Golaha Wakiillada

Wararka

Wefti ballaaran oo ka kooban goleyaasha dowladda ayaa safar shaqo ku tegey degmada Isku-shuban ee gobolka Bari.

Isku-shuban – 11ka Maajo 2025: Wefti ballaaran oo ka kooban goleyaasha dowladda ayaa safar shaqo ku tegey degmada Isku-shuban ee gobolka Bari. Waftigan oo qeyb ka ahaayeen Xildhibaannada oo kala ahaa; Bashiir Mire Axmed, Maxamed Salaad Cabdi Iyo Cabdikhaaliq Maxamed Maxamuud ayaa jeedka safarkoodu daarranaa kormeer iyo xog-ururin ku saabsan xaaladda guud ee degmada, gaar ahaan arrimaha amniga, adeegyada bulshada, iyo horumarka ka socda deegaanka. Weftiga ayaa kulammo la qaatay maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo dhegeystay talooyin iyo cabashooyin la xiriira baahiyaha deegaanka. Sidoo kale, weftigu waxa ay booqdeen mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey degmada, kuwaas oo ay fuliyeen Wasaaradaha Caafimaadka iyo Beeraha Dowladda Puntland. Xildhibaannada ka soo jeeda deegaanka ayaa door mug leh ka qaatay hirgelinta iyo kormeerka mashruucyadan, iyagoo ku dadaalayay in la xaqiijiyo in adeegyadaas si hufan uga faa’iideystaan shacabka degmada. DHAMMAAD –

Wefti ballaaran oo ka kooban goleyaasha dowladda ayaa safar shaqo ku tegey degmada Isku-shuban ee gobolka Bari. Read More »

Guddiyada Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimoqraadiyada iyo Maaliyadda, Dhaqaalaha, & Xisaabaadka Golaha Wakiillada.

Garowe – 10-ka Maajo 2025 – Guddiyada Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimoqraadiyada iyo Maaliyadda, Dhaqaalaha, & Xisaabaadka Golaha Wakiillada ayaa kulan Muhiim ah la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda. Guddiyadan oo ka duulaya Waajibaadyada shaqo ee ay u xilsaaran yihiin ayaa soo qaban-qaabiyey kulanka oo ujeedadiisu ahayd dabagalka Xeer Lr. 04 ee 14/08/2012, kuna saabsan Sharciga Mideynta Canshuuraha D/hoose kaas oo cabasho ka timi dadweynaha ka dib Golaha Wakiilladu go’aamiyey in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo. Ugu horeyn, waxaa Wasaaradaha sare ku xusan laga dhagaystay warbixino la xiriira dhaqangalka iyo caqabadaha ka jira Xeerka Mideynta Cashuuraha Dawladaha hoose, waxayna guddiyadu wax ka waydiiyeen cabashooyin ka yimi dadweynaha oo la xiriira noocyada iyo qiimaha cashuuraha dawladaha hoose qaadaan. Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa la isla qaatay in Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Maaliyaddu ay guddi farsamo u saaraan wax ka bedelka iyo kaabista Xeer Lr. 04 ee 14/08/2012, kuna saabsan Sharciga Mideynta Canshuuraha D/hoose ee Puntland iyadoo la fulinayo go’aanka Golaha Wakiillada isla markaasna laga jawaabayo cabashooyinka ka iminaya dadweynaha, lana horkeeno Golaha Wakiillada ka hor Kalfadhiga Oktoobar, 2025. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Golaha Wakiillada ee ku aaddan la xisaabtanka iyo korjoogteynta hay’adaha fulinta, si loo xaqiijiyo in adeegyada dowladda ay gaaraan shacabka Puntland si waafaqsan sharciga dalka. DHAMMAAD –

Guddiyada Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimoqraadiyada iyo Maaliyadda, Dhaqaalaha, & Xisaabaadka Golaha Wakiillada. Read More »

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada ayaa daah furay shirka bahda caddaaladda puntland.

