Golaha Wakiillada

Wararka

XUBNO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILLADA OO MAANTA U KUURGALAY XAALADA GUUD EE DHAHAR.

Dhahar, May 26, 2024: Xildhibaannada oo uu hogaamianyey Xasan Ducaale Dhagaxtuur ayaa kormeer ku tagay degmada Dhahar ee Xarunta Gobolka Haylaan, iyagoo ugu horeyn kormeeray imtixaanka shahaadiga ee Dawladda Puntland, kaas oo u socda ee Ardayda. Xildhibaannada ayaa sidoo kale booqday Xafiisyada kala duwan ee dawladda sida xarunta degmada, Taliska Qeybta Booliiska, Cisbitaalka guud ee magaalada iyo Xarunta Maxkamadda degmada. Waxay Guddiyadu warbixino ballaaran oo dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaysteen dhammaan masโ€™uuliyiinta kala duwan iyo isu duweyaasha Gobolka, iyagoo uga warbixiyey xaladda degmada iyo guud ahaanba Gobolka, hawlaha qabsoomay iyo caqabadaha, iyagoo mudanayaasha uga mahadceliyey kormeerka ay ku yimadeen gobolka si ay ugu kuurgalaan baahiyaha jira. Dhinaca kale, Xildhibaannada ayaa kulan la qaatay Guddiga ilaalinta Deegaanka ee Gobolka Haylaan, kuwaas oo ka warbixiyey waxqabadkooda iyo caqabadaha haysta. Ugu dambeyntii Guddiyada ayaa ballanqaaday in ay warbixinta la wadaagi doonaaan cid kasta oo ay khuseyso, si looga jawaabo baahiyaha jira. -DHAMMAAD.

XUBNO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILLADA OO MAANTA U KUURGALAY XAALADA GUUD EE DHAHAR. Read More ยป

Guddiyadda Golaha Wakiillada oo maanta safar shaqo ugu baxay qaybo kamid ah Gobolka Nugaal iyo Mudug.

Burtinle May 25, 2024: Xubno ka socda Guddiyadda Golaha Wakiillada oo maanta safar shaqo ugu baxay qaybo kamid ah Gobolka Nugaal iyo Mudug ayaa saaka shaqadooda ka bilaabay Degmada Burtinle, waxayna kulan la qaateen duqa degmada, iyagoo ka xogwaraysteen xaalada guud ee degmada oo ay ugu horeyeeyaan Amniga, Caafimaadka, Waxbarshada, Biyaha, Korontada iyo waliba Beeraha iyo Xaalufka deegaanka. intaas kadib, mas’uuliyiinta ayaa si wadajir ah u kormeeray Cusbitaalka guud ee Degmada, Saldhiga Booliiska, xafiiska wasaaradda Maaliyadda ee degmada, waxayna dhammaan xarumahaas markii ay tageen guddigu warbixino khuseeya ay ka dhegaysteen xubnihii ku sugnaa ee shaqada gacanta ku haya. intaas kadib Guddiga oo safarkooda shaqo ku guda jira sii ayaa gaaray Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug, waxayna halkaas kula kulmeen Duqa Degmada, iyagoona warbixin ka dhegaystay duqa iyo qaar kamid ah maamulayaasha Wasaaradaha qaarkood ee heer degmo. Markii uu soo idlaaday Kormeerka shaqo ee degmada xarfo guddiga waxaa qado-sharaf ugu sameeyey hoyga uu ka degan yahay Degmada Xarfo Suldaan Maxamed Suldaan Hurre oo kamid ah Isimada dhaqanka Puntland. -DHAMMAAD-

Guddiyadda Golaha Wakiillada oo maanta safar shaqo ugu baxay qaybo kamid ah Gobolka Nugaal iyo Mudug. Read More ยป

Guddiyada Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta Kormeer shaqo ku tegay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Garoowe.

