Golaha Wakiillada

Wararka

Guddoomiyaha oo ka qeyb-galay Shirweynaha 4-aad ee DeegaankaΒ  ( MUUQAAL)

Garoowe, November 13, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta ka qayb galay Shirweynaha 4-aad ee Deegaanka & isbedalka cimilada Puntland, kaas oo 2-dii sano-ba mar la qabto. Shirka oo 2-maalin soconaya ayaa lagu soo badhigayaa xogta xaaladda deegaanka & isbadalka cimilada Puntland sida nabaad guurka, boholaha, duurjoogta, bacaadka, maareyn la’aanta qashinka & qorshaha Dawladda ee wax looga qabanayo arrimahan. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo Wasaaradda Deegaanka ku bogaadiyey qabsoomida shirweynahan ayaa yiri ”waxaynu hadda la daala dhacaynaa abaaro iyo dhibaatooyin kale oo ka dhashay isbedelka cimilada taas oo ka liiftay in baadka iyo biyuhuba gabaabsi noqdaan, waxayna u baahan tahay in isku duubni iyo da’daal wadareed lagu wajaho”. Shirweynaha waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuummada, Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Xildhibaanno kamid ah Golaha Wakiillada, Guddoomiyeyaasha Gobolada, Taliyaha Ciidanka Booliska, Daneeyaasha arrimaha deegaanka Puntland & marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha oo ka qeyb-galay Shirweynaha 4-aad ee DeegaankaΒ  ( MUUQAAL) Read More Β»

Fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( SAWIRO)

Garoowe, November, 12 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta waxaa Guddiga Arrimaha Deegaanka & Khayraadka Golaha ay u soo gudbiyeen warbixin ku saabsan hindise-xeereedka Khayraadka Biyaha Puntland, kaas oo Goluhu curiyey, waxaana Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista & ansixinta hindise-xeereedkan oo muhiim u ah Puntland, doodaas oo socon doonta maalmaha soo socda sida uu dhigayo qodobka 58-aad ee xeer hoosaadka Golaha Wakiillada DPL. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( SAWIRO) Read More Β»

G/ ku-xigeenada Golaha Wakiillada oo sagootiyey G/Ku-xigeenka 1aad Golaha Shacabka ( Muuqaal)

Garoowe, November 08, 2022: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta sagootiyey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Shacabka BFS, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo maalmahan safar shaqo ku joogtay Puntland. Munaasabadda sagootinta oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ka qayb galay Xildhibaanno ka tirsan Puntland & DFS, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Xoghayeyaasha guud ee Baarlamaanada Puntland & Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Saraakiil kale. Guddoomiye Sacdiya ayaa uga mahadceliyey Dawladda iyo Shacabka Puntland sidii wanaagsanayd ee loo soo dhaweeyey, loona maamuusay intii joogeen Garoowe. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

G/ ku-xigeenada Golaha Wakiillada oo sagootiyey G/Ku-xigeenka 1aad Golaha Shacabka ( Muuqaal) Read More Β»

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa sagootiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ( MUUQAAL)

Garoowe: 06, November,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta sagootiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maalmahan safar shaqo ku joogay Puntland. Munaasabadda sagootinta oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ka qayb galay Xildhibaanno ka tirsan Puntland & DFS, Xoghayaasha guud ee Baarlamaanada Puntland & Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Saraakiil kale. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland sidii wanaagsanayd ee loo soo dhaweeyey, loona maamuusay intii joogeen Garoowe. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa sagootiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ( MUUQAAL) Read More Β»

Golaha Wakiillada oo qado-sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ( Muuqaal)

Garoowe 05, November,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta ka qayb galay Qado Sharafeed loogu sameeyey Beeraha Garoowe Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Mudane Aadan Maxamed Nuur oo ay wehliso Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar. Qado Sharafta oo Golaha Wakiilladu ku maanuusay weftiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee maalmahan safar shaqo ku joogay Garoowe ayaa waxaa ka qayb-galay Xildhibaanno ka tirsan DFS & Puntland, Senataro ka tirsan Aqalka sare, Xoghayaasha guud Baarlamanada Puntland & Golaha Shacabka, Duqa Garoowe iyo Howl-wadeenno ka tirsan Baarlamaanada Puntland & DFS. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Golaha Wakiillada oo qado-sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ( Muuqaal) Read More Β»

