Golaha Wakiillada

Wararka

HADAL-JEEDINTA GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA EE KALFADHIGA 52-AAD EE GOLAHA WAKIILLADA DAWLADDA PUNTLAND.

15 Jun, 2023 Garoowe, Puntland, Soomaaliya Madaxweynaha Dawladda Puntland Md. Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka DPL Md. Axmed Cilmi Cismaan, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Md. C/casiis C/laahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Md. Ismaaciil Maxmed Warsame, Xubnaha Golaha Wakiillada DPL, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare DPL, Golaha Wasiirada, Golaha Garsoorka, Xubnaha Aqalka Sare BFS, Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquul Insaanka, Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan Degmada, Cullimada, Ururrada Siyaasadda, Nabadoonnada, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Ururka Haweenka, Ciidanka Amniga, Saraakiisha iyo Hawl-wadeennada Golaha, dhammaan marti-sharafta iyo dadweynaha warbaahinta nagala socda waxaan idinku salaamayaa dhammaantiin Salaanta Islaamka. Assalamu Alaikum Wa Rahmatullahi Wa Barakatuh Waxaa sharaf noo ah inaad nagala soo qaybgashaan munaasibadda furitaanka kal-fadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada oo maanta oo taariikhdu tahay 15/Juun/2023 halkan inooga furmidoona, waxaan dhammaantiin idiinka mahadcelinayaa kasoo qaybgalka aad nagala soo qaybgasheen munaasibadan. Kalfdhigan 52-aad ee Golaha Wakiilladu wuxuu ka mid yahay waajibaadka Dastuuriga ah ee ay gutaan Golaha Wakiilladu, waxaana diiradda lagu saari doonaa waajibaadka Dastuuriga ah ee Goluhu u xil-saaran yahay, kuwaas oo ay ugu mudan yihiin dhinacyada xeer-dejinta, metelaadda dadweynaha iyo kor-joogtaynta Hay’adaha Dawladda, kuwaas oo dhammaantood ku cad ajandaha kalfadhigan 52-aad. Mudane Madaxweyne, mudanayaal iyo Marwooyin; Golaha Wakiilladu isagoo ka duulaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah iyo ajandihii kalfadhiga 51-aad, islamarkaasna gudanaya qorshe hawleedkii kalfadhigaas, waxaa noo qabsoomay; 1. Waxaa Golaha loo soo gudbiyey warbixinta guddiyada Golaha, taasoo ku aadanayd kormeerada iyo dabagalka Hay’adaha Dawladda, waxqabadka xukuumadda, baahiyaha bulshada iyo caqabadaha jira. 2. Waxaa Golaha lagu hor-dhaariyey Axmed Bashiir Askar Xuseen oo xubin ka noqday Golaha Wakiillada isagoo bedeley Allah ha u naxariistee Xildhibaan hore Bashiir Askar Xuseen. 3. Goluhu wuxuu xasaanad siiyey Xubnaha Garsoorayaasha Maxkamadda Sare iyo Garsoorayaasha dadweynaha ee loo soo magacaabay Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka. 4. Xasaanadsiinta xubnaha Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah. 5. Ansixinta Wasiiro Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir ku xigeenno, si waafaqsan qodobka 64-aad ee Dastuurka. 6. Soo saarista go’aan gole oo ku aaddan natiijadii ka soo baxday la xisaabtankii xukuumadda, go’aannadaas oo xambaarsanaa, wax-ka-qabashada dhaliilaha xukuumadda ee ka soo baxay natiijadii la xisaabtanka Xukuumadda, talo soo jeedinta golaha iyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha jira. 7. Goluhu wuxuu isla kalfadhigii 51-aad ku ansixiyey; 1. Xeerka Khayraadka Biyaha Puntland. 2. Wax ka bedelka Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda Puntland. 3. Ansixinta Miisaaniyad Sannadeedka Dawladda Puntland ee 2023. Waxaa Geeriyoodey intii u dhaxaysay labada Kalfadhi geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Jaamac Yaasiin Jaamac, oo ku geeriyooday dalka Hindiya, waxaana markale tacsi halkan ugu diraynaa qoyska, ehelada, qaraabada, Golaha Wakiillada iyo Guud ahaan shacabweynaha reer Puntland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuumku. Mudane Madaxweyne Mudanayaal iyo Marwooyin; Waxaan wada ogsoonahay xaaladda ka jirta Gobolka Sool, waxaan si adag u cambaarayneynaa, xasuuqa iyo duqaymaha aan loo meeldeyin ee Somaliland ay ku hayso bulshada Gobolka Sool magaalada Laas-caanood, waxaan u sheegeynaa Beesha Caalamka, wadamada deriska ah