Garoowe: 30,October,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 5-aad, Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.



















Fadhiga maanta ayaa waxaa warbixino looga dhageystay 4 Guddi oo kala ah.
Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka.
Warbixin
Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga
Warbixin
Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha.
Warbixin
Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Arrimaha Qoyska & Horumarinta Haweenka.
Warbixin
Guddiyadda ayaa soo jeediyay warbixin la xiriirta dhammaan Kormeerada ay ku tageen Wasaaradaha, Hay’adaha Dawladda iyo socdaalkii U Kuur-gelida Gobolada dalka.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.