ah ee Puntland, korna loogu qaadayo hal-abuurka iyo helitaanka adeegyadii tiknoolajiyadda casriga ah. Mudane Hanad Cali Jaamac Xikmaawi oo madasha ka hadlay ayaa xusay muhiimadda ay tiknoolajiyaddu u leedahay hagaajinta daahfurnaanta dowliga ah, kor u qaadista adeegyada bulshada, iyo kobcinta wacyiga dadweynaha. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo iskaashi buuxa oo dhex mara dowladda, bahda tiknoolajiyadda, iyo warbaahinta si loo hirgeliyo isbeddel dijitaal ah oo waxtar leh. “Mustaqbalka horumarka wuxuu ku xiran yahay hal-abuur iyo isku xirnaan dijitaal ah,” ayuu yiri Mudane Hanad. “Puntland waa in ay maalgelisaa aasaas adag oo dhanka dijitaalka ah si loo gaaro daahfurnaan, koboc dhaqaale, iyo ka-qaybgalka bulshada.” Kulanka ayaa lagu lafaguray arrimo muhiim ah sida: baahinta adeegga internet-ka, taageeridda dhalinyarada hal-abuurka leh ee tiknoolajiyadda, iyo sare u qaadista aqoonta dijitaalka ah ee bulshada. Ugu dambeyn, ka qeybgalayaasha ayaa isku raacay in la sii wado wada shaqeynta dhinacyada kala duwan si loo dhiso mustaqbal dijitaal ah oo xooggan oo Puntland ah.

Hanad Cali jamc Xikmaawi Read More »

Hanad xikmaawi

Garowe, August 12, 2025 The Head of the Production Department at the Office of Media and Communications of the Puntland Parliament, Mr. Hanad Ali Jama Hikmaawi, officially opened a training workshop today for 30 journalists representing both public and independent media outlets. The three-day training program focuses on enhancing journalistic skills in key areas such as parliamentary reporting, media ethics, and the use of modern digital tools in journalism. The initiative is part of the Puntland Parliament’s broader efforts to strengthen transparency, accountability, and public awareness of legislative affairs. In his opening remarks, Mr. Hanad Ali Jama Hikmaawi emphasized the importance of empowering media professionals, stating that journalists play a vital role in informing the public and supporting democratic governance. He also reiterated the Parliament’s commitment to building strong partnerships with the media to ensure accurate and responsible reporting. Participants expressed their gratitude to the Office of Media and Communications for the opportunity and pledged to apply the knowledge and skills gained during the training to improve the quality and integrity of their journalistic work.

Hanad xikmaawi Read More »

Profile: Ibrahim Mahmoud Yusuf – Director of Media and Public Awareness, Puntland House of Representatives

Ibrahim Mahmoud Yusuf is one of the prominent figures in Somali media and currently serves as the Director of Media and Public Awareness at the Puntland House of Representatives. He is a seasoned journalist with nearly 15 years of experience in the field, having played a vital role in media development and public awareness across Somalia. Media ExperienceIbrahim began his journalism career in late 2011, working with various radio stations, television networks, and media organizations. He has specialized in news reporting, editing, and designing public awareness programs. Over the years, he has closely collaborated with government institutions, civil society organizations, and media stakeholders both locally and internationally. Governmental ExperienceIbrahim has held several important positions within government institutions, gaining extensive experience in public service: EducationIbrahim holds a Master’s Degree in Public Administration from Lincoln College University in Malaysia. His academic background has greatly contributed to his effective leadership and communication in both governmental and media sectors. ConclusionIbrahim Mahmoud Yusuf is a committed, knowledgeable, and experienced professional who has made a significant impact in strengthening democratic governance and media development in Puntland. His continued efforts to improve transparency and civic engagement through media make him a valuable asset to the Puntland Parliament and the wider Somali community.

Profile: Ibrahim Mahmoud Yusuf – Director of Media and Public Awareness, Puntland House of Representatives Read More »

Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Qardho, 24-ka Maajo 2025 — Xildhibaan Cabdiqaadir Xasan Siciid(Daadir), Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Qardho Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland ee sanad-dugsiyeedka 2024–2025. Furitaanka imtixaanka waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada, maamulka degmada Qardho, macallimiin iyo kormeerayaal. Xildhibaanku wuxuu ardayda ku dhiirrigeliyay inay muujiyaan dadaal, adkaysi iyo kalsooni, isagoo u rajeeyay guul iyo horumar. Imtixaankan ayaa waxa uu si isku mid ah uga socdaa guud ahaan Puntland, waxaana ardayda u fadhiisanaysa ay ka kala socdaan dugsiyada dhexe iyo sare. DHAMMAAD – Wixii faah-faahin ah kala xiriir: Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Read More »

Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee safarka shaqo ku tegey Gobolka Mudug.

