Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulan la yeeshay Hoggaanka Dembi-baarista (CID) ( SAWIRO)
Garoowe: 18,October, 2022: Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo maanta Aqalka Wakiillada Kulan kula yeeshay Taliyaha Hoggaanka Dembi-baarista (CID). Guddiyadda oo kala ah Guddiga Shuruucda, Caddaaladda Arrimaha Diinta & Dastuurka iyo Guddiga Xaquuqul Insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska Golaha Wakiillada DPL ayaa Taliyaha Hoggaanka (CID), Ku-xigeenkiisa iyo Saraakiisha kale ka dhageystay warbixin ku saabsan waxyaabaha u qaboomay iyo caqabadaha jira, waxayna intaas kadib su’aalo ka weydiiyeen arrimahooda shaqo. Guddiyada ayaa sidoo kale, Hoggaanka Dembi-baarista wax ka weydiiyey waxyaabo uga soo baxay kormeerkii wada-jirka ahaa ee labada Guddi dhowaan ku mareen qaar kamid ah Gobolada & dhacdooyin ka dhacay qaar kamid ah deegaannada PL oo horyaalla xafiisyada Baarista & Bahda Garsoorka, una baahan Caddaalad. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland#Puntland #Somalia









