Golaha Wakiillada

Wararka

Fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL,

Garoowe, June 22, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamed Baari Shire iyo ku xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL, oo ay soo xaadireen 49 Mudane. Fadhiga maanta ayey xildhibaannadu mid mid ugu codeeyeen, una ansixiyeen ajandaha rasmiga ah 54-aad ee Goluhu ka shaqeyn doono, mudada uu Kalfadhigu socdo, sida uu qabo Qodobka 42-aad (faqrada 4-aad) ee Xeer-hoosaadka, kaas oo Guddoonka Golaha Wakiilladu Golaha u soo gudbin doonaan Axada berri ah. Maalinta berri ah oo taariihdu tahay 23/Juun/2024 oo Mudanayaashu yeelan doonaan fadhiga 3-aad ayaa si rasmi ah loogu qaybin doona ajandaha maanta la ansixiyey, hadii Alle idmo. -DHAMMAAD-

Fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL, Read More Β»

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid oo khudbad ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada.

Garoowe, June 15, 2024: Furitaanka Kal-fadhiga 54-aad waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka DPL Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiilladda Mudane, Maxamed Baarri Shire, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Xubno kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukumadda, Golaha Garsoorka, Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Guddiga Doorashada Puntland (PEC), Duqa Degmada Garoowe, Isimo, Cullimo, Hay’adaha Caalamiga ah, Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah, Saraakiisha Ciidamada, Hawl-wadeennada Madaxtooyada, iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray waxqabadka Baarlamaanka 6-aad ee dhinacyada Metelaadda, Xeer-dejinta, Korjoogtaynta hay’adaha Dawladda iyo kobcinta Awoodda Xafiis ee Golaha Wakiillada. Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Denni oo Kalfadhiga furay ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada, isagoona si rasmi ah u furay Kalfadhiga sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. -DHAMMAAD-

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid oo khudbad ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada. Read More Β»

Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, June 12, 2024: Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dawladda Puntland. Ujeeddada kulan ayaa ahayd isbarasho iyo la socoshada hannaanka shaqo Hay’adaha Dawladda, xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dawladda si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland iyo xeerarka kale ee dalka. Mas’uuliyiinta Wasaarada ayaa guddiga la wadaagay waxqabadkooda muddadii ay xilka ahayeen, qorsheyaasha hortabinta u leh iyo caqabadaha jira. Guddiga ayaa mas’uuliyihiinta kula dardaarmay in la ballaariyo adeegyada ay Wasaaradu u hayso shacabka Puntland, lagana dhabeeyo hiigsiga iyo himilooyinka Puntland, lana hirgeliyo Barnaamijka Xukuumadda. – DHAMMAAD –

Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More Β»

Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, June 11, 2024: Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulan la qaatay. 1. Wasaarada Warfaafinta Isgaarsiinta, Hiddaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska 2. Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada 3. Wasaaradda dhallinyarada & Ciyaaraha Ujeeddada kulan ayaa ahayd isbarasho iyo la socoshada hannaanka shaqo Hay’adaha Dawladda, xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dawladda si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland iyo xeerarka kale ee dalka Mas’uuliyiinta Wasaaradaha ayaa guddiga la wadaagay waxqabadkooda muddadii ay xilka ahayeen, qorsheyaasha hortabinta u leh iyo caqabadaha jira. Guddiga ayaa mas’uuliyihiinta kula dardaarmay in la ballaariyo adeegyada ay Wasaaraduhu u hayaan shacabka Puntland, lagana dhabeeyo hiigsiga iyo himilooyinka Puntland, lana hirgeliyo Barnaamijka Xukuumadda. – DHAMMAAD –

Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More Β»

Guddiga Xuquuqul insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska.

Garoowe, june11, 2024: Guddiga Xuquuqul insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska ayaa maanta yeeshay kulan la qaatay. 1. Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Qoyska 2. Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Ujeeddada kulan ayaa ahayd isbarasho iyo la socoshada hannaanka shaqo Hay’adaha Dawladda, xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dawladda si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland iyo xeerarka kale ee dalka Mas’uuliyiinta Wasaarada Haweenka & Xafiiska Difaacaha Xuquuq Aadanaha ayaa guddiga la wadaagay waxqabadkooda muddadii ay xilka ahayeen, qorsheyaasha hortabinta u leh iyo caqabadaha jira. Guddiga ayaa mas’uuliyihiinta kula dardaarmay in la ballaariyo adeegyada ay Wasaaraduhu u hayaan shacabka Puntland, lagana dhabeeyo hiigsiga iyo himilooyinka Puntland, lana hirgeliyo Barnaamijka Xukuumadda. https://t.me/parliamentofpl – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Xuquuqul insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska. Read More Β»

GOLAHA WAKIILLADA IYO DALLADA PUNSAA OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS WADA SHAQAYN.

