Golaha Wakiillada

Wararka

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha, ayaa maanta kulan qado-sharaf ku maamuusay wafdi ka kooban isimada dhaqanka,Guddiga Hormarinta Degmada Gaalkacayo iyo ganacsatada Gobolka Mudug.

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 𝟐𝟔 𝐎𝐤𝐭𝐨𝐨𝐛𝐚𝐫 𝟐𝟎𝟐𝟓 – Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Mohamed Mahamud Esse, oo hormuud u ah mas’uuliyiinta labada gole ee dowladda ku matala Gobolka Mudug, ayaa maanta qado-sharaf ku maamuusay wafdi ballaaran oo ka kooban isimada dhaqanka,Guddiga Hormarinta Deg Gaalkacayo iyo ganacsatada Gobolka Mudug, kuwaas oo howlo shaqo u jooga caasimadda Puntland. Wafdiga waxaa hoggaaminayay 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐧 𝐁𝐚𝐬𝐡𝐢𝐢𝐫 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐞, waxaana sidoo kale ka mid ahaa ganacsato ka yimid waddamada Bariga Afrika iyo masuuliyiin kale oo ka soo jeeda Gobolka Mudug. Munaasabaddan qado-sharafta ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaa ka soo qayb galay isimada dhaqanka, mas’uuliyiinta labada gole ee dowladda ku metela Gobolka Mudug, ganacsato iyo siyaasiyiin reer Mudug ah. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta xiriirka wada-shaqeynta, dhiirrigelinta horumarka, iyo wadatashiga ku aaddan danaha guud ee shacabka Puntland, gaar ahaan Gobolka Mudug. DHAMMAAD –

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha, ayaa maanta kulan qado-sharaf ku maamuusay wafdi ka kooban isimada dhaqanka,Guddiga Hormarinta Degmada Gaalkacayo iyo ganacsatada Gobolka Mudug. Read More »

Fadhiga 2-aad ee kal-fadhiga 57-aad

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 𝟐𝟔 𝐎𝐤𝐭𝐨𝐨𝐛𝐚𝐫 𝟐𝟎𝟐𝟓 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhigan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray 𝐤𝐚 𝐝𝐨𝐨𝐝𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱-𝐤𝐚-𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝, iyadoo loo marayo habraaca uu qeexayo Qodobka 42-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha. Intaas kaddib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa si rasmi ah u guda galay doodda iyo ansixinta Ajandayaasha, waxaana ugu dambeyn ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 57-aad. Ajandahaas la ansixiyay ayaa si rasmi ah loogu qaybin doonaa Xildhibaannada Golaha maalinta berri oo ku beegan 𝟐𝟕 𝐎𝐤𝐭𝐨𝐨𝐛𝐚𝐫 𝟐𝟎𝟐𝟓, si loo guda galo ajandayaasha ku xusan. DHAMMAAD –

Fadhiga 2-aad ee kal-fadhiga 57-aad Read More »

Furitaanka Kal-fadhiga 57-aad Ee Golaha.

Garowe, 25 Oktoobar 2025- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlada Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa goob joog ahaa Furitaanka Kal-fadhiga 57-aad Ee Golaha. Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka H.E Ilyas Osman Lugatoor, Xildhibaannada Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer ilaaliyaha Guud, Xubno katirsan Garsoorka, Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Duqa Garoowe, Isimo, Culimo, hay’ado caalami ah, ururrada bulshada rayidka ah, saraakiil iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga, isagoo si qoto dheer uga hadlay Waxqabadkii Golaha ee mudada labada kala fadhi,doorka Baarlamaanka 6-aad ee dhinacyada metelaadda shacabka, xeer-dejinta, kormeerka hay’adaha dowladda iyo samaynta korjoogtaynta iyo gaarista Dadweynaha iyo qorshasha kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka horjeediyey Golaha waxqabadka Xukuumadda muddadii u dhaxayasey labada kalfadhi, islamarkaana si rasmi u furay Kal-fadhiga 57-aad, sida ku xusan qodobka 80-aad, farqaddiisa 12-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland. DHAMMAAD –

Furitaanka Kal-fadhiga 57-aad Ee Golaha. Read More »

Agaasimaha Warbaahinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf, ayaa ka qayb galay kulan uu Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada Dowlada Puntland,