Boosaaso, Abriil 28, 2025 –Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Maxamed Baarri Shire, ayaa si rasmi ah u daah furay shir ballaaran oo lagu mideynayay Bahda Caddaaladda Puntland iyo hay’adaha kala duwan ee Dawladda iyo kuwa aan dawliga ahayn ee ka howlgala gobolka. Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa ka soo qayb galay hay’adaha garsoorka, amniga iyo caddaaladda Puntland, oo ay ka mid yihiin maxkamadaha, Maxkamadda Ciidamada, Booliska, Asluubta, culimada, garsoorka dhaqameed, iyo madaxda maamulka gobolka Bari iyo degmada Boosaaso. Ujeeddada shirka ayaa ahayd in kor loo qaado iskaashiga hay’adaha caddaaladda, la dardargeliyo adeegyada garsoorka ee degmooyinka gobolka, lana xoojiyo kalsoonida iyo wadashaqeynta ka dhaxaysa dowladda Puntland iyo bulshada rayidka ah. Mudane Guddoomiye Maxamed Baarri Shire ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay kobcinta adeegyada caddaaladda, isla markaana uu wax weyn ka tarayo adkeynta nidaamka garsoorka. Wuxuu carabka ku adkeeyay in Puntland ka go’an tahay in la helo nidaam caddaaladeed oo hufan oo ku dhisan cadaalad iyo daahfurnaan. – DHAMMAAD

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada ayaa daah furay shirka bahda caddaaladda puntland. Read More »

XUBNO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILLADA OO KA QAYB GALAY FURITAANKA SHIRWEYNAHA MAALGASHIGA CAAFIMAADKA PUNTLAND.

Garoowe, 21 April 2025: Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa maanta ka qayb galay shirweynaha Maalgashiga Caafimaadka Puntland, kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland. Furitaanka Shirka waxaa ka soo qaybgalay Madaxweyne ku-xigeenka DPL, xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, qaar ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adaha madaxa bannaan, Khuburo ka socota bahda caafimaadka, qeybo ka mid ah Maamulada Degmooyinka Puntland, Hay’adaha caalamiga ah ee taageera dhanka caafimaadka, ururada bulshada iyo marti sharaf kale. Sida ku cad qodobka 33-aad ee Dastuurka, Dowladda Puntland waxaa mas’uuliyad ka saran tahay in ay daryeesho caafimaadka guud ee dadweynaha gaar ahaan carruurta iyo haweenka, iyadoo Dastuurku uu ogolyahay furashada rugo caafimaad iyo cusbitaalo, waxaana ka kormeeraya xukuumadda, iyadoo shirkani uu ku soo beegmay xilligii loo baahnaa in dib loo eego guulaha la gaarey iyo caqabadaha jira ee ku geedaaman adeegga caafimaadka. Golaha Wakiillada waxaa shirka ku metelayey, isla markaasna qeyb ka ah Xildhibaan Cabdicasiis Axmed Saalax- Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Golaha Wakillada, Xasan Yuusuf Majabe- Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Ee Golaha Wakillada DPL iyo Cabdirisaaq Xiddig Warsame -Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakillada DPL, waxayna xildhibaanada oo hadal ka jeediyey kulank ay si weyn u soo dhaweeyeen shirweynaha maalgashiga Caafimaad, iyadoo xusay in ay diyaar u yihiin in ay door muhiim ah ka qaatay dhaqangelinta go’aamada ka soo baxa shirka. Golaha Wakiillada wuxuu ahmiyad gaar ah siinayaa helitaanka adeeg caafimaad oo tayo leh, isla markaasna jaban, iyagoo soo saaray xeerar lagu nidaanimayo arrimaha caafimaadka iyo dhiirigelinta maalgashiga. Dhan kale, isagoo ka duulaya cabashada dadweynaha waxaa qorshaysan in dib u habeyn lagu sameeyo xeerarka hadda jira oo qaarkood aysan la jaanqaadi Karin waqtigan, lana sameeyo xeerar cusub iyo kaabista kuwii jiray. Sidoo kale, waxaa qorshaysan in kor loo qaado qoondada miisaaniyadeed ee caafimaadka si adeegga caafimaad loo gaarsiiyo dadweynaha, xalnal loogu helo daboolidda caafimaad ee jirta. Shirka oo socon doona muddo laba beri waxay xubnaha Baarlamaanku ka qeyb gelin doonaan doodaha iyo aragti wadaagga maalgashiga Caafimaadka. -DHAMMAAD- Wixii faah-faahin ah kala xiriir: Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda.

XUBNO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILLADA OO KA QAYB GALAY FURITAANKA SHIRWEYNAHA MAALGASHIGA CAAFIMAADKA PUNTLAND. Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa maanta kulan la qaatay dhallinyarada Gobolka Bari.