Garoowe, June 11, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa goob-joog ka ahaa Heshiiska wada shaqaynta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland & Dallada Ururada Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA. Heshiiskan ayaa waxaa saldhig u ah xoojinta wada shaqeynta Golaha Wakiillada iyo Bulshada Rayidka ee arragti wadaaga iyo is-weydaarsiga wadaaga arrimaha bulshada, dhaqaalaha, amniga, horumarka iyo siyaasadda. Sidoo kalena, la abuuro- hannaan wax ku ool leh oo ay xogta isugu gudbiyaan. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa sheegay inay muhiimad gaar ah u leedahay in dadweynaha loo dhaweeyo tallada, lagana qeyb-geliyo shaqooyinka Golaha Wakiilada qabnayo. Golaha Wakiillada waxaa u saxiixay heshiiska Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame halka Dallada PUNSAA uu u saxiixay Guddoomiyaha Dallada PUNSAA Mudane Cabdirahman Cabdirisak Cabdirahman. – DHAMMAAD

GOLAHA WAKIILLADA IYO DALLADA PUNSAA OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS WADA SHAQAYN. Read More Β»

Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada.

Garoowe, June 09, 2024: Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey 1. Wakaallada Horumarinta Tamarta. 2. Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta. 3. Hay’adda Horumarinta Jidadka ee PHA 4. Hay’adda Qandaraas Bixinta iyo Iibka. Ujeeddada kormeer ayaa ahayd u kuurgelidda hannaanka shaqo Hay’adaha Dawladda, xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dawladda si waafaqsan Dastuurka DPL iyo xeerarka kale ee dalka Mas’uuliyiinta Hay’adaha ayaa guddiga la wadaagay waxqabadkooda muddadii ay xilka ahayeen, qorsheyaasha hortabinta u leh iyo caqabadaha jira. Guddiga ayaa mas’uuliyihiinta kula dardaarmay in la ballaariyo adeegyada ay Wasaaraduhu u hayaan shacabka Puntland, lagana dhabeeyo hiigsiga iyo himilooyinka Puntland, lana hirgeliyo Barnaamijka Xukuumadda. -DHAMMAAD

Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada. Read More Β»

Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada.

Garoowe, June 08, 2024: Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada oo maanta kormeer shaqo ku tagey Wasaaradaha Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga & Duulista Hawada iyo Garoomada ayaa warbixin ka ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradahaas Ujeeddada kormeer ayaa ahayd u kuurgelidda hannaanka shaqo Wasaaradahaaas, xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dawladda si waafaqsan Dastuurka DPL iyo xeerarka kale ee dalka Mas’uuliyiinta Wasaaradaha ayaa guddiga la wadaagay waxqabadkooda muddadii ay xilka ahayeen, qorsheyaasha hortabinta u leh iyo caqabadaha jira. Guddiga ayaa mas’uuliyihiinta kula dardaarmay in la ballaariyo adeegyada ay Wasaaraduhu u hayaan shacabka Puntland, lagana dhabeeyo hiigsiga iyo himilooyinka Puntland, lana hirgeliyo Barnaamijka Xukuumadda. -DHAMMAAD-

Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada. Read More Β»

GUDDIGA DHAQAALAHA GOLAHA WAKIILLADA OO KORMEER KU TAGEY WASAARADDA MAALIYADDA DAWLADDA PUNTLAND.

Garoowe, June 08, 2024: Guddiga Maaliyadda Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo maanta kormeer shaqo ku tagey Wasaaradda Maaliyadda ayaa warbixin ku saabsan xaaladda dhaqaale ee dalka ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda. Warbixiinta ayaa ku saabsan shaqooyinka Wasaaradda horyaala iyo caqabadaha jira, iyadoo sidoo kalena, Guddigu ay su’aalo ka weydiiyeen arrimaha ay ka hadleen masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddu. Ugu dambeyntii, Xildhibaannada ayaa sheegay in warbixino ku saabsan korjoogtayn ay mudooyinkan wadeen ay horgeyn doonaan Kalfadhiga guud ee Baaralamaanka. -DHAMMAAD-

GUDDIGA DHAQAALAHA GOLAHA WAKIILLADA OO KORMEER KU TAGEY WASAARADDA MAALIYADDA DAWLADDA PUNTLAND. Read More Β»

Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Juun 08, 2024: Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa xarunta Golaha Wakiillada kulan kula qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Dawladda Puntland. Kulanka Guddiga ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka cimilada ayaa ahaa mid isbarasho ah, sidoo kalena masuulyiinta Wasaaradda ayaa uga warbixiyey Guddiga xaaladda deegaanka, iyo weliba Xaalufka dhirta & Isbedelka cimilada. Warbixinta Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa ka saabsaneyd inteeda badan waxyaabaha ay qabtaan Wasaarad ahaan, waxa u qabsoomay, caqabadaha haysta iyo weliba baahiyaha jira, iyadda oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen isla markaana ay Guddigu u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha jira, doorkoodna ka qaadanayaan. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More Β»

Scroll to Top