Garoowe: May 30, 2024: Xubno ka socda Guddiyada Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta Kormeer shaqo ku tegay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Garoowe. Waxaa Guddiga halkaas kusoo dhoweeyey Maamulka Cusbitaal iyagoona uga warbixiyey guddiga Shaqada guud ee cusbitaalka uu qabto, Mashaariicda dhisme ee ka socota iyo Caqabadaha jira. Intaas kadib guddiga iyo maamulka cusbitaalka ayaa si wada jir ah u kormeeray cusbitaalka qaybaha ay ka socdaan dhismayaasha cusub. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddiyada Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta Kormeer shaqo ku tegay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Garoowe. Read More ยป

Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Bulshada iyo Dhaqanka ee Golaha Wakiilladda DPL.

Garoowe, May 25, 2024: Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Bulshada iyo Dhaqanka ee Golaha Wakiilladda DPL Xildhibaan Cabdicasiis Axmed Saalax ayaa maanta ka qeyb-galay Munaasibadda Furitaanka Imtixaanka Shahaadiga ah oo uu si rasmi ah uga furmay Jamacada PSU Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdilaahi Deni iyadda oo sidoo kalena uu ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Fu’ad Abshir Adeer. Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Bulshada iyo Dhaqanka ee Golaha Wakiilladda DPL Xildhibaan Cabdicasiis Axmed Saalax ayaa Hambalyo iyo Boggaadin u diray Ardayda maanta u fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dawladda Puntland isaga oo Alle uga baryay inuu Imtixaanka u fududeeyo. Maanta ayaa guud ahaan Dawladda Puntland looga fariistay Imtixaanka Shahaadiga sanad-dugsiyeedka 2023 ~2024 kaas oo ay ka qeyb-galayaan in ka badan 21,801 kuwaasoo kamid ah ay yihiin dugsiga sare fasalka 12-aad ilaa fasalka 8-aad. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Bulshada iyo Dhaqanka ee Golaha Wakiilladda DPL. Read More ยป

Xildhibaanno ka socda guddiyada golaha wakiillada oo maanta u kuurgalay xaalada guud ee qardho.

Qardho May 25, 2024: Xildhibaannada oo maanta kormeer ku tagay degmada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ayaa ugu horeyn daah furay imtixaanka shahaadiga ee Dawladda Puntland, kaas oo ka qabsoomay Dugsiga sare ee Shiikh Cisman. Guddiyada ayaa booqday bartamaha magaalada, halkaas oo ay ka socoto baneynta dhulkii biyo mareenka ahaa, Xafiisyada kala duwan ee dawladda sida Maamulka Gobolka, xarunta degmada, Taliska Qeybta Booliiska Gobolka, Cisbitaalka guud ee magaalada, Xabsiga dhexe iyo Xarunta Wasaaradda Maaliyadda. Waxay Guddiyadu warbixino ballaaran oo dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaysteen dhammaan masโ€™uuliyiinta kala duwan, iyagoo Guddiyada uga warbixiyey xaladda degmada iyo guud ahaanba Gobolka, hawlaha qabsoomay iyo caqabadaha, iyagoo mudanayaasha uga mahadceliyey kormeerka ay ku yimadeen gobolka si ay ugu kuurgalaan baahiyaha jira. Intii ay ku guda-jireen booqashadooda, waxay sidoo kale Guddiyadu wareysteen maxaabiista ku xiran xabsiyada iyagoo ka dhagaystey warbixino la xiriira xaaladdooda nololeed, baahiyahooda iyo tabashooyinka ay qabaan. Ugu dambeyntii Guddiyada ayaa ballanqaaday in ay warbixinta la wadaagi doonaaan cid kasta oo ay khuseyso. -DHAMMAAD-

Xildhibaanno ka socda guddiyada golaha wakiillada oo maanta u kuurgalay xaalada guud ee qardho. Read More ยป

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL.