Boosaaso, February 22, 2025 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta kulan la qaatay dhallinyarada Gobolka Bari, kaas oo looga hadlay doorka dhallinyarada ee halganka, garab istaagga Ciidanka, iyo amniga guud ee Puntland. Guddoomiyaha ayaa mid mid u dhageystay talooyinka dhallinyarada ee la xiriira amniga, doorkooda ku aaddan nabadgelyada, iyo horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka, ciyaaraha, farsamada gacanta, iyo shaqo abuurka dhallinyarada Gobolka Bari. “Dhallinyaradu waa laf-dhabarta Puntland, waana hoggaamiyeyaasha maanta. Waa in la xoojiyo kaalintooda, loo abuuro fursado shaqo iyo horumarin, si ay gacan uga geystaan dhismaha Dowladnimo, nabadda, iyo amniga Puntland.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdrisaaq Axmed Siciid. Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in dhallinyaradu door weyn ka qaataan sugidda amniga, la dagaallanka xagjirnimada, iyo xoojinta wadajirka bulshada. Wuxuu ballan qaaday in talooyinkooda la tixgelin doono, lana xoojin doono dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo amniga. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa maanta kulan la qaatay dhallinyarada Gobolka Bari. Read More »

SHIR LOOGA HADLAY NAFAQADA IYO WAX-SOOSAARKA OO KA QABSOOMAY GOLAHA WAKIILLADA.

Garoowe, December 31, 2024 – Kulanka Isku-Duwidda ee La Xiriira Ka-Qaybgalka Baarlamaanka ee Dhaqdhaqaaqa Kor u Qaadista Nafaqada Puntland (SUN) ayaa maanta ka dhacay aqalka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Kulankan ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey sidii loo xoojin lahaa wax-soosaarka gudaha iyo yareynta nafaqo-darrada, waxaana kasoo qaybgalay xubno ka tirsan Guddiyada Golaha Wakiillada. Shirku wuxuu xooga saaray doorka muhiimka ah ee Golaha Wakiillada ee dejinta siyaasadaha iyo sharciyada ka turjumaya baahiyaha bulshada, gaar ahaan kuwa la xiriira nafaqada iyo wax-soosaarka. Waxaa sidoo kale la isla gartay in la xoojiyo wada shaqeynta dowladda, hay’adaha caalamiga ah, iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo horumar waara. Guddoomiyaha Kuxigeenka Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta, Xildhibaan Axmed Bille Siciid, iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame, ayaa bogaadiyey dadaallada socda ee lagu horumarinayo wax-soosaarka gudaha iyo yareynta nafaqo-darrada. Waxay sidoo kale sheegeen in Golaha Wakiillada uu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato hirgelinta qorshayaasha dowladda ee la xiriira arrimahan. Ugu dambeyn, xubnaha guddiyada Golaha Wakiillada ayaa ballanqaaday inay taageeri doonaan dadaallada iyo juhdiga lagu horumarinayo nafaqada iyo wax-soosaarka gudaha, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan sameynta sharciyo taageeraya horumarkan. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

SHIR LOOGA HADLAY NAFAQADA IYO WAX-SOOSAARKA OO KA QABSOOMAY GOLAHA WAKIILLADA. Read More »

Fadhiga 20-aad, Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada.

Fadhigan ayaa si qoto dheer looga wada hadlay qodobo dhowr ah; Garowe, Nofeembar 27, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 20-aad, Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada. Fadhigan ayaa si qoto dheer looga wada hadlay qodobo dhowr ah; Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa Golaha la wadaagay ajandaha fadhiga maanta, waxa uuna ugu horayn u yeeray Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha si ay u soo jeediyaan buuxinta kursiga bannaan ee Golaha. Intaa kadib, Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha, Mudane Maxamed Siciid Qoslaaye, ayaa soo jeediyay in Liibaan Bedel Shiikh Maxamuud uu si rasmi ah uga mid noqday Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, kadib markii uu buuxiyay dhammaan shuruudaha. Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha Wakiillada ayaa soo jeediyay in la buuxiyo kursi bannaan oo ka mid ah xubnaha golaha. Dhaariinta iyo aqoonsiga Liibaan Bedel Shiikh Maxamuud. Sidoo kale, fadhiga ayaa lagu ansixiyey xasaanadda Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland, Mudane Faarax Aw Cismaan. Xasaanaddan ayaa si rasmi ah u aqoonsanaysa xilka Wasiiru Dowlaha, taasoo ka dhigan in Mudane Faarax uu si hufan uga hawlgali doono Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland, taasoo qayb ka ah dadaallada Dawladda ee horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadda gobolka. Dhinaca kale, Golaha Wakiillada ayaa xubnaha golaha u qeybiyey qabyo-qoraalka Miisaaniyadda Dawladda Puntland ee sannadka 2025, taasoo maanta ay soo gudbiyeen Wasaaradda Maaliyadda, waxaana lagu wareejiyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland. Intaa waxaa dheer, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa magacaabay labo guddi kuwaas oo kala ah; Guddiga soo ururinta xogta gobollada, kuwaas oo loo xil-saaray ururinta iyo falanqaynta xogta ku saabsan xaaladaha gobollada Puntland, taasoo gacan ka geysan doonta qorsheynta horumarineed ee deegaanada kala duwan. Sidoo kale, Guddiga la xisaabtanka Golaha Xukummadda iyo xogta arrimaha garsoorka ayaa loo magacaabay si loo xoojiyo isla xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka dowladda, iyagoo ka shaqeyn doona hubinta in maamulka Puntland uu u shaqeeyo si cadaalad ah oo hufan. Golaha Wakiillada Dawladda Puntland wuxuu sii wadi doonaa dadaalladiisa ku aaddan hirgelinta mashaariicda iyo siyaasadaha muhiimka ah ee dalka, isagoo ka shaqeynaya sidii loo abuuri lahaa horumar waara oo ka tarjumaya baahiyaha shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Fadhiga 20-aad, Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada. Read More »

FADHIGA 19-AAD, KALFADHIGA 55-AAD EE GOLAHA WAKIILLADA.

Garowe, Nofeembar 26, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada. Kulanka ayaa waxaa si gaar ah uga soo qeyb-galay Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka Puntland, kuwaas oo su’aalo kala duwan looga weydiiyey xaaladda guud ee garsoorka Puntland. Arrimaha si gaar ah diiradda loo saaray waxaa ka mid ah hufnaanta, madax-bannaanida garsoorka, iyo dib-u-habaynta nidaamka caddaaladda. Ugu horreyn, waxaa hadal kooban Golaha ka jeediyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dawladda Puntland, Mudane Xassan Yuusuf Nuur, oo ka hadlay doorka muhiimka ah ee maxkamadaha iyo garsoorka Puntland ee xaqiijinta cadaaladda. Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka Puntland ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda iyo horumarka adeegyada garsoorka ee Puntland, iyagoo sidoo kale iftiimiyey qorshayaasha lagu xoojinayo adeegyadaas. Xogta la soo bandhigay waxay muujineysaa in sannadkan uu xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ka shaqeeyey 5,085 dacwo. Sidoo kale, Guddiga ayaa iftiimiyey qorshayaasha lagu xoojinayo adeegyadaas iyo fulinta go’aamada ay Maxkamadu soo saartay iyo sare u qaadista adeegga garsoorka si loo gaarsiiyo deegaanada aan weli laga hirgelin maxkamado iyo hannaanka horumarinta Garsoorka Puntland iyo sidii caqabadaha looga gudbi lahaa. Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa si qoto dheer uga dooday caqabadaha haysta garsoorka, iyaga oo xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in bulshada loo fidiyo adeeg caddaaladeed oo waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Cabdirisak Axmed Siciid, ayaa ku booriyey wada-shaqeynta joogtada ah ee hay’adaha sharci-dejinta iyo garsoorka, isagoo sheegay in wada-shaqeyntan ay lagama maarmaan u tahay xaqiijinta caddaalad loo siman yahay oo hufan. Golaha Wakiillada ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan la xisaabtanka iyo dhiirrigelinta hay’adaha dowladda, si loo xaqiijiyo in Puntland ay hesho nidaam garsoor oo caddaalad ku dhisan. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

FADHIGA 19-AAD, KALFADHIGA 55-AAD EE GOLAHA WAKIILLADA. Read More »

GOLAHA WAKIILLADA AYAA ANSIXIYEY WAX-KA-BEDDELKA XEERKA QAREENNADA PUNTLAND.

