Golaha Wakiillada

Wararka

Guddoonka Golaha Wakiillada DPL hoggaamin doona 2024 – 2029.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah u doortay Guddoonka Golaha Wakiillada DPL hoggaamin doona 2024 – 2029. 1. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Abdirisak Ahmed Said 2. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Mohamed Baarri Shire 3. Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Mohamed Mohamoud Isse DHAMMAAD

Guddoonka Golaha Wakiillada DPL hoggaamin doona 2024 – 2029. Read More »

Fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, January 02, 2024: Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Xasan Cabdalla Xasan ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ugu horeyn, waxaa Maxkamadda Sare ee Puntland dhaarisay xubnaha Golaha Wakiillada ee ka maqnaa kulankii dhaarinta ee shalay, kuwaas oo dhamma 8 xildhibaan, waxaana sidaa ku dhamaystirmay 66-da xildhibaan ee Goluhu ka kooban yahay. Intaas ka dib, waxaa Guddoomiyaha Ku meel gaarka ahi Golaha la wadaagay in loo diyaar garoobo Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerkhoosaadka Golaha Wakiillada DPL, wuxuuna magacaabay Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada, iyadoo Guddiguna Golaha la wadaagay Habraaca Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada oo ku asteysan khamiis, 04/01/2024, haddii eebbe idmo. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Ku meel gaar ah ah ee Golaha Wakiillada ayaa fadhiga soo xiray isagoo dadweynaha Puntland ugu baaqay in laga wada shaqeeyo xoojinta Amniga, laguna kalsoonaado Baarlamaanka 6-aad ee Golaha Wakiillada. DHAMMAAD.

Fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Dhaarinta Xildhibaannada cusub Ee Golaha wakiillada puntland

Garoowe, January 01, 2024:Maxkamadda sare ee Dawladda Puntland ayaa si rasmi ah u dhaarisay 58 mudane oo ka mid ah 66 Xildhibaan ee Golaha Wakiillada. Dhaarta Dastuuriga ah: ” Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, inaan ku dhaqmo diinta Islaamka, dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego.” Xildhibaannada cusub ayaa dhaarta kadib waxay Guddoomiye KMG ah u doorteen Mudane, Xildhibaan Xassan Cabdalla Xassan. Waxaa lagu wadaa maalmaha soo socda inay doortaan Guddoonka rasmi ah ee Golaha Wakiillada, Madaxweynaha & Madaxweyne ku-xigeenka. DHAMMAAD

Dhaarinta Xildhibaannada cusub Ee Golaha wakiillada puntland Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada aya maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland.

Garoowe, Diseembar 19, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland. Ugu horeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada isagoo ka duulaya Heshiiskii Jiheynta Doorashada ee ay gaareen Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada wuxuu Guddiga ku soo dhaweeyey Xarunta Golaha Wakiillada, isagoo ku wareejiyey Diiwaanka Galalka habraacyadii soo jireenka ahaa ee lagu soo xuli jiray Xubnaha Golaha Wakiillada si guddiga ugu fududaato gudashada waajibaadkooda asixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamaanka 6-aad ee Puntland. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa amray Xoghayaha Guud iyo dhammaan hawl-wadeenada Goluhu in ay la shaqeeyaan Guddiga, una fududeeyaan wixii shaqo ee uga baahdaan muddada ay ku shaqeynayaan Xarunta Golaha Wakiillada. DHAMMAAD

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada aya maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland. Read More »

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiilladda DPL.

Garoowe, December 12, 2023: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiilladda DPL ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda. Guddiga oo akhriskii 2-aad ku sameynayey miisaaniyadda 2024 ee Golaha hortaala ayaa su’aalo ka waydiiyey Wasiirka, xubnaha kale ee Wasaaradda si ay u helaan xog-dheeri ah oo la xiriirta miisaaniyadda Dawladda ee 2024. Miisaaniyada 2024-ka ayaa dhan $387,550,700, ( Saddex boqol sideetan iyo todoba malyan , shan boqol iyo konton kun iyo todobo boqol oo dollar), iyadoo kororka Miisaaniyaddu yahay 3% marka la bar-bar dhigo miisaaniyadii sannadkii hore. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo mas’uuliyiinta kale ayaa ka jawaabay dhammaan su’aalihii Guddigu waydiiyeen. DHAMMAAD