Garoowe: May 24,2024: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL ayaa caawa kulan xog wareysi la qaatay mas’uuliyiinta hay’addaha Maaliyadda Puntland. Guddoomiyaha Guddiga Xild. Xasan Yuusuf Majabe ayaa shir Guddoomiyey kulanka oo uu ka soo qayb-galay Wasiirka Maaliyadda Maxamed Faarax oo ay wehliyaan Mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda, Hantidhawra Guud, Guddoomiyaha & Agaasimaha Bankiga, Xoghayaha guud & saraakiil ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland. Shirka ayaa intii uu socday lagu falanqeeyey habka wada shaqeynta Guddiga, Hay’ada kale Maaliyadda iyo xafiiska Hantidhawrka Guud si looga mara dhaliyo waajibaadka Dastuuriga ah ee Hay’adu u xilsaaran yahayihiin, waxaana shirka lagu soo bandhigay soo jeedin la xiriirta sidii loo wada shaqeyn lahaa, si waafaqsan Dastuurka DPL DHAMMAAD.

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL. Read More ยป

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ayaa shir Guddoomiyey kulan gaar ah oo ka qabsoomay aqalka Wakiillada.

Garoowe: May 23, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baari Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shir Guddoomiyey kulan gaar ah oo ka qabsoomay aqalka Wakiillada. Shirka oo ay goob-joog ahaayeen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa lagu sagootinayey Guddiyo ka tirsan Baarlamaanka, kuwaas oo dhawaan u ambabixi doona Gobolada Puntland, si ay warbixin ku aadan xaaladda guud ee dalka uga soo diyaariyaan deegaanada Dawladda Puntland ee dhinacyada amniga, cadaaladda, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo xuquuqul insaanka. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha oo kulanka soo xiray ayaa la dardaarmay Xildhibaannada iyo howlwadeennada safarka shaqo ugu baxaya Gobolada Dalka. -DHAMMAAD

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ayaa shir Guddoomiyey kulan gaar ah oo ka qabsoomay aqalka Wakiillada. Read More ยป

Fadhiga 6-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Garoowe, May 14, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta waxaa Guddiga Joogtada ah hor yimi Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Arrimaha Diinta, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Qalabka-sida iyo Dembiyada culus, iyagoo Guddiga Joogtada la wadaagay warbixin ku saabsan arrimaha ๐‘ช๐’‚๐’…๐’‚๐’‚๐’๐’‚๐’…๐’…๐’‚, ๐‘ฎ๐’‚๐’“๐’”๐’๐’๐’“๐’Œ๐’‚, ๐‘ฟ๐’‚๐’ƒ๐’”๐’Š๐’š๐’‚๐’…๐’…๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘ด๐’‚๐’™๐’‚๐’‚๐’ƒ๐’Š๐’Š๐’”๐’•๐’‚. Ugu horeyn, masโ€™uuliyiinta Guddiga hor-yimi ayaa Guddiga Joogtada ah la wadaagay warbixinno la xiriira Waajibaadka Dastuuriga ah ee ay u xilsaaran yihiin, waxaan xubnaha Guddiga Joogtada ahi suโ€™aalo ka weydiiyeen arrimaha ๐‘ช๐’‚๐’…๐’‚๐’‚๐’๐’‚๐’…๐’…๐’‚, ๐‘ฎ๐’‚๐’“๐’”๐’๐’๐’“๐’Œ๐’‚, ๐‘ฟ๐’‚๐’ƒ๐’”๐’Š๐’š๐’‚๐’…๐’…๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘ด๐’‚๐’™๐’‚๐’‚๐’ƒ๐’Š๐’Š๐’”๐’•๐’‚ ๐‘ท๐’–๐’๐’•๐’๐’‚๐’๐’…, iyagoo ka duulaya kormeer iyo kor-jogteyn ay ku tageen qaar kamid ah ๐‘ด๐’‚๐’™๐’Œ๐’‚๐’Ž๐’‚๐’…๐’‚๐’‰๐’‚, ๐‘บ๐’‚๐’๐’…๐’‰๐’Š๐’ˆ๐’š๐’‚๐’…๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘ฟ๐’‚๐’ƒ๐’”๐’Š๐’š๐’‚๐’…๐’‚. Dood iyo falanqeyn dheer kadib, waxaa la isla qaatay in la xoojiyo wada shaqeynta hayโ€™adaha Caddaaladda, xaqiijinta helitaanka caddaalad loo dhan yahay, taas oo ku dhisan shareecadda islaamka, mabaadiida caalamiga ah, Dastuurka iyo Xeerarka kale ee dalka, tayeynta iyo kor-u-qaadista kartida iyo aqoonta masโ€™uuliyiinta iyo hawl-wadeenada hayโ€™adaha Caddaaladda iyo ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka maxaabiista ku xiran xabsiyada. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo fadhiga soo xiray ayaa masโ€™uuliyiinta kula dardaarmay hirgelinta qodobada fadhiga looga hadlay, isagoo balan-qaaday in ay si joogto ah kormeero iyo korjoogteyn ugu samayn doonaan Hayโ€™adaha Caddaaladda, kana jawaabidoonaan cabashooyinka ay la wadaageen guddiga, si loo xaqiiqjiyo helitaanka caddaalad loo dhan yahay oo ku dhisan sareynta sharciga. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga 6-aad ee Guddiga Joogtada ah. Read More ยป

Fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Garowe, May 13, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta waxaa Guddiga Joogtada ah hor yimi Wasiirada Wasaaradaha Amniga iyo DDR-ta, Arrimaha Gudaha Federaalka & Dimuqraadiyadda, Wasiiru dawlaha Wasaaradda Amniga, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Amniga, Taliyaha Ciidanka Booliska, Duqa Degmada Garoowe, Taliyaha Qeybta Gobolka Nugaal, Taliyaha Baarista Denbiyada Gobolka Nugaal iyo masโ€™uuliyiin kale, iyagoo Guddiga Joogtada la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda Amniga dalka, waxqabadka ciidanka, Arrimaha gudaha, caqabadaha jira iyo qorshaha horumarinta Amniga. Guddiga Joogtada ah ayaa suโ€™aalo ka weydiiyey natiijadii ka soo baxday kormeer iyo kor-joogteyntii ay guddiyadu Goluhu ku tageen saldhigyada magaalada Garoowe, kaasoo u jeeddadiisu ahayd la socodka habsami u socdka shaqada Saldhigyada, u kuurgelidda baahiyaha jira iyo sidii looga gudbi lahaa. Dood iyo falanqeyn dheer kadib oo masโ€™uuliyihiintu ka yeesheen arrimahaas waxay isla qaateen in la xoojiyo wada shaqeynta hayโ€™adaha Amniga, horumarinta Degmooyinka, teyeynta ciidanka Booliska, ilaalinta sharciga iyo u adeegidda shacabka. Ugu dambayn, guddiga joogtada ahi waxay masโ€™uuliyiinta kula dar-daarmeen in qorshe cad laga yeesho sidii horumar la taaban karo looga gaari lahaa Amniga Caasimadda iyo guud ahaan Puntland, waxayna ballanqaadeen in ay korjoogteyn ku samaynayaan hayโ€™adda dawladda, si loo xaqiijiyo waxqabadkooda, iyagoo u mahadceliyey guud ahaan ciidanka Puntland iyo shaqada ay dalka u hayaan. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta. Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah. Read More ยป

Guddiga Anshaxa & Arrinaha Golaha ayaa maanta yeeshay kulanka dar-dargelinta shaqooyinka Guddiga horyaala.

Garoowe, May 11, 2024: Guddiga Anshaxa & Arrinaha Golaha ayaa maanta yeeshay kulanka dar-dargelinta shaqooyinka Guddiga horyaala. Kulanka oo uu shir Guddoomiye Guddoomiyaha guddiga Xild. Maxamed Siciid (Qoslaaye) ayaa madasha lagu soo bandhigay qorshe hawleedka Guddiga ee la doonayo in la qabto mudada ka harsan furitaanka Golaha weynaha Baarlamanka. DHAMMAAD.

Guddiga Anshaxa & Arrinaha Golaha ayaa maanta yeeshay kulanka dar-dargelinta shaqooyinka Guddiga horyaala. Read More ยป

Scroll to Top