Golaha Wakiillada

Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada.

Garoowe, 5 Luulyo 2025 — Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Mudane Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada.

Ajandaha fadhiga maanta wuxuu ahaa Xeerarka ay Xukuumaddu soo gudbisay/gudbiso ama Goluhu curiyo.

Fadhiga waxaa Golaha hor-yimid Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, isagoo Golaha la wadaagay faah-faahin la xiriirta wax-ka- baddelka Xeerka, iyadoo xildhibaannadu su’aalo ka weydiiyeen Wax-ka-baddelka Xeerka Tacliinta Sare.

Intaas kadib waxaa Xeerka lagu wareejiyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta Iyo Isgaarsiinta, kuwasoo ku samaynaya akhrinta labaad, waxayna Golaha dib ugu soo celindoona 8 July, 205.

DHAMMAAD –

Scroll to Top