Waxaan ka qayb galay munaasabadda dhagax-dhigga dhismaha wadada isku xirta Bacaadweyn iyo Gaalkacyo.
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay mashruucan muhiimka ah, isagoo sheegay in dhismaha wadadani uu ku saleysan yahay isku-tashi iyo dakhliga cashuuraha shacabka, taas oo qayb ka ah dadaallada dib-u-dhiska dalka.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Isimo, waxgarad, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
SAWIRRO