iyo Hay’adaha xuquuqul insaanka, in maamulka Soomaaliland ay ka geysteen Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laas-caanood gabood-fallo waaweyn, xasuuq iyo duqaymo lagu bar-tilmaameedsanayo meelaha halbowlaha u ah nolosha bulshada sida Cisbitaalada, masaajidada, ceelasha biyaha, Xarumaha korontada iyo goobaha waxbarashada, waxay xasuuqeen dadkii birimageydada ahaa, waxay barakiciyeen bulshadii gobolka ku noolayd dhammaantood, waxaa xirmay goobihii waxbarashada waxaana istaagey adeegyadii arrimaha bulshada oo asaas u haa nolosha dadweynaha. Dagaalka iyo duulaanka maamulka la baxay Somaliland wuxuu salka ku hayaa in loo afduubnaado aragtida khaldan ee kala goynta Soomaaliya, xuduud-beenaadyo aan jirin iyo in Dadka Soomaaliyeed lagu kala qoqobo aragtidii Guumaysiga ee Soomaaliya ay ka xorowdey 1960-kii, muwaadiniin badanina u hureen naftooda. Waxaa nasiib darro ah in madaxda Dawladda Federaalka oo u dhaaratay midnimada Soomaaliya, difaaca iyo wadajirka Umadda Soomaaliyeed in aanay marnaba ka hadlin dhibaatada ay Somaliland ku hayso gobolka Sool, taas bedelkeedana ay taageero u muujiyeen Somaliland, sida ka soo yeertay Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa aan marnaba la aqbalikarin in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane, Xasan Shiikh Maxamuud aanu marnaba doorkiisii ka qaadan xaaladda adag ee ka taagan Gobolka Sool. Mudane Madaxweyne Mudanayaal iyo Marwooyin; Sida aan wada ogsoonahay, Dastuurka Puntland iyo Xeerarka dalku waxay ina farayaan inaynu xaqiijino himilada Puntland oo saldhig ay u tahay nidaamka xisbiyada badan iyo in dadweynaha lagu celiyo taladooda ayna doortaan madaxdooda. Haddaba, anigoo taas ka duulaya, waxaan bogaadinayaa in lagu guulaystay qabashada Doorashooyinka Goleyaasha Deegaan ee 33 degmo, waxaana la qaaday dhabihii loo marilahaa hiigsigii iyo himilooyinkii aynu ka lahayn dhismaha Maamulka Dawladnino iyo Dimuqraadiyadda. Waxaan arrintaas uga mahadcelineynaa Allah SWT, mahad Alle ka dib, waxaan u mahadcelinayaa Guddiga Ku-meel gaarka ah ee Doorashada Puntland (TPEC), Shacabweynaha Puntland, ciidanka Amniga, Ururada Siyaasadda, saxaafadda, ururada Bulshada Rayidka ah, korjoogtada Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah, Hay’adaha inaga taageera arrimaha dimuqraadiyadda iyo cid kasta oo ka qayb-qaadatay doorashooyinka Golayaasha deegaanka Puntland. Mudane Madaxweyne Mudanayaal iyo Marwooyin; Dadka Soomaaliyeed waxay soo mareen dhibaatooyin badan, nasiib wanaag waxaynu ku guulaysaney inaan dib u yagleelo nidaamkii dawladnimo, waxaa la diyaariyey Dastuur ku meelgaar ah, waxaa la dhisay Hay’adihii Dawladda iyo haykalkii nidaamka dawladeed. Waxaa Bulshada Soomaaliyeed ku heshiisey in la qaato nidaamka Federaaliga ah oo ay hadda dawladdu ku dhisan tahay. Sida aynu wada ogsoonahay, waxaa 27/May/2023, shir lagu tilmaamay Golaha Wadatashiga Qaranka ay soo saareen waxay ugu yeereen war-murtiyeed, qoraalkaas oo ay ku xusan yihiin qodobo lid ku ah Dastuurka iyo nidaamka Federaaliga ah ee lagu heshiiyey. Haddaba, waxaan u sheegeynaa cid kasta oo ay khusayso inaan arrintaas loo dhammayn, Dawladda Puntland aanay qayb ka ahayn, Umadda Soomaaliyeedna aanay aqbalayn xadgudubka sharci oo halkaas gaarsiisan. Waxaa nasiib darro ah in Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya ay u badheedheen ku xadgudubka Dastuurka gaar ahaan qodobka 22-aad ee xaqa ka qayb galka siyaasadda, qodobka 47-aad ee nidaamka doorashooyinka, qodobka 54-aad ee kala qaybinta awoodaha, qodobka 60-aad ee muddada xilhaynta Baarlamaanka, qodobka 91-aad ee muddda xilhaynta Madaxweynaha JFS iyo qodobka 97-aad farqadiisa 1-aad ee Golaha Wasiirada. Sidoo kale wuxuu ka hor-imanayaa Sharciga Axsaabta Siyaasadda DFS, dhinaca kalena waxay ku xadgudbeen awoodaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka DFS iyo Golaha Aqalka Sare. Ku tagrifalka awoodaha xafiisyada dawladda iyo in dano gaar ahaaneed looga faa’iidaysto xafiisyada dalka ugu sareeya waana mas’uuliyad la

