Fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada ( Warbixinta Guddiyadda) ( SAWIRO/MUUQAAL)

Garoowe: 29,October,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha Guddiyada kala ah:

1) Guddiga Arrimaha Golaha & Anshaxa.

Warbixin

2) Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka.

Warbixin

3)Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah.

Warbixin

Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland