Golaha Wakiillada

Wararka

Shirka Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada ( SAWIRO)

Garoowe: October 03, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga todobaadla ah ee Guddiga joogtada ah. Fadhiga maanta waxaa diirada lagu saaray qorshaha kormeerka guddiyada Golaha wakiillada ay dhawaan ugu kuur-galayaan xaaladaha Amniga iyo Nabadgelyada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Deegaanka, Arrimaha Bulshada, Xuquuqada Insaanka iyo Mashaariicda, waxaana la isla qaatay in guddiyadu ay bilaabaan kormeerada ay ku tagayaan Gobollada Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Shirka Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada ( SAWIRO) Read More »

MP Abdullahi Yusuf Qaylo

Hon. MP Abdullahi Yusuf Qaylo is a member of the Puntland Parliament and he is the head of the Security Committee at the Parliament. Prior to this position, he had worked with several private institutions. He worked with Golis Telecommunication Company as an IT officer, developing websites and designing graphics. He later joined the Public Relations Department of the Company as he was directing the issuance of the company’s annual magazine. He also worked with Tadamun Social Society which is a humanitarian local organization. He participated in the project planning, project implementations, and awareness campaigns. He was also a lecturer at the University of Bosaso as he was teaching Information Technology courses which were mainly web developing and Graphic designs. MP Abdullahi had worked with research institutions and community organizations whom some of them he was the founder. He has also online free courses which many Somali students have benefited and still benefiting from. In education, he holds a bachelor’s degree in Information Technology and a Postgraduates in research methodology. Contacts: Email: qayloo@puntlandparliament.com Facebook: Abdullahi Yusuf Qayloo Twitter: Abdullahi Yusuf Qayloo

MP Abdullahi Yusuf Qaylo Read More »

Xiritaanka Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL ( Muuqaal/Sawiro)

Garoowe, Sep 26, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 31-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta oo ay goob-joog ahaayeen 56 Mudane, waxaa Golaha laga hor akhriyey codsi uu Golaha u soo gudbiyey Madaxweynaha Dawladda Puntland, kasoo ku saabsaanaa in magacaabidda xubnaha Garsoorayaasha Maxkamadda Sare dib loogu dhigo muddo 30 cisho ah, waxaa codsigaas Madaxweynaha Oggolaaday 42 Mudane, waxaa diidey 6 Mudane, halka ay ka aamuseen 8 Mudane. Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaarinta ay Maxkamadda Rafcaanku dhaarinayso mas’uuliyiinta magacaaban, arrintaas oo ka hor imanaysa Qodobka 132-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, oo sheegaya in qof kasta oo xil-sare ka qabanaya Dawladda Puntland ay dhaarinayso Maxkamadda Sare ee Dawladda Puntland. Sidaas darteed, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa faray in mas`uuliyiinta Sare ee Dawladda Puntland u hoggaansamaan Qodobka Dastuuriga ah ee kor ku xusan. Ugu dambeyntii, Gudddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriill ayaa soo xiray kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntlad

Xiritaanka Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL ( Muuqaal/Sawiro) Read More »

Xildhibaano ka qeyb-galay dhagax-dhiga Xarunta Xanaanada Xoolaha Deg.Waaciye (SAWIRO)

Waaciye: 25 September 2022: Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada DPL ayaa ka qeyb-galay munaasibadda dhagax-dhiga Xarunta Xanaanada Xoolaha, Degmada Waaciye, Gobolka Karkaar. Waxaa Xildhibaanada kala qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL, Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta DPL, Maamulka Gobolka Karkaar, kan Degmadda Waaciye iyo Waxgaradka Magaalada. Xarunta la dhagax dhigay oo dhawaan dhismaheeda la bilaabayo ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horeysay oo yeelato Waaciye. Dhanka kale, Xildhibaan Jaamac Yaasiin Jaamac ayaa isla maanta kormeer kutagay xarunta cusub ee Degmada Waaciye oo dhismaheeda uu gebo-gebo marayo, Dugsiga-sare iyo Cisbitaalka Magaalada, isagoo xog-wareysay baahiyaha jira iyo waxyaabaha u qabsoomay. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Xildhibaano ka qeyb-galay dhagax-dhiga Xarunta Xanaanada Xoolaha Deg.Waaciye (SAWIRO) Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Garoowe (SAWIRO)