Gaalkacyo, 24-ka Maajo 2025 — Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee safarka shaqo ku tegey Gobolka Mudug ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Gaalkacyo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland ee sanad-dugsiyeedka 2024–2025. Guddigu wuxuu si toos ah ugu qeybiyey ardayda imtixaanka u fariisaneysa qalabka imtixaanka, isagoo dhiirrigelin u muujiyey dadaalkooda. Munaasabadda furitaanka imtixaanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Gobolka Mudug, mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Deegaanka Gaalkacyo, saraakiil ka socotay Wasaaradda Waxbarashada, macallimiin iyo kormeerayaal. Ardayda imtixaanka u bilowday waxay ka kala socdaan dugsiyada dhexe iyo sare ee gobolka. Xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda ayaa ardayda kula hadlay goob fagaare ah, iyagoo u rajeeyey guul iyo fudayd imtixaanka, kuna dhiirrigeliyey inay muujiyaan dedaal iyo karti si ay u gaaraan natiijooyin wanaagsan. DHAMMAAD – Wixii faah-faahin ah kala xiriir: Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee safarka shaqo ku tegey Gobolka Mudug. Read More »

Fadhiga 7-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Garoowe, Maajo 12, 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta waxaa warbixinta looga dhegeystey madax guddiyeedyada Golaha Wakiilada, tasoo ku aaddan xaaladda Guud ee Puntland sida Amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadda. Dhinaca kale, fadhiga maanta waxaa looga doodey xal u helidda biyo saarista magaalada Gaalkacayo, iyadoo la isla qaatay in looyeero hay’adaha ku shaqada leh si wax looga weydiiyo caqabadaha hortaagan biyo saarista magaalada Gaalkacayo arrintaasoo cabashadeedu ku soo noq noqotay Golaha Wakiillada DPL. Intaas kadib, waxaa warbixin hordhac ah looga dhegeystey guddi gaar ah oo fadhigii hore guddiga joogtada ahi u xilsaaray kormeerka Xabsiyada iyo la socda xaaladda maxaabiista, kuwaasoo kormeer ku tagey Xabsiga dhexe ee Gobolka Nugaal. Ugu dambayn fadhiga maanta waxaa dood iyo falanqeyn guddigu ka yeeshay u diyaargarowga kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada iyo abaabulka kulamo bulsho oo kor loogu qaado ka qaybgalka bulshada hawlaha Baarlamaanka iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya dadweynaha Puntland iyo Golaha Wakiiillada. DHAMMAAD –

Fadhiga 7-aad ee Guddiga Joogtada ah. Read More »

Wefti ballaaran oo ka kooban goleyaasha dowladda ayaa safar shaqo ku tegey degmada Isku-shuban ee gobolka Bari.

Isku-shuban – 11ka Maajo 2025: Wefti ballaaran oo ka kooban goleyaasha dowladda ayaa safar shaqo ku tegey degmada Isku-shuban ee gobolka Bari. Waftigan oo qeyb ka ahaayeen Xildhibaannada oo kala ahaa; Bashiir Mire Axmed, Maxamed Salaad Cabdi Iyo Cabdikhaaliq Maxamed Maxamuud ayaa jeedka safarkoodu daarranaa kormeer iyo xog-ururin ku saabsan xaaladda guud ee degmada, gaar ahaan arrimaha amniga, adeegyada bulshada, iyo horumarka ka socda deegaanka. Weftiga ayaa kulammo la qaatay maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo dhegeystay talooyin iyo cabashooyin la xiriira baahiyaha deegaanka. Sidoo kale, weftigu waxa ay booqdeen mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey degmada, kuwaas oo ay fuliyeen Wasaaradaha Caafimaadka iyo Beeraha Dowladda Puntland. Xildhibaannada ka soo jeeda deegaanka ayaa door mug leh ka qaatay hirgelinta iyo kormeerka mashruucyadan, iyagoo ku dadaalayay in la xaqiijiyo in adeegyadaas si hufan uga faa’iideystaan shacabka degmada. DHAMMAAD –

Wefti ballaaran oo ka kooban goleyaasha dowladda ayaa safar shaqo ku tegey degmada Isku-shuban ee gobolka Bari. Read More »

Guddiyada Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimoqraadiyada iyo Maaliyadda, Dhaqaalaha, & Xisaabaadka Golaha Wakiillada.

