Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo lagu soo dhaweeyay Garoowe ( SAWIRO)
Garoowe, February 04, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Abdirashid Yusuf Jibril ayaa maanta loogu soo dhoweeyay caasimadda Garoowe. Guddoomiyaha oo mudooyinkii dambe safar ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir waxaa ku soo dhaweeyay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo masuulyiin ka tirsan Golleyaasha Dawladda. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Abdirashid Yusuf Jibril ayaa soo dhaweyn kadib loo galbiyey qaybta VIP ee Garoonka, halkaas oo uu uga mahadceliyey dhammaan masuulyiintii soo dhaweysay. Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey safaro gaar ah oo uu dalka dibediisa ku tagay. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo lagu soo dhaweeyay Garoowe ( SAWIRO) Read More »









