Golaha Wakiillada

Wararka

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, January 27, 2024: Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Maxamud Ciise oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Xildhibaannada laga soo doorto Gobolka Mudug ayaa maanta qado sharaf u sameeyay madax iyo masuuliyiin ka soo jeeda Gobolka Mudug labadiisa dhinac ee Puntland iyo Galmudug kuwaa oo ka qeyb-galay Xafladii caleema-saarka madaxda Puntland. – DHAMMAAD –

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Guddoonka Barlamaanka Puntland Ayaa Qado Sharaf usameeyey Xildhibaannada labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Garoowe, January 27, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Saciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Maxamed Maxamud Ciise ayaa maanta qado sharaf u sameeyay qaar ka mid ah Xildhibaannada labada Aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee ka qeyb-galay Xafladii caleema-saarka Madaxda Puntland. Sidoo kale madasha waxaa ka qayb galay Xildhibaanno ka tirsan Guddiga joogtda ah ee Golaha Wakiillada Puntland. XAFIISKA WARFAAFINTA GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA PUNTLAND – DHAMMAAD

Guddoonka Barlamaanka Puntland Ayaa Qado Sharaf usameeyey Xildhibaannada labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya. Read More »

Munaasabadda Mahadcelinta masuuliyiinta qaybta ka ahayd Madaxda Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Hon Mohamed Baarri Shire ayaa Xalay ka qayb-galay munaasibad lagu soo dhaweynaayo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee kasoo qayb-gashay Caleemasaarka Madaxda Puntland shanta sano ee soo socota 2024–2029. Munaasabadda Mahadcelinta masuuliyiinta qaybta ka ahayd Madaxda Puntland waxaa kasoo qayb-galay Madaxweynayaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS Koonfur Galbeed Soomaaliya, Galmudug iyo Hirshabeelle, Hoggaamiyaha maamulka SSC Khaatumo, Ra’iisul Wasaarayaal hore ee Soomaaliya, wefti ka socda beesha Caalamka, masuuliyiin ka socda Dawladdaha Kenya iyo Jabuuti, wefti ka socda Dowlad deegaanka Soomaalida, Musharixiintii Madaxweynaha Puntland 2024-2029, siyaasiyiin, bulshada caasimadda iyo masuuliyiin kale. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Munaasabadda Mahadcelinta masuuliyiinta qaybta ka ahayd Madaxda Puntland. Read More »

Guddoonka Golaha Wakillada Punland ayaa booqasho iyo salaan ugu tagay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Jubbaland.

Garoowe, January 23, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane. Abdirisak Ahmed Said oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Mohamed Mohamoud Isse, ayaa booqasho iyo salaan ugu tagay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Jubbaland Mudane, Aadan Khaliif Xaaji Yuusuf, kaas oo ka mid ah madaxda ka qeyb-galaysa Xaflada caleema-saarka. Sidoo kalena, Guddoonka ayaa booqasho ugu tagay Siyaasiga Mowliid Xuseen Guhaad, Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Aqalka Sare JFS iyo Taliyaha hore ee Ciidanka dhulka JFS Gen. Maxamed Tahliil Biixi DHAMMAAD

Guddoonka Golaha Wakillada Punland ayaa booqasho iyo salaan ugu tagay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Jubbaland. Read More »

Guddiga Golaha Wakiillada DPL ee xal u helida shaqaaqadii Deegaanka Sheerbi , ayaa kormeeray magaalada.