Garowe – 10-ka Maajo 2025 – Guddiyada Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimoqraadiyada iyo Maaliyadda, Dhaqaalaha, & Xisaabaadka Golaha Wakiillada ayaa kulan Muhiim ah la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda. Guddiyadan oo ka duulaya Waajibaadyada shaqo ee ay u xilsaaran yihiin ayaa soo qaban-qaabiyey kulanka oo ujeedadiisu ahayd dabagalka Xeer Lr. 04 ee 14/08/2012, kuna saabsan Sharciga Mideynta Canshuuraha D/hoose kaas oo cabasho ka timi dadweynaha ka dib Golaha Wakiilladu go’aamiyey in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo. Ugu horeyn, waxaa Wasaaradaha sare ku xusan laga dhagaystay warbixino la xiriira dhaqangalka iyo caqabadaha ka jira Xeerka Mideynta Cashuuraha Dawladaha hoose, waxayna guddiyadu wax ka waydiiyeen cabashooyin ka yimi dadweynaha oo la xiriira noocyada iyo qiimaha cashuuraha dawladaha hoose qaadaan. Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa la isla qaatay in Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Maaliyaddu ay guddi farsamo u saaraan wax ka bedelka iyo kaabista Xeer Lr. 04 ee 14/08/2012, kuna saabsan Sharciga Mideynta Canshuuraha D/hoose ee Puntland iyadoo la fulinayo go’aanka Golaha Wakiillada isla markaasna laga jawaabayo cabashooyinka ka iminaya dadweynaha, lana horkeeno Golaha Wakiillada ka hor Kalfadhiga Oktoobar, 2025. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Golaha Wakiillada ee ku aaddan la xisaabtanka iyo korjoogteynta hay’adaha fulinta, si loo xaqiijiyo in adeegyada dowladda ay gaaraan shacabka Puntland si waafaqsan sharciga dalka. DHAMMAAD –

Guddiyada Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimoqraadiyada iyo Maaliyadda, Dhaqaalaha, & Xisaabaadka Golaha Wakiillada. Read More »

Agaasimaha Warbaahinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf, ayaa kulan la qaatay warbaahinta Madaxa banaan ee Puntland

08 May 2025 – Garoowe, Puntland – Agaasimaha Warbaahinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf, ayaa kulan muhiim ah la qaatay warbaahinta kala duwan ee ka hawlgasha magaalada Garoowe. Kulankan ayaa lagu xoojiyay wada-shaqeynta iyo isfahamka ka dhexeeya Golaha Wakiillada iyo saxaafadda, iyadoo la isla eegay doorka warbaahintu ku leedahay wacyigelinta bulshada iyo gudbinta xogta saxda ah. Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf ayaa warbaahinta uga mahadceliyay shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada, isagoo ku booriyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan gudbinta warar sugan oo dheellitiran. Agaasimaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhowro anshaxa saxaafadda iyo mas’uuliyadda ka saaran warbaahinta horumarinta nabadda iyo xasilloonida. Warbaahinta ka qeybgalaysa kulanka ayaa soo dhoweeyay fursadda ay u heleen in si toos ah ula wadaagaan Agaasimaha, Ibraahim Maxamuud Yuusuf, aragtiyadooda iyo talooyinkooda ku saabsan horumarinta xiriirka Golaha Wakiillada iyo warbaahinta. Ugu dambeyn, Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf ayaa ku adkeeyay in kulamada noocan oo kale ah la joogteeyo, si loo xoojiyo wada-shaqeynta Golaha Wakiillada Puntland iyo warbaahinta ka hawlgasha magaalada Garoowe, loona hubiyo in bulshada ay helaan warar hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Agaasimaha Warbaahinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf, ayaa kulan la qaatay warbaahinta Madaxa banaan ee Puntland Read More »

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada ayaa daah furay shirka bahda caddaaladda puntland.

Boosaaso, Abriil 28, 2025 –Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Maxamed Baarri Shire, ayaa si rasmi ah u daah furay shir ballaaran oo lagu mideynayay Bahda Caddaaladda Puntland iyo hay’adaha kala duwan ee Dawladda iyo kuwa aan dawliga ahayn ee ka howlgala gobolka. Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa ka soo qayb galay hay’adaha garsoorka, amniga iyo caddaaladda Puntland, oo ay ka mid yihiin maxkamadaha, Maxkamadda Ciidamada, Booliska, Asluubta, culimada, garsoorka dhaqameed, iyo madaxda maamulka gobolka Bari iyo degmada Boosaaso. Ujeeddada shirka ayaa ahayd in kor loo qaado iskaashiga hay’adaha caddaaladda, la dardargeliyo adeegyada garsoorka ee degmooyinka gobolka, lana xoojiyo kalsoonida iyo wadashaqeynta ka dhaxaysa dowladda Puntland iyo bulshada rayidka ah. Mudane Guddoomiye Maxamed Baarri Shire ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay kobcinta adeegyada caddaaladda, isla markaana uu wax weyn ka tarayo adkeynta nidaamka garsoorka. Wuxuu carabka ku adkeeyay in Puntland ka go’an tahay in la helo nidaam caddaaladeed oo hufan oo ku dhisan cadaalad iyo daahfurnaan. – DHAMMAAD

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada ayaa daah furay shirka bahda caddaaladda puntland. Read More »

Scroll to Top