HADAL-JEEDINTA GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA EE KALFADHIGA 52-AAD EE GOLAHA WAKIILLADA DAWLADDA PUNTLAND. Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa Khudbad ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Garoowe, Jun 15, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa Khudbad ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada DPL kaas oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Furitaanka Kal-fadhiga 52-aad waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Golaha Wakiilladda Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladda Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Senator ka tirsan Aqalka Sare ee JFS, Maxkamadda sare ee Puntland, Wasiiro, Ururadda Bulshada Rayidka, Taliyeyaasha ciidanka iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha ayaa ka hadlay shaqooyinka Guddiyadda Golaha intii u dhexeysay labada Kalfadhi. ” Muddadii u dhexaysey labada kalfadhi, Guddiga joogtada ahi waxay wadeen dhammaan hawlihii shaqo ee Golaha Wakiillada si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, sidoo kale guddiyada Goluhu iyagoo ka duulaya qodobada 16-aad iyo 62-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada waxay muddadii u dhexaysey labada kalfadhi kormeer shaqo ku tageen Gobollada iyo Degmooyinka Puntland, waxayna korjoogtayn iyo u-kuur-gal kusoo sameeyeen hay’adaha dawladda si ay xog-ogaal ugu noqdaan sida bulshada loogaarsiiyey adeeggayada arrimaha bulshda, warbixinadda kormeeradaas oo faah-faahsan waxay guddiyadu soojeedin doonaan inta lagu gudajiro kalfadhigan haddii EEBBE idmo.” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa ka hadlay Nidaamka Doorashooyinka Puntland, Xaaladda Gobolka Sool, waxa uu Guddoomiyaha ku booriyey shacabka iyo Dawladda adkaynta Nabadgelyada, midnimada iyo wada-jirka Puntland, sidoo kalena waxa uu si faah-faahsan uga hadlay shaqooyinkii ay Golaha qabteen, Xeerarka soo saareen Golaha Wada-tashiga Qaranka, Difaaca Gobolka Sool, Weerarkii lagu qaaday Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane. Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni ayaa khudbad Dastuuri ah ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada DPL isaga oo ka hadlay guud ahaan xaaladaha dalka ee Amniga, Nidaamka Doorashooyinka Goleyaasha degaanka, Weearkii lagu qaaday Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane, dhaqaalaha iyo Difaaca Gobolka Sool. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa Khudbad ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Read More »

Guddiga Shuruucda & Caddaaladda ayaa maanta warbixin ka dhageystay Maxkamada Ciidamada qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Dawladda Puntland.

Garoowe, June 14, 2023: Guddiga Shuruucda & Caddaaladda ayaa maanta warbixin ka dhageystay Maxkamada Ciidamada qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Dawladda Puntland. Kulan ka qabsoomay xafiiska Maxkamadda ayuu Guddoomiyaha Maxkamaddu sharaxaad Guddiga ka siiyey hanaanka shaqadu u socoto, wixii u qabsoomay iyo caqabadaha jira. Ugu dambeyn, Guddiga ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda iyo xeer ilaalinta weyiiyey su’aalo ku saabsan arrimaha ay ka hadleen iyo shaqada ay gacanta ku hayaan. Kormeerada ayaa kamid ah shaqooyinka Dastuuriga ee Golaha Wakiillada, sida uu qabo Dastuurka DPL iyo Xeer-hoosaadka Golaha. DHAMMAAD

Guddiga Shuruucda & Caddaaladda ayaa maanta warbixin ka dhageystay Maxkamada Ciidamada qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Dawladda Puntland. Read More »

Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda ayaa maanta xarunta Golaha ugu yeeray Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka.

Garoowe, June 13, 2023: Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda ayaa maanta xarunta Golaha ugu yeeray Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka. Shirka ayey Guddigu ku dhageysteen warbixin ku saabsan shaqooyinka Wasaaraddu u hayso dadweynaha reer Puntland, caqabadaha jira iyo waxyaabaha u qabsoomay, iyadoo warbixintaasi kadib Guddigu su’aalo ka weydiiyeen mas’uuliyiinta Wasaaradda arrimaha ay ka hadleen. Ugu dambeyntii, Xildhibaannada ayaa sheegay in warbixino ku saabsan korjoogtayn ay mudooyinkan Guddigu wadeen ay horgeyn doonaan Kalfadhiga guud ee Baaralamaanka. DHAMMAAD

Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda ayaa maanta xarunta Golaha ugu yeeray Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka. Read More »

Guddiga Arrimaha bulshada, dhaqanka warfaafinta & isgaarsiinta ayaa saaka kormeeray Gobaha uu ka socdo imtixaanka shahaadiga ee Dawladda Puntland.

Garoowe, June 13, 2023: Guddiga Arrimaha bulshada, dhaqanka warfaafinta & isgaarsiinta ayaa saaka kormeeray Gobaha uu ka socdo imtixaanka shahaadiga ee Dawladda Puntland. Guddiga ayaa meelaha ay kormeereen ee caasimada Garoowe, waxaa kamid ah Dugsiga Darwiish, Iskoolka Nawaawi iyo aradayda Gobolka Sool, waxaana warbixin ay ka dhageysteen Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Puntland iyo saraakiisha kale ee gacanta ku haysa imtixaanka. Imtixaanka Shahaadiga ah Puntland ee 2023 ayaa sanadkan waxaa galaya 22,626 Arday, oo isugu jira Dugsiyada Dhexe iyo Sarre oo Gobolada Puntland. Xildhibaannada oo u qeybiyey ardayda Imtixaanka ayaa u rajeeyay ardayda Puntland in Alle u fududeeyo Imtixaanka. DHAMMAAD.

Guddiga Arrimaha bulshada, dhaqanka warfaafinta & isgaarsiinta ayaa saaka kormeeray Gobaha uu ka socdo imtixaanka shahaadiga ee Dawladda Puntland. Read More »

Guddiga Amniga & Nabadgalyada Golaha Wakiillada ayaa maanta warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda Amniga DPL.

Garoowe, June 12, 2023: Guddiga Amniga & Nabadgalyada Golaha Wakiillada ayaa maanta warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda Amniga DPL. Guddiga oo Wasaaradda Amniga ugu yeeray aqalka Wakiillada ayaa warbixin ka dhageystay, taas oo ku aadan guud ahaan xaaladaha amni ee dalka, waxyaabaha u qabsoomay iyo caqabadaha haysta, iyagoo sidoo kalena su’aalo ka weydiiyay arrimaha ay ka hadleen. Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada ayaa u xil-saaran la socodka xaaladaha nabadgelyo iyo amni ee dalka, ururinta dhacdooyinka nabadgelyo iyo amni xumo ee u baahan wax looga qabto. DHAMMAAD.

Guddiga Amniga & Nabadgalyada Golaha Wakiillada ayaa maanta warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda Amniga DPL. Read More »

Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ayaa maanta warbixin ka dhageystay Wasaaradda Tamarta iyo Maareeyaha korontada.

Garoowe: June 11, 2023: Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ayaa maanta warbixin ka dhageystay Wasaaradda Tamarta iyo Maareeyaha korontada. Kulan ka qabsoomay aqalka Wakiillada ayey Guddigu ku xog wareysteen Wasiiru-Dawlaha & Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha, kuwaas oo ka warbixiyey wixii u qabsoomay Wasaaradda, caqabadaha jira, mashaariicda socda iyo qorsheyaasha degsan. Sidoo kale Guddiga ayaa warbixin ka dhageystay Maareeyaha Wakaaladda korontada, kaas oo Guddiga la wadaagay waxqadka Wakaalad iyo caqabadaha jira. Ugu dambeyn Guddiga ayaa mas’uuliyiinta weydiiyey su’aalo ku saabsan arrimaha ay ka hadleen. DHAMMAAD

Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ayaa maanta warbixin ka dhageystay Wasaaradda Tamarta iyo Maareeyaha korontada. Read More »

Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ayaa maanta u kuurgalay hanaanka shaqo ee Garoonka Diyaaradaha Garoowe.

Garoowe: June 10, 2023: Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ayaa maanta u kuurgalay hanaanka shaqo ee Garoonka Diyaaradaha Garoowe. Guddiga ayaa waxaa ku soo dhaweeyey airport-ka Maxamed Abshir Wasiirka Duulista Hawada & Garoomada Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maareeyaha Garoonka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda, waxaana ay kormeer ku sameeyeen dhamaan qaybaha kala duwan ee Garoonka. Guddiga ayaa warbixin ku saabsan sida ay tahay shaqada Garoonka ka dhageysta Wasiirka iyo xubnaha kale, kuwaas oo la wadaagay horumarka la gaaray, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha degsan. Kormeerada ayaa kamid ah shaqooyinka Dastuuriga ee Golaha Wakiillada, sida uu qabo Dastuurka DPL iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. DHAMMAAD

Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ayaa maanta u kuurgalay hanaanka shaqo ee Garoonka Diyaaradaha Garoowe. Read More »

Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada ayaa maanta warbixin ka dhageystay Wasiirka Caddaalada Puntland.

Garoowe: June 10, 2023: Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada ayaa maanta warbixin ka dhageystay Wasiirka Caddaalada Puntland. Kulan ka qabsoomay aqalka Wakiillada ayuu Wasiirku faah-faahin ka siiyey Guddiga wixii u qabsoomay Wasaaradda, caqabadaha jira, mashaariicda socda iyo qorsheyaasha degsan. Ugu dambeyn, Guddiga ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan arrimaha uu ka hadlay Wasiirku. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada ayaa maanta warbixin ka dhageystay Wasiirka Caddaalada Puntland. Read More »

Guddiga Amniga & Nabadgalyada Golaha Wakiillada ayaa maanta warbixin ka dhageystay Taliyaha ciidanka Booliska DPL oo ay wehliyaan Taliye ku-xigeenka iyo saraakiil kale.

Garoowe, June 10, 2023: Guddiga Amniga & Nabadgalyada Golaha Wakiillada ayaa maanta warbixin ka dhageystay Taliyaha ciidanka Booliska DPL oo ay wehliyaan Taliye ku-xigeenka iyo saraakiil kale. Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada DPL ayaa ahaa is xog wareysi, iyadoo Taliska Boolisku uu Guddiga la wadagaay horumarka laga gaaray sugida amaanka, caqabadaha jira iyo guud xaalada amni ee wakhtigan ka jirta dalka. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Amniga & Nabadgalyada Golaha Wakiillada ayaa maanta warbixin ka dhageystay Taliyaha ciidanka Booliska DPL oo ay wehliyaan Taliye ku-xigeenka iyo saraakiil kale. Read More »

Scroll to Top