Garoowe, Nofeembar 12, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Ajendaha kulankan ayaa ahaa sii wadista doodda iyo ansixinta Wax-ka-beddelka Xeerka Qareennada Puntland, oo isbeddel iyo kaabis ay ku sameeyeen Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka ee Golaha Wakiillada. Guddigu waxa uu maanta Golaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyey xeerka, si loo turxaan bixiyo loona waafajiyo Dastuurka iyo sharciyada Puntland. Fadhiga maanta oo ahaa maalintii saddexaad ee doodda ku saabsan xeerkan, ayaa si gaar ah loogu falanqeeyey qodobada muhiimka ah ee wax laga beddelay iyo kuwa cusub ee lagu soo kordhiyey. Guddigu, isaga oo ku salaynaya Qodobka 58.5-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada iyo Qodobka 64.1-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, ayaa dib u eegis iyo kaabis ku sameeyey xeerkan, kadibna wuxuu soo gudbiyey akhrinta saddexaad ee fadhigan. Intii uu Guddigu diyaarinayey soo jeedinta, waxa uu talo iyo tusaale ka helay Wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dawladda Puntland, Ururka Qareennada, iyo hay’ado kale oo muhiim ah oo arrimaha sharciga khuseeya. Sidoo kale, waxaa la barbar dhigay xeerarka dalalka dariska ah si loo hubiyo waafaqsanaanta iyo tayada xeerka. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa si qoto dheer uga dooday isbeddellada lagu sameeyey xeerkan, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay horumarinta nidaamka caddaaladda Puntland, si loo helo nidaam sharci oo la isku halleyn karo. Xeerka Qareennada Puntland, oo muhiim u ah shaqada qareennada, ayaa loogu talagalay in uu xoojiyo ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta xuquuqda dadka, isagoo siinaya qareennada awood ay si madaxbannaan ugu shaqeeyaan. Xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Wax-ka-beddelka Xeerka Qareennada Puntland. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

GOLAHA WAKIILLADA AYAA ANSIXIYEY WAX-KA-BEDDELKA XEERKA QAREENNADA PUNTLAND. Read More »

Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland

  ·  Garoowe, Nofeembar 10, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Ajendaha kulankan ayaa ahaa ka doodista iyo ansixinta Wax-ka-beddelka Xeerka Qareennada Puntland, oo ay Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka ee Golaha Wakiillada ku sameeyeen isbeddel & kaabis. Guddigu waxa uu maanta Golaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyay xeerka, si loo turxaan bixiyo una waafajiyo Dastuurka iyo sharciyada Puntland. Fadhiga maanta oo xildhibaannadu ku lafagureen xeerka, ayaa waxa si gaar ah loogu falanqeeyey qodobada muhiimka ah ee wax laga beddelay iyo kuwa cusub ee lagu soo kordhiyey xeerka. Guddigu, isaga oo ku salaynaya Qodobka 58.5-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada iyo Qodobka 64.1-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, ayaa dib u eegis iyo kaabis ku sameeyey xeerkan, ka dibna wuxuu soo gudbiyey akhrinta saddexaad ee fadhigan. Guddiga ayaa intii uu diyaarinayey soo jeedinta, talo iyo tusaale ka helay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dawladda Puntland, Ururka Qareennada, iyo hay’ado kale oo muhiim ah oo ay khusayso arrimaha sharci. Sidoo kale, waxaa la barbar dhigay xeerarka dalalka dariska ah si loo hubiyo waafaqsanaanta iyo tayada xeerka. Guddoomiyaha Guddiga ayaa caddeeyey in dood iyo falanqayn dheer ka dib la sameeyey wax-ka-beddel iyo kaabis ay ku jiraan: 14 qodob oo la tiray ama laga saaray xeerka. 4 qodob oo cusub oo lagu soo kordhiyey. 28 qodob oo wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey. Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa ka dooday isbeddelada lagu sameeyey xeerka, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la horumariyo nidaamka caddaaladda Puntland, si loo helo nidaam sharci oo la isku halleyn karo. Xeerka Qareennada Puntland oo ah xeer muhiim u ah shaqada qareennada, ayaa loogu talagalay in uu xoojiyo ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta xuquuqda dadka, isagoo siinaya qareennada awood ay si madaxbannaan ugu shaqeeyaan. Dooda la xiriirta Wax-ka-bedelka Xeerka Qareennada Puntland ayaa sii socon doonta maalmaha soo socda Haddii Alle idmo. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland Read More »

Scroll to Top