Garoowe, September 17, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo mudooyinkii dambe safar ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda Puntland es Garoowe, iyadoo Garoonka Diyaaradaha ay kusoo dhaweeyeen Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanno, Wasiiro, Maamulka Gobolka Nugaal, Saraakiil iyo dadweyne kale. Guddoomiyaha oo soo dhaweyn kadib loosoo galbiyey qaybta nasiinada ee Garoonka ayaa la hadlay Warbaahinta, waxaana uu ka mahadceliyey soodhweynta sare ee loo sameeyey. Guddoomiyaha oo ka hadlay xaaladda dalka ayaa yiri “Kalfadhigii 50-aad ee Goluhuna waa inoo furanyahay, waxaan rajeyn doona in dhakhso aan u howlgali doono, marka aan latashado Guddoomiye ku-xigeenada iyo Guddiyada Golaha”. Guddoomiyaha oo u hambalyeey Doorashadii Golaha Degaanka ee Degmada Eyl oo lagu doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen iyo sidoo kale, Barnaamijka Dimiqraadiyada Puntland, ayaa dhinaca kale shacabweynaha reer Puntland u sheegay in 8-da January 2024 uu marwalba uu dalku doorasho gali-doono. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Garoowe (SAWIRO) Read More »

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna G/Ku/ Xigeenka 1-aad oo kulan la qaatay Hay’adda UNFPA ( SAWIRO)

Garoowe, September 14 2022: Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa maanta Aqalka Wakiillada ku qaabilay Dr. Maryan Qaasim oo kasocotay Hay’adda UNFPA. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta Dawladda Puntland iyo UNFPA iyo sidii loo sii labo jibaari lahaa Shaqooyinka Hay’addu ay ka wado deegaanada Puntland. Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb-galay Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilladda iyo saraakiil ka socotay hay’adda UNFPA xafiiskeeda Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna G/Ku/ Xigeenka 1-aad oo kulan la qaatay Hay’adda UNFPA ( SAWIRO) Read More »

Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna G/K/X 2-aad ee Golaha Wakiillada ayaa Daah-furay mashruuc ka shaqaynta Horumarka Haweenka Puntland ( SAWIRO)

Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta Daah-furay mashruuc ka shaqaynta Horumarka Haweenka Puntland. Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada DPL waxaa ku wehlinayey xubno ka tirsan Goleyaasha Dawladda, isaga oo xusay in Haweenka Soomaaliyeed ay kaalin muuqata ku leeyihiin dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, waxa uuna boggaadiyey mashruuc ka shaqaynta Horumarka Haweenka, iyo ka qayb galaan siyaasadda & hoggaaminta. Mashruucaan ayaa xooga saaraha arrimaha Waxbarashada, Nabadda, Caafimaadka ganacsiga iyo doorka Haweenka ee ka qeyb-galka Siyaasadda dalka. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna G/K/X 2-aad ee Golaha Wakiillada ayaa Daah-furay mashruuc ka shaqaynta Horumarka Haweenka Puntland ( SAWIRO) Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa kulan la qaatay Jaalliyadda Puntland ee dalka Denmark ( SAWIRO)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa kulan la qaatay Jaalliyadda reer Puntland ee ku nool dalka Denmark. Kulanka ayaa iyaguna waxaa ka qayb ahaa Jaalliyadaha Soomaalida ee ku nool Magaalada Aarhus ee dalka Denmark. Guddoomiyaha ayaa Jaalliyadda reer Puntland uga warbixiyay xaaladda guud ee Dalka, horumarrada ay ku tallaabsatay Dawladda Puntland, iyo qorshayaasha socda, isaga oo kula dar-daarmay Jaaliyadda inay kaalin ka qaataan horumarka, iyo maalgashiga dalka. Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay Jaalliyadda inay gacan ka gaystaan u gurmashada dadka reer Puntland ee ay abaaruhu waxyeelleeyeen muddooyinkii dambe. Dhinaca kale, Guddoomiyaha Jaalliyadda Puntland ee Magaalada ÅRHUS ee dalka Denmark Abshir Shiikhdoon ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL uga war-bixiyey xaaladda Qurba-joogta reer Puntland ee ku nool dalka Denmark, kaalintooda ku aadan inay qeyb ka noqdaan horumarka, maalgashiga Puntland iyo gurmadka Abaaraha. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa socdaal ku jooga maalmahaan dalka Denmark. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa kulan la qaatay Jaalliyadda Puntland ee dalka Denmark ( SAWIRO) Read More »

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna G/ K/ Xigeenka 2aad oo ka qeyb-galay soo dhaweynta Madaxweynaha JFS ( SAWIRO)

Garoowe, Agoosto 25, 2022: Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweynaha DPL Mudane, Siciid Cabdullahi Deni, Madaxweyne ku xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cusmaan Karaash, qaar ka mid ah Goleyaasha Dawladda ayaa ka qeyb galay soo dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya Mudane, Xassan Sheikh Maxamuud oo maanta soo gaaray Caasimadda Garoowe. Socdaalka Madaxweynaha JFS waxaa qeyb ka ahaa xubno ka mid ah Goleyaasha JFS. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna G/ K/ Xigeenka 2aad oo ka qeyb-galay soo dhaweynta Madaxweynaha JFS ( SAWIRO) Read More »

Scroll to Top