Sheerbi: Guddiga Golaha Wakiillada DPL ee xal u helida shaqaaqadii Deegaanka Sheerbi oo gaaray halkaasi, ayaa kormeeray magaalada, iyagoo warbixin ka dhageystay Ciidamadda Amaanka ee gacanta ku haya magaaladda. Shacabkii deganaa Magaalada ayaa ka barakacay colaada dhacday awgeed, waxaana magaalada ku haray Maxamuud Cabdirisaaq oo ah wiil naafo ka ah araga, islamarkaana waayay meel uu uga baxo deegaankiisa. Guddiga ayaa u balan-qaaday Maxamuud inay u kaxeyn doonaan meesha uu rabo, si uu uga helo deegaan ku haboon, iyagoo ka taageeraya noloshiisa illaa iyo inta caadi ku soo noqonayso noloshii Sheerbi oo hadda xalkeeda lagu jiro. DHAMMAAD

Guddiga Golaha Wakiillada DPL ee xal u helida shaqaaqadii Deegaanka Sheerbi , ayaa kormeeray magaalada. Read More »

Guddoonka Golaha wakiillada ayaa shir laqaatay hawl-wadeenada Golaha wakiillada.

Garoowe, January 22, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir la qaatay Hawl-wadeenada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Kulanka Guddoonka ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo dar-dargelin lahaa shaqada iyo Illaalinta wakhtiga shaqada. DHAMMAAD

Guddoonka Golaha wakiillada ayaa shir laqaatay hawl-wadeenada Golaha wakiillada. Read More »

Guddiga Golaha Wakiilladu u xilsaaray xal u helida shaqaaqadii Deegaanka Sheerbi Ayaa ka qayb galay shirka shaacinta gogosha nabadeynta.

Carmo: January 22, 2024: Guddiga Golaha Wakiilladu u xilsaaray xal u helida shaqaaqadii Deegaanka Sheerbi ayaa maanta ka qayb galay shirka shaacinta gogosha nabadeynta beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay. Gogosha waxaa dhigay Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, iyadoo shirkaas uu ka furmi doono Magaalada Carmo 05/02/2024. Dhanka kale, kulanka maanta waxaa Guddiga kala qayb galay qaar kamid ah isimmada Puntland, Wasiiro, Mamulka Gobolka Bari, Saraakiisha Amniga iyo Nabadoonno. DHAMMAAD.

Guddiga Golaha Wakiilladu u xilsaaray xal u helida shaqaaqadii Deegaanka Sheerbi Ayaa ka qayb galay shirka shaacinta gogosha nabadeynta. Read More »

Guddomiyaha Golaha wakiillada dowlada puntland

Waxaan galabta salaan iyo booqasho gurigeeda ugu tagay Xildhibaan hore Marwo Jookha Geelle Faarax oo ka tirsaneyd Golaha Wakiillada Dawladda Puntland muddo 15 sanno ah taas oo ku xanuunsanaysa caasimadda Garoowe. Waxaan EEBBE ugu baryay Xildhibaan hore Marwo Jookha Gelle Faarax inuu caafimaad taam ah siiyo, muhiimadeyda 1aad ayaa ah inaan ka war-hayno Xildhibaannada iyo dhammaan mudanayaashii kale ee Golaha ka soo mid noqday. Booqashada aan ugu tagay Xildhibaan hore Marwo Jookha Geelle Faarax waxaa igu wehlinayey Xildhibaan federal Maxamuud Axmed Aadan (Geesood ) DHAMMAAD.

Guddomiyaha Golaha wakiillada dowlada puntland Read More »

Fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, January 20, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa fadhiga furay, iyadoo ajanduhu ahaa magacaabida xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha Wakiillada. Waxaa Golaha dhammaan la dhammeystiray soo gudbinta Xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha oo ka kooban 10 xubnood. Waxaa si rasmi ah loo dhammeystiray xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, kadib soo gudbinta Xildhibaannada. Guddiga joogtada ah ayaa ka kooban Guddoomiyaha, Labada Guddoomiye ku-xigeen iyo 10 Madax Guddiyeed, sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada qodobkiisa 11-aad. 1.Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka. 2. Guddiga Siyaasada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah. 3. Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha. 4. Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda. 5. Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada. 6. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka. 7. Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha. 8. Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta. 9. Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah. 10. Guddiga Xuquuqda Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha qoyska. Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiilada Dawladda Puntland.

Fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Scroll to Top