Guddoonka Golaha Shacabka Federalka ayaa booqasho ku yimi Aqalka Wakiillada ( SAWIRO)

Garoowe 05,November,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta Aqalka Wakiillada ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugan Puntland. Munaasabada soo dhaweynta waxaa ka qayb-galay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Golaha Shacabka BFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Xildhibaanno ka kala tirsan DFS & Puntland. Madaxda ayaa kormeeray Xafiisyada kala duwan ee Aqalka Wakiillada Puntland oo uu ku jiro Hoolka weyn ee Baarlamaanka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka DFS ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland shaqada muuqata oo ku soo kordhiyey Aqalka Wakiillada oo ay ku jiraan xafiisyo cusub oo loogu talagalay Guddiyada & Howl-wadeenada, si loo fududeeyo, loona casriyeeyo shaqada Baarlamaanka Puntland. Ugu dambeyn, Madaxda Goleyaasha Federalka & Puntland ayaa yeeshay shir gaar ah oo ay uga arinsanayaan sii xoojinta wada shaqeynta labada dhinac. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoonka Golaha Shacabka Federalka ayaa booqasho ku yimi Aqalka Wakiillada ( SAWIRO) Read More Β»

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada & Guddoomiyaha Shacabka oo la caweeyey Shacabka ( SAWIRO)

Garoowe 05,November,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil & Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay bulshada kula caweeyey Martisoor Hotel. Madaxda ayaa wakhti kula qaatay halkaasi dad kala duwan, waxaana ku wehlinayey Xildhibaanno ka tirsan DFS & Puntland, Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka iyo Saraakiil kale. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada & Guddoomiyaha Shacabka oo la caweeyey Shacabka ( SAWIRO) Read More Β»

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada & Madaxweyne ku-xigeenka oo booqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka ( SAWIRO)

Garoowe: 04, November, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil & Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta booqasho salaan ah ugu tagay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Mudane Aadan Maxamed Nuur, hoyga uu ka degan yahay qasriga Madaxtooyada Garoowe, halkaas oo kulan ku yeesheen madaxdu. Kulanka oo ahaa kala warqaadasho ayey madaxdu ku gorfeeyeen xaalada guud ee Soomaaliya iyo mida Puntland, waxaana madaxda oo ay wehliyaan masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Goleyaasha Puntland iyo Federalka ay kala qayb galeen tobanaan dad ah tukashada Salaada jimcaha, taas oo ka qabsoontay masaajidka Shuhadada ee ku yaala Madaxtooyada Garoowe. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada & Madaxweyne ku-xigeenka oo booqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka ( SAWIRO) Read More Β»

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo soo gaaray Garoowe ( Muuqaal)

Garoowe, November 03,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Garoowe ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS ahna ku-simaha Madaxweynaha JFS, Mudane Sh.Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wefti uu hoggaaminayo oo kasoo kicitimay Muqdisho. Munaasabada Soo dhaweynta oo ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ayaa sidoo kale waxaa qayb galay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Duqa Garoowe, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada DPL, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuummada Puntland, Xildhibaanno kamid ah DFS, Saraakiil & dadweyne kale. Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS uu ku yimid Puntland waxaa ku wehliya Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BFS, iyadoo inta Garoowe joogaan ka shaqeyn doonaan nidaaminta Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, Waxaana sanadihii hore shirarkan lagu qaban jiray dalka dibadiisa. Weftiga Guddooniyaha Golaha Shacabka ayaa markii ay soo degeen waxaa loo gudbiyey qaybta nasiinada ee Garoonka, halkaas oo ay kula hadleen Warbaahinta, iyagoo faah faahin ka bixiyey safarkooda iyo mudada uu qaadan doono. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo soo dhaweeyey weftiga ayaa uga warbixiyey xaalada Puntland oo ah mid wanaagsan, isagoo sheegay inta ay joogan Garoowe weftiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay ku marti qaadi doonaan kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo socda xilligan. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo soo gaaray Garoowe ( Muuqaal) Read More Β»

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa magacaabay Guddiga soo dhaweynta Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ( Qoraal)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa magacaabay Guddiga soo dhaweynta Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) & Wefti uu hoggaaminayo oo ku soo wajahan Puntland 3-da bishan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa magacaabay Guddiga soo dhaweynta Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ( Qoraal) Read More Β»

Scroll to Top