Golaha Wakiillada

Wararka

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA OO LAGU SOO DHAWEEYEY DEGMADA DANGOROYO-NUGAAL

Dangaroyo, May 22, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo wefti uu hogaaminayo ayaa waxaa galabta soo dhaweyntooda degmada Dangoroyo ka qayb-galay Maamulka Degmada & shacabka, ganacsato iyo saraakiil ka tirsan Gobolka Nugaal. Weftiga Guddoomiyaha ayaa waxaa kamid ah Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Wasiiru Dowladaha Madaxtooyada Puntland, Xildhibaan Cabqani Faarax Dhaashane iyo xubno kale. Soo dhaweyn kadib, Guddoomiyaha ayaa dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo laga fulinayo degmada sida dhismaha xarunta Haweenka iyo deyr cusub oo lagu samaynayo garoonka kubada cagta. Ugu, dambeyn weftiga Guddoomiyaha ayaa kulan xog wareysi ah la yeeshay Maamulka iyo shacabka degmada, iyadoo la soo bandhigay horumarka iyo baahiyaha ka jira magaalada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. +18 Like Comment

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA OO LAGU SOO DHAWEEYEY DEGMADA DANGOROYO-NUGAAL Read More »

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA OO BADHAN KU SOODHAWEEYEY MADAXWEYNAHA DPL

Badhan, May 20, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane, Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa galabta Badhan-Sanaag ku soo dhaweeyey, Madaxweynaha DPL Siciid Cabdulaahi Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo socdaal shaqo ku soo gaaray Gobolka. Weftiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dawladda Puntland. Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhaweyntooda Badhan ka qayb-galay Maamulka Sanaag, kan degmada Badhan iyo boqolaal shacab ah, waxaana ugu dambeyn, hoygiisa ay ku booqdeen Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA OO BADHAN KU SOODHAWEEYEY MADAXWEYNAHA DPL Read More »

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL OO LAGU SOO DHAWEEYEY HADAAFTIMO

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL OO LAGU SOO DHAWEEYEY HADAAFTIMO. Hadaaftimo, May 18, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qayb-galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Maamulka Gobolka Sanaag, kan degmada Badhan iyo boqolaal kamid ah shacabka Hadaaftimo. Guddoomiyaha oo salaan la dhex qaaday dadweynaha farabadan ee soo dhaweeyey ayaa uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee lagu maamuusay. Guddoomiyaha oo dadweynaha reer Hadaaftimo kula hadlay bartamaha magaalada ayaa ugu baaqay inay codkooda dhiibtaan 25-may 2023. Ugu, dambeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa kormeeray mashruuc Wasaaradda Deegaanka ay ka fulisay duleedka Hadaaftimo, kaas oo lagu xakameeyey boholo dilaacay. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. +23

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL OO LAGU SOO DHAWEEYEY HADAAFTIMO Read More »

guddoomiha golaha wakiillada DPL oo booqday guddomiyi 2aad e golaha wakiillada

Badhan: 16,May,2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa caawa hoygiisa ku booqday Cismaan Dalmar Xaaji Yuusuf oo ahaa Guddoomiyihii 2-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, kaas oo muddo dhowr sano ah u jiifa xanuun soo ritay. Guddoomiye Cabdirashiid ayaa u duceeyey Guddoomiye Cismaan Baatrool in Alle caafimaad taam ah siiyo, isagoo qoyskiisa ka xog wareystay xaaladiisa caafimaad. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

guddoomiha golaha wakiillada DPL oo booqday guddomiyi 2aad e golaha wakiillada Read More »

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL OO LAGU SOO DHAWEEYEY GOBOLKA SANAAG

Badhan: May 13, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa waxaa banaanka hore Badhan soo dhaweyn sareysa ugu sameeyey Wasiiro ka tirsan Dawladda Puntland, Maamulka Gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, xubno ka socday ururada siyaasada Puntland iyo boqolaal kamid ah shacabka Magaalada. Guddoomiyaha oo salaan la dhex qaaday dadweynaha farabadan ee soo dhaweeyey ayaa uga mahadceliyey sida ay u maamuuseen weftigiisa. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda ayaa hoygiisa ku booqday Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL OO LAGU SOO DHAWEEYEY GOBOLKA SANAAG Read More »

Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonada Gobolka Bari.

Boosaaso: 10,May,2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonada Gobolka Bari. Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Bari & Wasiir ku-xigeenka arrimaha Gudaha Puntland. Kulanka ayaa ahaa mid xog wareysi ah, kaas oo ku saabsan xaaladda guud & xasiloonida Gobolka Bari, gaar ahaana maalmaha lagu jiro ololaha doorashada qof iyo cod ee Golaha Deegaanka ee dhacaysa 25-ka May 2023. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in muhiimad weyn Gobolku u leeyahay Dawladda Puntland, islamarkaana siwadajir ah looga wada shaqeeyo xasiloonida iyo deganaanshaha Gobolka Bari. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA & WACYI-GELINTA GOLAHA WAKIILLADA DPL PUNTLAND.

Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonada Gobolka Bari. Read More »

GUDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL OO FARAY GUDDIGA AMNIGA GOBOLKA BARI IN LA XAQIIJIYO NABAD-GELYADA BOSSASO

Boosaaso, 8 may 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo shalay soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay Guddiga Amniga Gobolka Bari, iyadoo ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu uu warbixin ku saabsan xaalada nabadgelyo ee Boosaaso uu ka dha dhageystay Guddigan, iyagoo sheegay in xaaladu tahay mid wanaagsan. Guddoomiyaha ayaa xusay in ciidamada amniga looga baahan yahay da’daal dheeri ah maalmaha lagu jiro isu soo baxyada ololaha doorashada ee ay sameynayaan Xisbiyada siyaasada, islamarkaana la xaqiijiyo amniga magaalada. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa kulan kale la qaatay Wasiirada & Xildhibaannada Dawladda Puntland ee ku sugan Boosaaso, isagoo ka dhageystay aragtidooda ku aadan sida laysaga kaashan karo in jawi nabdoon ay ku qabsoomaan doorashooyinka Golaha Deegaanka Magaalada. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

GUDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL OO FARAY GUDDIGA AMNIGA GOBOLKA BARI IN LA XAQIIJIYO NABAD-GELYADA BOSSASO Read More »

Fadhiga 10-aad ee Guddiga joogtada

Garoowe: March 20, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Abdirashid Yusuf Jibril oo uu wehliyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Guddiga j oogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta waxaa Guddiga Joogtada ah hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dawladda Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaarada iyo La-taliyaha dhinaca Xeerarka ee Wasaaradda. Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyey arrinta ku saabsan Hirgelinta Khidmadaha Shatiyada iyo Jaangoynta Canshuuraha Ku-meel gaarka ah ee Khayraadka Macdenta, taas oo lagu soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 14 ee 8-da March 2023. Guddiga ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha jaangoynta Cashuurta, intaa kadib, Guddiga joogtada ah ayaa isla qaatay in Talo-soojeedinta Khidmadaha Shatiyada iyo Jaangoynta Canshuuraha Ku-meel gaarka ah ee Khayraadka Macdenta in qoraal loogu gudbiyo Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Dawladda Puntland iyaddoo loo marayo habraacyadda curinta Xeerarka sida uu qabo Qodobka 68-aad xarfaha B, T, iyo J, Qodobka 54-aad farqadiisa 4-aad iyo Qodobka 76-aad xarafka ee Dastuurka Dawladda Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 10-aad ee Guddiga joogtada Read More »

Guddoomiyaha ayaa iska Diiwaan-geliyey Deg. Garoowe ( Sawiro)

Garoowe: March 15, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Abdirashid Yusuf Jibril ayaa galabta iska diiwaan-geliyey xaafada Mubaarak ee degmada Garoowe, noqdayna qofkii ugu danbeeyey ee isdiiwaangeliya, iyadoo halkaas lagusoo gebagebeeyey isdiiwaangelintii codbixiyeyaasha Puntland. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa u mahadceliyay Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC, iyo guud ahaan Howlwadeenada diiwaan-gelinta, iyo maamulka Degmadda Garoowe. Guddoomiyaha ayaa boggaadiyey tilaabadda awooda shacabka loogu dhaweyay si ay u doortaan madaxdooda. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha ayaa iska Diiwaan-geliyey Deg. Garoowe ( Sawiro) Read More »

Fadhiga 9-aad ee Guddiga joogtada Golaha Wakiillada

Garoowe: March 15, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Abdirashid Yusuf Jibril, oo uu wehliyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa Guddiga Joogtada uga hadleen Amniga Caasimadda Puntland ee Garoowe iyagoo tix-raacaya Fadhigii 6-aad ee Guddiga Joogtada ahi yeesheen ee March 08, 2023, kaas oo ay la yeesheen Wasaaradda Amniga, Taliyaha Ciidanka Booliska, Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Garoowe. Dood iyo falanqayn kadib Guddiga joogtada ah ayaa isla qaatay talo-soojeedin ku addaan wax ka qabashada Amniga Caasimadda Puntland ee Garoowe iyo cabashada ka jirta maxkamadaha Darajada 1-aad, Maxkamadda Rafaanka iyo Xeer-ilaaliyeyaasha Gobollada Puntland, islamarkaana talo-soojeedintaas loogu gudbiyo qoraal Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka iyo Madaxtooyada Puntland, si arrimahaasi wax looga qabto. Dhinaca kale, Guddiga Joogtada ah ayaa waxay go`aamiyeen in loo yeero Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, si wax looga weydiiyo arrinta la xiriirta Khidmadda Shatiyada iyo Jaangoynta Canshuuraha ku meel gaarka ah ee khayraadka Macdanta. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 9-aad ee Guddiga joogtada Golaha Wakiillada Read More »

Scroll to Top