Garoowe, 23 Oktoobar 2025 — Agaasimaha Warbaahinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf, ayaa maanta ka qayb galay kulan muhiim ah oo uu Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada Dowlada Puntland, Abdirizak Hidig Warsame, la qaatay howl-wadeennada Golaha, kaasoo diiradda lagu saaray diyaar-garowga furitaanka 𝐊𝐚𝐥-𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha. Agaasimaha Warbaahinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf, waxay Xoghayaha la wadagey warbixin ku saabsan sida waaxyahoodu ugu diyaar garoobeen kala fadhiga, iyadoo la isla meel dhigay talaabooyinka lagama maarmaanka ah ee kor u qaadaya hufnaanta shaqada Golaha. Ugu dambayn, Xoghayaha Golaha ayaa kula dardaarmay dhammaan shaqaalaha in ay si daacadnimo leh oo hufan u gutaan waajibaadka ka saaran hirgelinta howlaha Golaha, gaar ahaan intuu socdo kala fadhigu. DHAMMAAD –

Agaasimaha Warbaahinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf, ayaa ka qayb galay kulan uu Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada Dowlada Puntland, Read More »

Kulanka Guddiga Siyaasadda,Qorshaynta,Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo Wasaaradda Qorshaynta.

Garoowe , 21 Oktoobar 2025 — 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚, 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚, 𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚, 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐥𝐚𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡. Kulanka oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga, 𝐗𝐢𝐥𝐝𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐞 𝐂𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐧, ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray waajibaadka Guddiga ee kor-joogtaynta hay’adaha dowladda, waxaana guddigu uu warbixin dhammaystiran ka dhegeystay mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta, Mashaariicda ka socda Puntland, tiradooda, Noocyada ay u qayb samaan. Sidoo kale Wasaaraddu waxay ka war bixisay Qorshaha Horumarinta 5 ta sanno ee ay gacanta ku hayso, halkuu marayo iyo caqabadaha ku gadaaman, sanduuqa horumarinta Puntland iyo dhisidda Xafiiska Qurba joogta Puntland oo ay hadda gacanta ku hayaaan. Ugu dambayn, Guddiga wuxuu Wasaaradda Su’aalo ka weydiiyey shaqooyinkeeda kuna dhiirigeliyey inay sii horumariyaan, iyadoo guddigu na uu ka balan qaaday wixii caqabado ee haystana inuu kala shaqayn doono sidii looga gudbi lahaa. DHAMMAAD –

Kulanka Guddiga Siyaasadda,Qorshaynta,Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo Wasaaradda Qorshaynta. Read More »

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚, 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝.

Garowe, 20 Oktoobar 2025- 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚, 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay Xarunta Golaha, kulankaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee arrimaha gudaha dalka. Kulanka, oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan CabdirisaaqJaamac Aadan, ayaa lagu falanqeeyey warbixino laga soo ururiyey gobollada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo la xiriira xaaladda amni, maamul, iyo horumarka adeegyada dadweynaha. Warbixinahaasi waxay xambaarsanaayeen xogo dhabta ah oo laga keenay shacabka iyo mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo, taas oo qeyb ka ah dadaallada Guddigu ugu jiro la socodka iyo korjoogtaynta xaaladaha dhabta ah ee ka jira gudaha . Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah loogu lafa-guray diyaarinta qorshaha shaqo ee Guddiga ee Kalfadhiga 57-aad ee soo socda, iyadoo la isla meel dhigay arrimaha mudnaanta leh ee u baahan in si gaar ah loo eego mudada kalfadhigaasi. Guddigu waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo ka go’naanshiyaha Golaha Wakiillada in si hufan loo fuliyo waajibaadka dastuuriga ah ee saaran Guddiga Arrimaha Gudaha. Gabagabadii kulanka ayaa Guddigu ku balamay in la sii wado shaqada iyadoo kulamo lala yeelanayo Hay,adaha Kala duwan ee uu guddigu kor joogtaynta ku leeyahay. DHAMMAAD –

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚, 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝. Read More »

Kulanka Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Garoowe, 18 Oktoobar 2025— Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo lagaga hadlayey xaaladda Guud ee dhaqaalaha Puntland iyo dabagalka Miisaaniyadda 2025. Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in goluhu xog ka helo arrimaha dhaqaalaha dalka, daba galo nidaamka guud ee maaliyadda, kharash bixinta qoondada miisaaniyadda hay’adaha dawladda, islamarkaana lagu kor-joogteynaya dhaqan-gelinta Miisaaniyadda 2025 ee Goluhu ansixiyey. Waxaa si gaar ah loo kor istaagay xaquuqda shaqalaha, ciidamada iyo guud ahan cabashooyinka jira. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Md. Maxamed Faarax Maxamuud ayaa ka warbixiyey guulaha ay gaartey Wasaaraddu ee ku aaddan dhakhli ururinta, kharash bixinta, caqabadaha jira iyo sidii si wadajar ah xal loogu helihaa caqabadaha jira. Ugu dambayntii, dood iyo falanqayn dheer kadib Golaha ayaa kula dar-daarmay wasaaradda maaliyadda adkeynta Ilaalinta xuquuqaadka shaqaalaha, ciidamada iyo hay’adaha dawladda, iyadoo la soo jeedeyey xalal ku saabsan bixinta xuuqaha iyo culaysyada kale iswaafajintooda. Dhinaca kale, waxaa Wasaaradda maliyadda la faray, dar-dargelinta dakhli Ururinta, beekhaaminta kharashka iyo bixinta, iyadoo loo balamay kulamo kale. DHAMMAAD –

Kulanka Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Read More »

Guddiga Golaha wakiilada ayaa kormeer ku sameeyey xarumaha dowladda iyo kuwa arrimaha bulshada degmada Baargaal.

Baargaal, 8 Oktoobar 2025 – Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee safarka shaqo ku jooga gobollada Bari iyo Raasasaayr ayaa maanta kormeer iyo u kuurgal ku sameeyey xarumaha dowladda iyo kuwa arrimaha bulshada ee degmada Baargaal. Guddigan oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, Maamulka Gobolka iyo Maamulka Degmada Baargaal ayaa booqday xarumo ay ka mid yihiin Cisbitaalka guud ee degmada, Dugsiga Sare, Xarunta Agoonta, Saldhigga Booliska iyo Xarunta Dawladda Hoose Intii uu socday kormeerka, mas’uuliyiinta xarumahaasi waxay guddiga la wadaageen warbixino ku saabsan baahiyaha ka jira, caqabadaha ay la tacaalayaan iyo horumarka laga gaaray adeegyada bulshada. Dhanka kale, Guddiga ayaa sidoo kale ka qayb galay munaasabad lagu dhagax dhigay Jaamacadda Raasasaayr oo laga hirgelinayo degmada Baargaal, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo waxbarashada sare ee gobolka. DHAMMAAD

Guddiga Golaha wakiilada ayaa kormeer ku sameeyey xarumaha dowladda iyo kuwa arrimaha bulshada degmada Baargaal. Read More »

Guddiga golaha Wakiillada ayaa kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ah ee Degmada Ufayn

Ufayn, 7- Oct- 2025 — Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobollada Bari iyo Raas’sayr ayaa caawa kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ah ee Degmada Ufayn. Kulankan oo ka dhacay magaalada Ufayn waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Degmada, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Intii uu socday kulanka, bulshada rayidka ah waxay fursad u heleen in ay su’aalo toos ah weydiiyaan xildhibaannada, kuwaasoo si hufan uga jawaabay su’aalihii iyo tabashooyinkii lasoo jeediyay. Kulankan wuxuu qeyb ka yahay dedaallada Golaha Wakiillada Puntland ee lagu xoojinayo is-dhexgalka shacabka iyo wakiilladooda, iyo weliba in la helo aragtiyo iyo talooyin toos ah oo ka imaanaya shacabka – kuwaasoo wax ka tari kara hawlaha sharci-dejinta iyo waajibaadka kale ee Golaha. DHAMMAAD –

Guddiga golaha Wakiillada ayaa kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ah ee Degmada Ufayn Read More »

Guddiga ka socda golaha wakiillada ayaa kulan la yeeshay maamulka,odayaasha iyo shacabka Degmada Goldogob

Goldogob 07 Octoobar 2025: Guddiga ka socda Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka ku maraya Gobolada Nugaal iyo Mudug ayaa galabta kulan la qaatay Maamulka iyo Shacabka degmada goldogob ee Gobolka Mudug. Xildhibaannada ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay Maamulka Degmada, taas oo la xiriirta horumarka iyo caqabdaha jira, iyagoo sheegay in degmadu ku talaabsatay mudadii labada kalfadhi u dhaxaysay shaqooyin badan una qabsoomeen wax la taaban karo , sidoo kale waxay xuseen in lagama maarmaan tahay in hawlaha hormarintu sii socdaan lagana wada shaqeeyo shacab iyo dowladba. Sidoo kale, waxaa la isla gartay in xildhibaanada iyo maamulku si wadajir ah u kormeeraan xarumaha shacabka loogu adeego iyo guud ahaan magaalada goldogob wixii kasoo baxana ay la wadaagi doonaan hay’addaha ay khusayso si wax looga qabto. Kulankan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Golaha Wakiillada Puntland ee lagu xoojinayo xiriirka tooska ah ee kala dhexeeya bulshada Puntland. DHAMMAAD –

Guddiga ka socda golaha wakiillada ayaa kulan la yeeshay maamulka,odayaasha iyo shacabka Degmada Goldogob Read More »

Scroll to Top