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiilladda DPL. Read More »

Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, December 11, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ugu horeyn Guddoonka ayaa Xildhibaannada la wadaagay in ajandaha shirka yahay Jawaab celinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee go’aankii ay soo saareen xubno kamid ah Maxkamadda Dastuuriga ah ee DPL, kaas oo kasoo horjeeda qodobada 25-aad, 89-aad iyo 94-aad ee Dastuurka DPL iyo xeerka Maxkamadda Dastuuriga ah qodobadiisa 10-aad iyo 12-aad. Sidoo kale, Mudenayaasha ayaa iyaguna dhankooda soo jeediyey aragtidooda ku aadan dood sharci oo ku saabsan habraaca ay Maxkamaddu u martay go’aanka ay soo saartay. Ugu, dambeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa shirka soo xiray. DHAMMAAD.

Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Diseembar 07, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ugu horeyn, waxaa Goluhu isla qaatay in fadhigu sii socdo inta laga dhammaystirayo ajandayaasha Golaha horyaal. Intaas kadib, waxaa Golaha loo qeybiyey go’aanka Guddiga Beesha Dhulbahante ee Xalinta Khilaafka Siyaasadeed ee Puntland, waxaana Goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey go’aankaas oo kala ahaa: 1. In la ilaaliyo nabadgalyada iyo xalisoonida Puntland, cidwalibana ka qaadato kaalinta kaga aaddan. 2. In doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka lagu qabto waqtigeedii sida caadada u ahayd Puntland 08-01-2024 3. In Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ay doortaan baarlamaanka 5-aad ee Puntland ee hadda jira. 4. In Baarlamaanka Puntland ee hadda jira ee muddo xileedkoodu ku eeg yahay 31-12-2023 dib loo dhigo doorashadooda muddo 12 bilood ah. 5. Xukuummadda Puntland ee la doorto, guddiga doorashooyinka Puntland iyo Xisbiyadda siyaasadeed waa in diyaariyaan doorashada Baarlamaanka ee qof iyo cod muddo 12 bilood gudahood ah. 6. Guddiga doorashooyinka Puntland waa inay dhammaystiraan doorashooyinkii golayaasha deegaannada ee degmooyinkii hadhsanaaa. Ugu dambeyn, waxaa Golaha loo qeybiyey Miisaaniyadda sanadka 2024, taas oo lagu wareejiyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada, ka dib markii Goluhu ku sameeyey akhriska 1-aad si Guddigu ugu soo sameeyo akhriska labaad, Golahana u soo gudbiyaan warbixintooda maalinta khamiista 14th Diseembar, 2023. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiilada Dawladda Puntland E-mail: info@puntlandparliament.com Facebook: https://facebook.com/Parliamentofpl Instagram: https://instagram.com/Parliamentofpl Telegram: https://t.me/parliamentofpl

Fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Fadhiga 11-aad ee Kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, November 26, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa waxaa soo xaadiray 48 mudane, waxaana looga hadlay arrimaha Siyaasadda Puntland, Amniga iyo sidii xildhibannada Golaha Wakiilladu door muhiim ah uga qaadan la haayeen ilaalinta midnimada & wadajirka Puntland si nabad iyo xasilooni ay ku jirto. Sida qorshaha ahaa fadhiga maanta ayaa lagu wadday in looga doodo wax-ka-bedelka Xeerka doorashooyinka Puntland, hasse yeeshee Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa Xildhibaannada la wadaagay in wax-ka-bedelka xeerka la gelinayo la tashi guud. Fadhiga oo qaatay wakhti dheer ayaa la isla qaatay in Xildhibaannada dib loogu soo wargeliyo fadhiga dambe si loo dhammeystiro shaqooyinka Golaha horyaal maalmaha soo socda haddii EEBBE idmo. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiilada Dawladda Puntland E-mail: info@puntlandparliament.com Facebook: https://facebook.com/Parliamentofpl

Fadhiga 11-aad ee Kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Scroll to Top